Far-Qoraalka Marwada Koowaad Ee Maraykanku Waxa Ay Ka Marag Tahay Siro Badan Oo La Xidhiidha Xaaladdeeda Nafsiga Ah Iyo Xidhiidhka Iyada Iyo Odaygeeda Donald Trump

0
739

Washington (Geeska)- In kasta oo ay 126 maalmood ka soo wareegeen intii ay ahayd marwada koowaad ee dalka Maraykanka, haddana weli waxaa muuqata in shakhsiyadda Marwo Melania Trump ay weli dad badan ku tahay tahay haldhixaale ay furfuri kari waayeen. Waxa aana marar badan muran gala in ay ku qanacsan tahay xaasnimada Trump iyo in ay isfahamsan yihiin, ama ixtiraam iyo kalgacal ay kala kulanto odaygeeda Toddobaatan jirka dhaafay.

Arrintaasi waxa ay keentay in fiiro gaar ah loo yeesho dhaqdhaqaaqyadeeda iyo hab macaamilkeeda kadibna xeeldheerayaasha cilminafsigu ay ka dhigtaan mawduuc la daraaseeyo si loo fahmo shucuurteeda qarsoon.

Meelaha fiirada gaarka ah loo yeeshay waxaa ka mid ah far-qoraalkeeda oo markii ugu horreysay toddobaadkii dhowaa la arkay mar ay booqatay cisbitaal carruureed ku yaalla dalka Talyaaniga.

Melania Trump oo booqanaysay cisbitaalka Bambino Gesu ayaa buugga xusuus-reebka martida waxa ay ku qortay, “Wax weyn ayaa ay ii tahay in aan idin soo booqdo… Kuwa waara niyadsamaan iyo awood/karti …. Jacayl badan baan idiin hayaa…” qoraalkan yar ee xususu reebka ah oo ay magaceeda ku soo khatintay waxa ay Melania raacisay sawirgacmeed ay iyadu isla markaas sawirtay oo ahaa ubax iyo waden midabkoodu casaan yahay.

Fasiraadda Cilminafsiga

Markiiba khubarada ku xeeldheer cilminafsigu waxa ay is weydiiyeen macnaha ka turjumaya shucuurta Melania ee laga dheehan garo far-qoraalkeeda (Farta ay qortay).

Sheila Kurtz oo ku xeeldheer akhrisa khadka iyo qaab qoraalka qofku sida uu xidhiidh ula leeyahay xaaladdiisa nafsiga ah, ayaa mar ay u warrantay shabakadda Mail Online ee dalka Ingiriiska waxa ay tidhi, “Waxa farteeda laga dareemayaa in ay madax yar u samaysay dhammaadka kelmad kasta oo ay qortay. Madaxyadaasi waa calaamad tilmaamaysa go’aan qaadasho iyo hal-adayg. Waa calaamad ina tusaysa shakhsiyadda runta ah ee Melania Trump. Waayo waa gabadh adkays u leh haysashada waxyaabaha ay kasbato, iyada oo aanu gaabis ku jirin. Dhinaca kalana tiimihaha yaryar ee ay xaraf kasta aakhirkiisa ku dhammaysay waxa ay caddaynayaan sida ay Melania u tahay qof jecel wax kasta, in ay haysatana door bidda, ha ahaado wax la taaban karo ama wax la dareemi karo ee.

Isbarbar dhigga farta Trump iyo Melania muxuu cilminafsigu ka yidhi

Si guud Sheila waxa ay u aragtaa, “Farta Melania waxa ay muujinaysaa shakhsiyad niyadsan oo togan, sida oo kale leh tilmaamo badan oo fiican. Laakiin dhibcaha yaryar ee ay dhigaysaa, waxa ay tilmaamayaan in ay tahay qof wax dhegeysta, daacadnimo badan, awood fiicanna u leh in ay nafteeda xakamayso.

Sheila iyada oo is barbar dhigaysa qaab qoraalka Trump iyo afadiisana waxa ay sheegtay in ay meelo badan iska shabbahaan saxeexyada Melania iyo Trump, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay caddaysay, “Qaab-qoraalka Melania, gaar ahaan qallooca ku jira madaxa sare ee xarfuhu waxa ay aad ugu eeg yihiin saxeexii Trump, in kasta oo saxeexeedu u muuqdo in uu waxoogaa ka cidhiidhisan yahay marka la eego masaaxadda uu ku fadhiyo, iyo inta uu kala baxsan yahay, taasna ay aad ugaga duwan tahay odaygeeda.. saxeexa qaabkaas ahina waxa uu ina tusayaa ruux deeqsinimo iyo karti”