FAO: Sannad Kasta Waxaa Dunida Ka Khasaarta Cunto Ku Filnaan Lahayd Dad Gaadhaya Laba Bilyan Oo Ruux

0
777

Picture3Rome (Geeska)- Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada iyo beeraha oo magaceeda lagu soo gaabiyo FAO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in in ka badan 1.3 Bilyan oo ton oo cuntooyin ah sannad kasta la khasaariyo, taas oo ku filnaan lahayd in ay dhergiso dad tiradoodu gaadhayso Laba Bilyan oo ruux.

Shir Caalamiya oo dhowaan laga yeeshay khasaaraha cuntada ku dhaca iyo weliba daadaadinta iyo khasaarinta cuntada ayaa lagu gorfeeyey xalkii lagu joojin lahaa mushkiladda ah cuntada xad dhaafka ah ee sida macno darrada ah dunida oo dhan ugu khasaarta, taas oo ay ka qayb-galayaashii kulankani isla qaateen in ay ka mid noqon karto tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dabiibi karo gaajada iyo faqriga, laakiin waxa uu shirku isku raacay in taasi ay suurtogelayso uun marka ay xukuumadaha dalalka dunida ka arrimiya iyo shirkadaha waaweyni kordhiyaan iskaashiga ay arrintan kala yeelanayaan cidda ay khusayso si looga midho dhaliyo. Ku-xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda FAO Ren Wang oo hadal ka jeediyey shirkan oo ahaa kii labaad ee noociisa ah ayaa sheegay in arrintan oo wada-jir looga shaqeeyaa ay suurtogal tahay in ay keento isbeddel dhab ah oo lagaga hortegi karo caqabadaha waaweyn ee hor taagan amniga cuntada adduunka.

Shirkan oo sannadkan ka dhacayey magaalada Düsseldorf ee dalka Germany waxaa lagu sheegay in 842 Milyan oo qof ay dunida maanta gaajo bariinsatay la silcayaan, halka xaddi dhan 1.3 Bilyan oo ton oo cunto ahi ay sannad kasta hambo la daadiyo iyo khasaare ka noqdaan dunida. Warbixinta hay’adda FAO waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in cuntada dunidu soo saarto ee aan loo isticmaalin si ki habbooni ay ku filnaan lahayd in ay quudiso Laba Bilyan oo ruux oo gaajaysan. Ayaa uu sheegay Dr. Ren Wang oo ka hadlayey shirkan oo socday 7dii iyo 8dii bishan Shanaad ee aynu ku jirno.

Arrintani waxa ay caddaynaysaa in cuntada ay dadka ladan ee dunidu qubaan ama khasaariyaan, iyo cuntooyinka ay khasaariyaan beeralayda bilowga ku ah beerashada iyo dadka sifada qaldan u kaydiyaa in ay khasaariyaan cunto ka badan inta looga baahan yahay dunida maanta oo la og yahay in dadkeeda gaajaysani ay tiro xawli ah sannad kasta ku sii kordhayaan.