Fannaanada  Xabiiba Balbalaaf Maxay Ka Tidhi Somaliland?

0
664

Hargeysa(Geeska)- Fannaanada caanka ah  ee Xabiiba Cabdillaahi Balbalaaf oo socdaal ku joogta  caasimadda Somaliland ee Hargeysa Ayaa dareenkeeda ka muujisay  waxyaabihii ugu yaabka badnaa ama soo jiitay, ee ay ku aragtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa oo ay ku sugnayd dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyey.

1

Fanaanada, ayaa waxay iyadoo ka hadlaysa Somaliland iyo shacabkeeda ay tidhi “kolka hore waxaan salaamayaa dhammaanba shacbiga Somaliland iyo madaxdoodaba,iyo sidoo kale bahda fannaaniinta,waa meel run ahaantii aan ku leeyahay asxaab badan iyo taageerayaal badan oo fanakayga si weyn u xiiseeya aniguna si aad ah u jecelahay,taariikh weyna ku leh,aasaaka iyo horumarka fanka soomaalida,intaa ka bacdi  waxa huunno  socdaalkayga wakhtigan ee Somaliland  iigu  xigtay 6 sano ka hor,xilligaasi oo ku beegnayd 2010kii,run ahaantii waxyaabaha sida aadka ah ii soo jiitay,haddaan wax kaaga sheego waxa ka mid ah isbedelka weyn ee ka muuqda madaarka Hargeysa,waayo?madaaradu  waxay ka mid yihiin  meelaha qofku marka uu waddan soo galo kolka ugu horraysa  isha ku dhufanayo,waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay horumarka casriga ah ee lagu sameeyey,oo aan ka  odhan karo kolkaasi hore ma uuna aheen garoon diyaaradeed oo u qalma caasimada Somaliland, laakiin maanta  waxaan odhan karaa waa heer caalami,dhismaha iyo bilicda ka muuqata,qaabka loogu adeegayo dadka,nidaamka ka muuqda ,iyo wax kastiba,waxaanan jecelahay inaan ku baogaadiyo dawladda Somaliland, horumarkaasi ay dadkeega u waddo."