Fanaaniinta Sahra Axmed Iyo Fuaad Cumar-yare Oo 18 May Bandhig Faneed Ku Qabanaya Hargeysa

0
684

Picture5Hargeysa(Geeska)-Fanaaniinta  caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac iyo Fu’aad Cumar-yare ayaa habeenimada 18 May, magaalada Hargeysa ku qaban doono bandhig faneed xiiso badan.

Bandhig faneedkan oo ka dhici doona hoteelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxa loogu tallo galay in loogu dabaal deggo maalinta qaranimada Somaliland, waxa lagu galayaa qiimo dhan $ 20 (Labaatan Dollar), waxaana heeso wadani ah iyo kuwo jacayl ahba ku soo bandhigi doona labada fanaan ee Fu’aad iyo Sahra Axmed. “Bandhig faneedkaas waxa aanu qaban doonaa habeenimada 18 May oo ah marka maanta oo kale la xuso 18 May, ayaanu annaguna habeenimada qaban doonaa. Shacabkayaga waxaanu u balan qaadaynaa inuu bandhigaasi noqon doono mid xiiso badan.” Sidaas waxa yidhi Fu’aad Cumar-yare.

Haddaba, dadweynaha reer Somaliland ee ku sugan caasimadda Hargeysa, waxa lagu wargelinayaa inay u diyaar garoobaan ka qayb galka kulanka fanaaniintaas oo ah kuwo cod halaasi ah leh. Sahra Axmed iyo Fu’aad Cumar-yare waxay shacabkooda u balan qaadayaan inuu bandhigaasi noqon doono mid aan hore dalka uga dhicin.