Fanaanada Hibo Maxamed Oo Dawladda Ka Codsatay In La Sii Daayo Fanaanka Farxaan Xidig

0
653

Hargeysa(Geeska)-Fanaanada caanka ah ee Hibo Maxamed, ayaa dawladda Somaliland ka codsatay in xorriyadiisa loo soo celiyo fanaanka lagu magacaabo Farxaan Xidig oo ay dhawaan ciidamada ammaanku Hargeysa ka qabteen, kuna eedeeyeen inuu faraha kula jiray fal liddi ku ah qaranimada Somaliland.

1

Hibo Maxamed, oo muuqaal iskaga soo duubtay qurbaha maalintii Ciiddii, waxay ku baaqday in xorriyadiisa loo soo celiyo Mr. Xidig oo ku xidhan Hargeysa “Halkan waxaan ka dirayaa baaq aan u dirayo dawladda Somaliland, waxaad nagu tidhaahdeen oo in badan dhagayahagu maqlaan dal Dimuqraadi ayaanu nahay, waanu ku faanaynaa, adduunyadaan ka iibinaynaa oo kala dambayn ayaan leenahay haddana qof fanaana oo aan waxba dhimin ayaad xidheen, naga daaya oo soo daaya fanaanka.” ayay tidhi Hibo Maxamed oo intaas raacisay “Waxaan si sharaf leh idiinka codsanayaa inaad codsigaaygaas  ajiibtaan oo soo daysaan fanaankaas Farxaan xidig.

Farxaan Xidig oo u dhashay Somaliland ayaa dhawaan shaaciyay inuu ku biirayo Baarlamaanka loo dhisayo dalka Somaliya.

Farxaan Xidig oo weynida ku bilaabay fanka, ayaa muddooyinkan dambe bilaabay olole uu ku dacaayadeeyo Somaliland.

Fanaankan, ayay dadka aqoonta u lihi waxay sheegaan inuu nacaybka Somaliland bilaabay ka dib markii bandhig faneed uu Hargeysa ku qabtay ciddi u geli weyday, maadaama oo aanu lahayn heeso u gaar ah oo ay bulshadu xiisayso, waxaana cadhadii uu ka qaaday bandhigaas loo cid leeyay uu bilaabay dacaayadahan.