Falastiini Baastooladdiisa Ku Beddelay Wejiga Maraykan Oo 50 Sano Kaddib Weli Maxbuus Ku Ah Xabsiyada Dalkaas (1)

Published on Jul 18 2018 // Googooska Geeska

Washington (Geeska)- 5tii bishii lixaad ee aynu ka soo gudubnay, waxa au ku beegnayd sanand guuradii Kontonaad ee ka soo wareegtay markii 1968 kii, Falastiini jinsiyadda Urdun sitaa uu afar xabbo oo rasaas ah la beegsaday murashax u taagnaa doorashada madaxweynenimada dalka Maraykanka oo sahaminta rayulcaamka ee la sameeyey ay muujinaysay in uu isagu ku guulaysanayey doorashada dhacaysay bishii Noofambar. Taariikhyahanno badan ayaa aaminsan in rasaastaas ka dhacday baastooladda Sarxaan Bishaara Sarxaan ay beddeshay wejiga dawladda dunida ugu weyn ee Maraykan.

Sarxaan waxa uu toogtay murashaxii xisbiga dimuqraaddiga ugu tartamayey Aqalka Cad ee Maraykanka,  Robert Kennedy oo ay walaalo ahaayeen John F. Kennedy oo ahaa madaxweynihii shan sano ka hor doorashadaas, la dilay isaga oo xilka haya.

Murashax Robert Kennedy oo 42 sano jir ahaa, ayaa ka qaybgalay kulan ol’olihiisa ka mid ahaa oo ka dhacayey hoolka huteelka Ambassador ee magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka. Daqiiqado yar kaddib markii uu dhammaystay khudbaddii uu madashan ka jeediyey, ayaa uu u dhintay afar xabbadood oo uu ku soo riday Sarxaan.

Sarxaan Bishaarah Sarxaan sannadkii 1944 kii ayaa uu ku dhashay magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta, markii da’diisu 12 sano jir ahaydna isaga oo ay weheliyaan labadiisa waalid iyo walaalihii oo afar ahaa ayaa uu u tacabbiray dalka Maraykanka. Laba iyo toban sano kaddibna saddex xabbadood oo ka mid ahaa afar xabbadood oo uu ka riday baastoolad uu lahaa, ayaa uu ku dilay murashaxii ugu rajada badnaa guusha doorashada Madaxweynaha. Sarxaan isla markii uu falka geystayba xabsiga ayaa loo taxaabay, muddo yar kaddib ayaa ay maxkamaddu ku heshay dembiga ah in uu si badheedh ah wax u dilay, waxa aanay ku xkuntay dil. Markii uu muddo 3 bilood ah dil-suge ahaa, ayaa xukunkii dilka ahaa loogu beddelay xabsi madaxaa ha ku furto ah (Xabsi daayin). Xukunkaas ayaanu ku xidhan yahay muddo hadda maalmo yar dhaaftay 50 sano iyo bil.

Sarxaan Bishaara Sarxaan kontanka sano ee uu xidhnaa, badankooda waa uu dafirsanaa in uu isagu geystay dilkaas oo ku beegnaa xuska sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay jabkii ay Israa’iil kaga xoog badatay dalalka Masar, Suuriya iyo Urdun. Dagaalkii lixda maalmood ee sannadkii 1967 kii. Muddadaas uu Sarxaan xabsiga ku jiro, Shan sano oo kasta oo ka mid ah, hal mar ayaa dib loo keenaa maxkamadda si uu uga qaybgalo fadhiyo lagu eegayo waxa uu sharcigu ka qabo in Sarxaan damiin lagu siid aayo. Waxaa u dambeeyey kulan arrintaas lagaga hadlayey sannadkii 2016 ka, oo laakiin hay’addii awoodda cafiska lahayd ay diidday. Fadhi kasta oo la keeno Sarxaan waxa uu ka sheegaa in aanu dembi qabin. Waxaa ugu darnaa fadhigii sannadkii 2011 ka, oo sida ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ku warrantay, uu guddida cafiskiisa qiimayansa u sheegay in, “In aanu khaarajinta murashaxa ee la sheegayo, waxbaba ka xasuusnayn, wax dilkaas murashax Robbert kaddib dhacayna aanu xasuusnayn” In kasta oo uu sannadkii 1989kii, mar uu waraysi siinayey saxafiga Ingiriis ee David Forrest, ayaa waxa uu sheegay in uu dilay Murashax Robert Kennedy oo sida oo kalana ahaa xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee sharcidejinta Maraykanka. Sarxaan marka la weydiiyey sababta dilka ku riixdayna waxa uu sheegay, “In ay tahay, taageerada aan xadka lahayn ee uu siin jiray Israa’iil, iyo dadaalkii uu Robert Kennedy ku doonayey in uu 50 diyaaradaha dagaalka ah u diro, si loogu dilo Falastiiniyiinta” sida uu isagu sheegay.

Sarxaan Bishaara Sarxaan markaas sannadkii 2011 ka ahayd ee uu ka hor hadlay guddida garsoor ee xukunka qiimaynaysay waxa uu u sheegay in diinta uu aaminsan yahay ay tahay Kiristaanka oo uu weligiiba haystay. Laakiin haddana uu haysto nuskhado ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah iyo kutub kale oo diineed oo ay ka mid yihiin, Tawraat iyo Injiil. Waxa aanu sheegay in Qur’aanku uu ka caawiyo in aanu afkiisa carbeed ka lumin. Isaga oo guddidana u akhriyey aayad uu sheegay in ay tahay hadalkii Ciise oo dalbanaysa in dadka maxaabiista aan muddo la haynin ee la iska sii daayo. La soco…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!