Facebook Oo Bilaabay Adeeg Cusub Oo Ah Xawilaadda Lacagta Oo Ka Fudud Sidii Hore U Jirtay

0
742

Washington (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee Facebook oo hore u ahayd barkulanka bulshada ee ugu weyn dunida ayaa markan adeegyadeeda ku dartay mid cusub oo macaamiisheed u suurtogelinaya in ay lacagaha u xawilaan daafaha dunida, iyaga oo kaashanaya shirkad lagu magacaabo Transfer Ways.

Shirkadda Transfer Ways oo xarunteeda dhexe tahay magaalada London ayaa shaaca ka qaadday in ay samaysay adeeggan Chatbots oo ku shaqaynaya qaybta farrimaha gaarka ah ee Facebook (Messenger), waxa aanu qofka ka caawinayaa in ay shirkadahooda lacagta sida bangiyada ay la macaamilaan iyaga oo sii dhex maraya adeeggan, sida in ay wax ku iibsadaan internet ka iyaga oo Facebook dhex maraya iyo in ay xisaabtoodad bangiga lacago ka xawilankaraan oo meelo kale u sii diri karaan.

Adeeggan ayaa qofka u ogolaanaya in uu lacag qof kale u diro, oo tusaale ahaan isaga oo Maraykanka jooga uu lacag u diri karo ruux joogo dal kale, in kasta oo sida ay masuuliyiinta Facebook sheegayaan aanu weli adeeggan qaybtiisa dibaddu shaqo gelin. Waxa kale oo uu adeeggani macmiilka Facebook la socodsiin doonaa hadba qiimaha sarrifka lacaguhu halka uu marayo. Masuuliyiinta adeegga Transfer Ways, oo ka hadlay adeeggan cusub ee ay isla kaashanayaan shirkadda Facebook ayaa sheegtay in adeeggeedan cusub uu noqon doono kii ugu horeeyey dunida ee suurtogeliya in uu lacago daafaha dunida oo dhan isaga xawilo isaga oo adeegsanaya barnaamijka farrimaha degdegga.

Bishii Afaraad ee sannadkan ayaa ay shirkadda Facebook shirkadaha dunida ee dhinaca maaliyadda u furtay in ay dhisaaan barnaamijyo (Software) suurtogelinaya qorshaha shirkaddooda ee ah in ay adeegyadeeda ku ballaadhiso dhinacyada maaliyadda iyo la macaamilka shirkadaha.

Shirkadda Transfer Ways oo ku fadhida lacag ka badan Bilyan doolar, waxaa la aasaasay sannadkii 2011ka.

Adeeggan iyo barnaamijkan cusub ee ay iska kaashanayaan Facebook iyo Transfer Ways ayaa marka uu dhammaystirmo lagu wadaa in uu suurtogeliyo in shirkadda Facebook ay ku soo biirto dhinaca tartanka xawilaadda lacagaha ee dunida ka jira, iyada oo la adeegsanayo talefannada gacanta ee internet ka u furan oo hadda dunida arrin helitaankeedu fudud yahay ka noqday.

Taas macnaheedu waa in qofku uu talefankiisa gacanta ka dirayo lacagta, laakiin markan aanu isticmaalayn adeegga shirkadda talefanka kaadhkiisa leh, sida hadda jirta, balse uu adeegsanayo boggiisa facebook, si isku mid ahna uga isticmaali karo talefankiisa gacanta, tablet kiisa iyo kombiyuutarka, isaga oo aan muhiimad siinayn shirkadda talefankiisa adeegga kaadhka hadalka siisa.

Mar sii horreysay oo isla bishan ahna shirkadda kale ee Pay ball holdings ayaa daahfurtay adeeg sidan oo kale Internet ka la isticmaalayo oo iyada oo la sii dhex marayo barnaamij ay shirkaddani diyaarisay si sahal ah lacag la isugu diri karo, adeeggani waxa uu si isku mid ah ula shaqayn karaa bangiyada kala duwan, waxa se illaa hadda uu ku kooban yahay dalka Maraykanka gudihiisa.