Faaliye Saadaalinaya In Aadame-Ekaha Robot Ku Aakhirka Aadamaha Runta Ah Dunida Ka Tirtiri Doono

0
1005

London (Geeska)- Lord Martin Rees oo ah caalim dhinaca xiddigiska ku xeeldheer ayaa ku andacooday in qalabka Kombiyuutarka ee Aadame la’-moodka ahi (Robot) uu boqollaalka sano ee soo socda dunida ka tirtiri doono aadamaha runta ah, halkoodana isagu geli doono.

Martin Rees waxa uu intaas ku daray in qalabkani uu la wareegi doono gacan ku haynta arlada, taasina ay taariikhda aadamaha ka dhigi doonto keliya noole mar si-ku-meel gaadh ah dunida ugu noolaan jiray.

Saadaasha xiddigiyahani ma’aha wax u uun uu u ekeysiiyey filimkii malo-awaalka ahaa ee The Terminator oo sannadkii 1984-kii uu soo saaray James Cameron, kaas oo muujinayey in waxa loo yaqaanno garaadka/maskaxda samayska ah (Artificial Intelligence – AI) uu adduunyada qabsanayo, balse Lord Martin Rees waxa uu isagu ka eegay meel halkaas ka xeeldheer.

Lord Rees oo ka tirsan jaamacadda Cambridge waxa uu ka eegay meel in horumarinta xooggan ee cilmiga tiknoolajiyaddu ku samaynayo qalabkan Aadame la’ moodka ah (Robot) uu aakhirka siin doono garaad ugu filan in uu qalabkani gacanta ku dhigo talada dunida, meeshana ka saaro gebi ahaanba garaadka dabiiciga ah oo uu beddeli doono garaadkaas samayska ah ee Electarooniga loo yaqaanno.