Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Guurka Waxaa Ka Mid Ah Wadne Xanuunka Oo Uu Yareeyo Iyo Dhiigga Oo Uu Dejiyo

Published on Jun 28 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad ayaa daahfurtay in dadka xaasleyda ahi ay yihiin kuwa ugu yar ee ay ku dhacaan cudurrada wadne xanuunka, marka la barbardhigo dadka la midka ah ee aan iyagu weli guursan.

Cilmibaadhayaal dib u eegis iyo baadhis ku sameeyey natiijada iyo warbixinnaha in ka badan 23 cilmibaadhisood oo hore, dadka lagu tijaabiyeyna tiradoodu ka badnayd Laba milyan oo ruux, ayaa ogaaday, dadka aan guurka hore soo marin, ama carmalka ah ee lammaanihiisii ka dhintay ama kala tageen in ay qaadista wadne  xanuunka iyo xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga boqolkiiba 42 kaga badan yihiin kuwa la midka ah ee iyagu xaasleydka ah.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in guurku faa’iidooyinkaas caafimaad ee weliba gaar ahaan wadnaha ah yeeshaa ay aad ugu xidhantahay xaaladda nololeed iyo is faham ee lammaanaha, oo tusaale ahaan ay muhiim tahay in qoysku uu dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba xasiloon yahay. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu sheegeen in aan guur la’aanta aan si rasmi ah loogu aqoonsan karin sababta wadne xanuunka keenta, waayo daraasadaha caafimaad ee illaa hadda arrintaas lagu sameeyey waxa ay sheegayaan in ay jiraan sababo kale. Da’da, jinsiga (Lab iyo dheddig), dhiigkarka, Kalastaroolka oo bata, sigaar nuugsita, iyo xanuunka macaanka ayaa la aaminsan yahay in ay boqolkiiba 80 ka yihiin sababaha keena wadne xanuunka.

Dhinaca kalana waxa ay culimada cilmibaadhistan ka qaybqaadatay ogaadeen in furniinku uu isaguna guurka ku liddi yahay faa’iido ahaan. Cilmibaadhiso la xidhiidha saamaynta caafimaad ee furniinku ku yeelan karo lammaanaha ayaa la waday muddo aad u dheer oo u dhexeysay 1963 kii illaa 2015. Dadka tijaabooyinka laga qaaday oo u dhexeeyey 42 sano jir illaa 77 sano, ayaa ka soo jeeday dalalka Yurub, dawladaka Iskandaneefiyaanka, Woqooyiga Ameerika, Aasiya iyo Bariga dhexe.

Waxa ay cilmibaadhistani faa’iidaysay in furniinku uu boqolkiiba 33 kor u qaado dhimashada kediska ah ee ku timaadda dadka qaba wadne xanuunka, oo ay ku keento in wadnuhu istaago ama dhiig ku furmo maskaxda.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!