Faa’idooyinka Caafimaad Ee Shaaha Laga Helo Iyo Sababta Uu Subaxda Hore Qofka Firfircoonida U Geliyo

0
1247

Qaahira (Geeska)- Khabiir u dhashay dalka Masar oo lagu magacaabo Dr. Majdi Nasiih ayaa baadhitaanno uu sameeyey ku ogaaday in shaahu uu leeyahay awood aad u xoog badan oo uu ka hortag ka noqon karo xanuunno uu kansarku ka mid yahay.

Dr. Majdi oo madax ka ah Waaxda cilmiyeynta nafaqada ee maxadka Qaranka ee Nafaqada ee dalka Masar ayaa waraysi uu Geeska Afrika turjumay ugu sheegay shabakadda wararka ee Alcarabiya, “Shaahu waxa uu ka mid yahay dhirta lagama maarmaanka u ah caafimaadka jidhka aadamaha, si aynu uga faa’idaysanno waxtarkiisa caafimaadna waxaa waajib ah in aynu u isticmaalno hab aan burburinayn waxtarkiisaas”

Dr. Majdi oo sii faahfaahinaya habka ugu fiican ee ay tahay in shaaha loo diyaariyo si faa’idadiisa loo helo ayaa intaas ku sii daray, “Waa marka koowaad ee waxaa lagama maarmaan ah in shaaha nooca loo karinayaa aanay noqon qaabka ah in caleenta iyo biyaha oo kulul uun la isku daro, balse ay sida saxda ahi tahay in shaaha biyaha oo karaya oo dabka weli saaran lagu rido si uu ugu qarxo” Khabiirka oo arrintan sababaynaya ayaa sheegay in Shaahu uu yahay caleen saliid dabiici ah leh, karintuna ay tahay habka keliya ee saliiddaas uu ku ilaashan karo. Khabiirku waxa uu sheegay in karintu ay firfircoonayso asiidhka Tannic acid ee ku jira shaaha oo faa’idooyinka uu leeyahay ay ka mid tahay in uu jidhka ka nuugo kalastaroolka dhibaatada caafimaad keena, isla markaana ka ilaaliyo in dufanku uu ku ururo jidhka iyo xididdada dhiigga dhexdooda, taas oo haddii ay dhacdo sababaysa in xididku adkaado iyo in uu xidhmo. Faa’idooyinkan ayaa sida oo kale sabab u noqon kara in shaahu uu yareeyo khatarta cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Arrinta kale ee muhiimka ah ee uu sheegay Dr. Nasiih ayaa ah in xumbada shaahu sameeyo marka uu karo oo dadka qaar u haystaan in ay ka timid karista biyaha aanay sidaas ahayn, balse ay ka dhalato laba maaddo oo shaaha ku jira oo isku darsamaya, labadan maaddo isla falgalkoodu waxa uu siiyaa awood ay jidhka kala dagaalamaan mariidka / sunta cuntada ka samaysanta iyo in ay muquuniyaan kansarka.

Waxaa shaaha ku jira maaddooyin nuuga macdanaha qaarkood, sidaa awgeed waxaa fiican in mar kasta oo cunto dufanku ku badan yahay la cuno laga dambaysiiyo shaah, si uu dufankaas u nuugo inta aanu isu beddelin sun.

Khabiirka oo arrintan sii iftiiminaya ayaa yidhi, “Waxaa fiican in marka la cuno cuntooyinka ay ka mid yihiin hilibka, saladhada qaar iyo caanaha, laba saac kadib laga dambaysiiyo shaah si inta aanu jidhku nuugin macdanaha dhibaatada leh ee ku jira, uu shaahu uga hor nuugo. Waxa se laga digay in isla marka cuntooyinkan la cuno, lagu xigsiiyo shaaha, waayo waxaa dhacaysa in asiidhka Taanik ee shaaha ku jiraa uu nuugo maaddooyinka cuntooyinkan ku jira isaga oo aan weli jidhku ka faa’idaysan, taasina ay meesha ka saarto faa’idadii jidhku cuntooyinkan ka helayey iyo nafaqooyinkii muhiimka ahaa.

Dhinaca kalana waxa uu Dr. Majdi sharraxay sababta shaahu uu qofka firfircoonida u geliyo subaxdii marka uu hurdada ka tooso. Isaga oo sheegay in shaaha ay ku jirto maaddo lagu magacaabo Theophylline oo awood u leh in ay ballaadhiso xididdada yaryar ee ay hawadu marto, taasi marka ay dhacdana ay keenayso in maskaxda ay gaadho ogsajiin ku filan, kadibna ay si fiican u firfircoonaanayso.