Faa’idooyinka Caafimaad Ee Sabiibta Laga Helo

0
1847

code valueQaahira (Geeska)- Dr. Maxamed Xilmi oo ku xeel dheer dawaynta dabiiciga ah, buurnida iyo dhuubnimada, isla markaana ka tirsan jimciyadda Maraykanka ee la dagaallanka buurnimada ayaa shaaca ka qaaday in midhaha sabiibtu ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo tiro badan. Dr. Xilmi waxa uu sheegay in faa’idooyinkaas caafimaad oo ay ka mid tahay in sabiibtu ay dawayso qaar ka mid ah cudurrada jidhka ku dhaca ayaa waxa kale oo uu sheegay xaaladahan hoos ku xusan:

1. Sabiibtu waxa ay u fiican tahay dadka ay aad hoos ugu dhacaan unugyadooda dhiigga cas, oo ah xaaladda afka qalaad lagu yidhaahdo Anemia (Aneemiya)

2. Sabiibtu waxa ay jidhka siisaa tamar dabiici ah oo ka caawin karta in uu u adkaysto dhibta iyo daalka hawl maalmeedka.

3. Sabiibtu waxa ay dawo ka tahay suuska oo ah cudur dunida oo dhan fara baas ku haya.

4. Sabiibtu waxa ay xoojisaa wadnaha waxa aanay kor u qaaddaa caafimaadkiisa.