Faa’idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Malabka Marka La Cuno Subaxda Hore Inta Weli La Af Xidhan Yahay

37
5805

Hargeysa (Geeska)- Waa ay badan yihiin daraasadaha caafimaad ee midiba dhan ka eegto faa’idooyinka aan la soo koobi karin ee Alle malabka u geliyey aadamaha, iyada oo mid kastaa soo bandhigayso natiijo muujinaysa faa’idooyin aan hore loo ogeyn.

Haddaba cilmibaadhis dhowaan soo baxday ayaa iyaduna daahfurtay in koob biyo diirran oo malab lagu daray ah, oo maalin kasta la cabbaa ay si weyn uga qayb qaadato dhimista miisaanka, isla markaana ka hortag u noqoto xanuunno badan.

Natiijada daraasaddan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Elaph ayaa iftiimisay in malabka oo la cuno subaxda hore inta aan cunto kale la cunin ay ka hortagto in qofku uu cunto badan cuno, maadaama oo uu malabku dhereg keeno, sida oo kalana ay yarayso xiisaha uu qofku u qabo cunista macmacaanka iyo sonkorta.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in malabku uu galo kaalinta dawada jeermis-dilaha ah ee ‘Antibaayootigga’ loo yaqaanno, taas oo sababta in uu xoojiyo habdhiska difaaca jidhka, sida oo kalana ay ku jiraan maaddooyin liddi ku ah mariidka, Faytamiinno, macdanno iyo dheecaanno kala duwan oo dhammaantood muhiimad weyn u leh caafimaadka.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in subax kasta oo la cabbo biyo diirran oo malab lagu daray ay si weyn uga hortagto calool xanuunka, dibbirada iyo naqaska caloosha isku xidha, waxa aanay sababta ku sheegeen in dareerahan malabka lihi uu awood u leeyahay in uu nuugo neefaha ku jira midhicirada, isla markaana uu yareeyo calool xanuunka.

Waxa ay khubaradu sheegeen in malabku uu yareeyo Kalastaroolka iyo wadne xanuunka, waxa aanu caawiyaa bogsashada nabarrada bogsashadoodu adkaato. Waxa kale oo malabka loo isticmaali karaa in wejiga la mariyo oo lagu daayo cabbaar kadibna laga maydho, si uu jidhka u nadiifiyo isla markaana midabkiisa dabiiciga ah u soo celiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here