Faa’idooyinka Caafimaad Ee Caanaha Gadhoodhka Ah Waxaa Ka Mid Ah Ka Hortagga Kansarka Beerka

0
1320

Picture8Qaahira (Geeska)- Daraasado cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa daahfuray in caanaha sida dabiiciga ah u gadhoodhaa ay ka hortag u noqon karaan kansarka, gaar ahaan noociisa abbaara beerka. Daraasaddan oo ay mar sii horreysay samaysay xarunta cilmi baadhista Qaranka ee dalka Masar ayaa muujisay in caanaha gadhoodhka ahi raad togan ku leeyihiin caafimaadka beerka.

Drs. Naayirah Muhanna' oo ah khabiir ka tirsan xaruntan ayaa sheegtay in daraasaddan ay ku ogaadeen in caanaha sida dabiiciga ah u gadhoodhaa ay qayb libaax ka qaataan firfircoonaynta iyo tayeynta shadqada hab dhiska difaaca ee jidhka bani'aadamka. Sida ay sheegtay Drs. Naayirah, ayaa sheegtay in tijaabooyinka ay sameeyeen muddadii ay cilmi baadhistan wadeen ay ku ogaadeen in caanaha gadhoodhka ahi (Karuurka) ay wax ka taraan ka hortagga in halbawlayaasha dhiiggu balqaan, iyo in unugyada beerku hawlgab noqdaan, sidoo kale waxa ay beerka ka ilaaliyaan dhiig-furanka.

Waxa ay daraasaddu caddaysay in caanaha gadhoodhka ahi ay si weyn jidhka uga ilaaliyaan kansarka beerka, isla markaana ay xaddidan in haddii uu kansarku ku dhaco beerka aanu ku faafin jidhka kale, khubaradu iyaga oo daraasaddan ka duulaya ayaa ay wadaan in ay raadinayaan dawo lagula  tacaali karo cudurka kansarka. Sida ay daraasaddu sheegtay caanaha gadhoodhka ah ee loo jeedaa waa kuwa si dabiici ah u gadhoodhay kumana jiraan kuwa lagu daray maaddo gadhoodhinaysa. 

 

cadaala ? e??q??pqa xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.” Ayay warbixintu tidhi.

 

Warbixintu waxay sheegtay in dadka dibaddaha laga celiy aanay aanay Somaliland aqbalin marka laga reebo kuwa Somaliland u dhashay amaba asal ahaan ku noolaa.