Faa’idooyin Caafimaad Oo Badan Ayaa Ku Jira Saddex Khudradood Oo Dalkeenna Laga Helo

0
696

Qormadan waxa uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa saddex nooc oo ka mid ah khudradda sida joogtada ah dalkeenna looga helo, iyada oo aanu weliba qiimaheedu qaali ahayn, ee ay khubarada caafimaadka dunidu sheegeen in ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo aad u weyn.

1. Beytaraaf: Beytaraafka waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah asiidka Folic Acid iyo Ganka loo yaqaanno Dietary fiber labadaas oo la og yahay in ay leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Beytaraafka waxa kale oo ku jira isku-dhisyo dhireed oo si weyn u xoojiya hab-dhiska difaaca ee qofka.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in cunista Beytaraafku ay kor u qaaddo tamarta ku jirta jidhka, dejiso dhiig karka, isla markaana yarayso caabuqa iyo xanuunka Laabatooyinka. Sidoo kale Beytaraafku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka taariikhihii hore ahaa daawo dhaqameed loo isticmaalo xoojinta awoodda jinsiga.

2. Busbaas akhtarka (Qaji): Busbaas qajiga waxaa ku jira maaddada Capsaicin oo ah tan iyadu kulaylka keenaysa, taas oo ay khubarada caafimaadku qireen in ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, tusaale ahaan waxa ay maadaddani ilaalisaa caafimaadka xididdada dhiigga, waxa ay xoojisaa hawsha dheef-shiidka, waxa aanay firfircooni gelisaa qaar ka mid ah maaddooyinka kiimikaad ee maskaxda, waxaana ka mid ah kuwa dareenka gaajada baraarujiya. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in maadaddan Capsaicin ay jidhka ka caawiso in uu soo saaro xaddi badan oo ah hormoonka Endorphin oo loo yaqaanno hormoonka farxadda, maadaama oo uu abuuro shucuurta farxadda.

Khubaro badan ayaa aaminsan in maaddooyinkan busbaasku ka samaysan yahay leeyihiin faa’idooyin kale oo ay ka mid tahay, xanuun baabi’iye (Kaar Jebin), Miisaanka ridistiisa oo uu caawiyo busbaasku, maadadda Cayenne ee busbaaskak u jirta ayaa hoos u dhigta kaalastaroolka, lana aaminsan yahay in ay ka hortagto xijirowga dhiigga jidhka ku wareegaya, faaliigga, iyo xidhmista xididdada wadnaha iyo sambabada, waxa uu yareeyaa cabudhka sanka maadaama oo uu nadiifiyo hawo-mareennada, waxa uu xoojiyaa hab-dhiska difaaca, waxa uu yareeyaa halista Kansarka qanjidhka ragga.

3. Tamaandhada: Tamaandhadu waxa ay qani ku tahay Faytamiinnada C iyo A iyo maaddooyin ay ka mid yihiin Potassium kuwaas oo dhammaantood faa’ido aad u badan u leh caafimaadka. Sidoo kale maadadda Lycopene ee ku jirta Tamaandhada oo ah tan sababta u ah in ay yeelato midabka casaanka ah, ayaa awood u leh in ay jidhka kala dagaallanto gabowga, kaalin mug lehnak a qaadata ka hortagga Kansarka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Sida lagu baahiyey shabakadda wargeyska Deutsche Welle oo laga leeyahay dalka Jarmalka maadadda Lycopene waxa ay jidhka ka yaraysaa kalastaroolka dhibta leh, waxa aanay u wanaagsan tahay aragga iyo caafimaadka indhaha.