Faahfaahin Laga Helay Dooni Tahriibayaal Siday Oo Ku Degday Xeebaha Liibiya

0
585

Picture1Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dadaalka gurmadka ee tobanaan muhaajiriin ah lagaga badbaadiyay doon ku degtay xeebaha dalka Libya. Tahriibayaasha ayaa u badnaa Somali.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay , iyadoo in ka badan laba boqolna laga soo saaray biyaha.

Weriyaha BBC uga soo waramma Rome, Alan Johnston ayaa ka waramaya sharaxaad laga bixiyay haweenay Soomaali ah oo ilmaheeda ka badbaadisay biyaha:

Doonta ayaa oo kaliya konton mayl ka soo baxday xeebaha dalka Libya markii dhibaatadu ay ku dhacday.

Kooxdii ugu horaysay ee gurmadka ee gaarta waxay ahaayeen dhaqaatiir ka tirsan hay'ad gargaar oo la yiraahdo Order of Malta.

Waxay sheegtay in xilligaas ay u tageen doonta degtay wali qayb yar oo ka mid ah ay hirka dushiisa ka muuqatay, balse in yar kadib ay doonta oo dhani badda gashay.

Dadka la soo badbaadiyay waxaa ka mid ahaa haween Soomaali ah oo la yidhaahdo Amina. Waxay ku dhaganayd alwaax yar, iyadoo xoog ugu dadaalaysa in wiilkeeda afar bilood jirka ah madaxiisa ay biyaha ka ilaaliso.

Shaqaalaha gurmadka, ayaa u qaatay in uu ilmaha yar dhintay. Balse waxay ku duubeen buste, oo ay dhigeen meel diiran oo aan ka fogeyn matoor si tartiib tartiib ah ayaa ilmuhu dib ugu soo noqday.

Hooyadii ayaa laga soo saaray biyaha oo aad u qabow badan, iyadoo xaaladeedu liidato, aadna u naxsan, balse si gaabis ah ayay u soo kabatay ugu dambayntiina awood u heshay in ay naas nuujiso ilmaheeda.

Dadkii kale ee doonta laga soo saaray ma badbaadin. 17 mayd ayaa doonta gurmadka la soo saaray, waxaana dhici karta in ay qaar kale oo dadkii saarnaa ah ay maqan yihiin.

Talyaaniga, ayaa si cadho leh uga jawaabay doontan ugu dambaysay ee degtay. Waxaa ciidamada badda iyo kuwa xeebaha ay joogaan oo ilaaliyaan badda ballaadhan, iyagoo isku dayay in ay ka hortagaan dhibaatooyin kuwan oo kale ah.

Balse, waxay u muuqataa in taageero dheeraad ah uu Talyaanigu ka helay deriskiisa Europe.

Ra'iisul wasaaraha Talyaanigana waxaa uu si cad u sheegay in EU aysan tallaabo ku filan qaadin.

Wuxuu sheegay in ay u muuqato in ay diyaar u tahay badbaadinta bankiyada dhibaatada ku dhacdo, balse aysan badbaadbinaynin muhaajiriinta badda mediterranean-ku ay liqayso.