Ergeyga Turkiga U Qaabilsan Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo La Kulmay Xisbiga WADDANI

0
1131

Hargeysa (Geeska)- Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Mudane Xirsi wada hadallada labada dhinac waxa uu ku tilmaamay albaabka ay Somaliland u marayso madax bannaanideeda, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd dawladaha dunida.

xogo dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helay kulankan ayaa sheegaya in ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalladu uu masuuliyiinta WADDANI u sheegay in hawsha dib u bilowga wada hadalladu ay meel fiican marayso.

Danjire Olgan Beker waxa uu masuuliyiinta WADDANI ku wargeliyey in dawladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii ay taageero caalamiya ugu heli lahayd wada hadalladan, si guul fiican looga gaadho.

Waxa aanu rajo fiican ka muujiyey kulamo isla arrintan la xidhiidha oo uu maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho kula qaatay masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay niyadwanaag u hayaan diyaarna u yihiin dib u bilaabista wada hadallada.

Dhinaca kale xisbiga WADDANI ayuu warku sheegayaa in uu ergeyga u sheegay in uu soo dhoweynayo dadaallada wada hadallada Somaliland iyio Soomaaliya ee ay dawladda Turkigu waddo, diyaarna u yahay in uu kaalintiisa ka qaato.

Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Beker ayaa lagu wadaa in uu maalinnimada Sabtida ee 9 ka feeberweri kulan arrintan la xidhiidha la yeesho madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here