Ergayga Qaramada Midoobay Oo U Kala Dab Qaadaya Madaxweynaha Somaliland Iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland

28
2942

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida Danjire Micheal Keating ayaa u kala dab qaadaya madaxweynayaasha Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, si loo dejiyo xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobalka Somaliland ee Sool.

Danjire Keating ayaa shalay soo gaadhay magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, waxaanu kulan la yeeshay madaxweynaha maamulkaas Dr. Cabdiweli Cali Gaas. Danjire Keating, wuxuu saxaafadda u sheegay inuu Mr. Gaas kala hadlay xiisadda ka taagan Tukaraq iyo sidii loo dejin lahaa.

Wuxuu ergaygani saxaafadda ugu sheegay magaalada Garowe inuu ka walaacsanyahay xiisada Tukaraq, “Warwar ayaan ka qaba xiisadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq, waanan ka wada xaajoonay, waxaanu waliba ka wada hadalnay xasilloonida guud gaar ahaana Puntland,” ayuu yidhi danjire Keating.

Danjire Keating, ayaa la filayaa inuu maanta soo gaadho caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sida ay sheegeen warar uu Geeska Afrika helay ergayga Qaramada Midoobay ayaa qodobada uu Madaxweyne Biixi kala hadli doono waxa ka mid ah xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq.

Maleeshiyaadka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro aan cuslayn oo tuur-tuuris ah waxa ay ku hayeen ciidanka qaranka Somaliland ee Tukaraq, kuwaas oo iyaguna ku riday hub kala didiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here