Ergayga Qaramada Midoobay Oo Madaxweyne Siilaanyo U Bandhigay Dareenka Bulshada Caalamka Ee Dib U Dhaca Doorashooyinka

0
529

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Danjire Michael Keating, oo socdaal laba maalmood ah ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay xukuumadda Somaliland.

Kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda waxa ugu horeeyay kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Axadii. Arrimaha ugu muhiimsan ee uu u yimid ayaa waxa ugu weynayd arrinta abaaraha adag ee ka taagan Somaliland iyo sida ay Qaramada Midoobay uga qayb qaadan karto.

Arrinta labaad ee socdaalkiisa ugu muhiimsan ayaa ahayd inuu xukuumadda Somaliland soo gaadhsiiyo dareenka Qaramada Midoobay ee dib u dhacdyada ku yimid doorashada iyo weliba muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Siilaanyo 2015 iyo 2017 iyo weliba baarlamaanka Somaliland oo kursiga 12 jir ku ah.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in danjire Keating uu madaxweyne Siilaanyo si cad ugu bandhigay dareenka beesha caalamku ka qabto dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinaha oo uu tilmaamay inay dhaawaceen sumcadii Somaliland ee nidaamka dimuqraadiyadda, waxaanu sheegay in dib u dhacan dimuqraadiyadeed uu sababay in beesha caalamku si weyn u dhinto deeqihii ay siin jirtay Somaliland.

Sida ay sheegeen xogaha uu Geeska Afrika helay Madaxweyne Siilaanyo ayaa iska difaacay dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinta, waxaanu ku dooday in mucaaradka iyo guddiga doorashadu ula yimaadeen qorshaha sannadkan 2017 loogu kordhiyay, isagoo xusay in abaar ba’ani sababtay dib u dhacan maadaama oo dadkii codayn lahaa 57% aanay dhulkoodii joogin ayuu yidhi.

Laakiin ergayga ayaa ku dooday inaanay inaanu dib u dhaca doorashooyinku ku koobnayn keliya sannadkan ay abaaruhu dhaceen ee 2017 balse ay ahayd sharciyan inay doorashada madaxtooyadu qabsoonto 2015.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ergayga ka codsaday inay Qaramada Midoobay Somaliland kala qayb qaadato gurmadka abaaraha oo uu tilmaamay inay doorkoodii gabeen.

Sida ay xogahan uu Geeska Afrika helay sheegeen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna kulan la yeeshay ergayga Axadii ayaa ugu baaqay inay Qaramada Midoobay ka qayb gasho gurmadka abaaraha.

Xubno shan wasiir ah oo iyaguna ergayga kulan la yeeshay ayaa ka codsaday inay Qaramada Midoobay u xaq soorto dhaqaalaha la siiyo Somaliland iyo Somaliya, taas oo uu ergaygu sheegay in dhaqaalaha loo bixiyo qaab cadaaladeed.

Geesta kale ergayga oo shalay markii uu madaxweyne siilaanyo kulanka la yeeshay ka dib saxaafadda la hadlay ayaa la weydiiyay aragtidiisa saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta, waxaanu sheegay in saldhigaas iyo arrimihiisu yihiin kuwo u yaala dawladda Somaliland, “Laakiin waxaan si cad u sheegayaa.” ayuu yidhi, “Inay muhiim tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo fursadaha shaqo iyo dhaqaale ee dadka Somaliland, kaas oo loo marayo waddo hufnaan iyo wax waliba cad yihiin iyadoo la eegayo qaanuunka caalamiga ah.”