Ergayga Qaramada Midoobay Oo Ku Hadlay Luuqad Ay Wadamo Badani Ku Niyad Jabin Kari Waayeen Shacabka Reer Somaliland

42
878

Picture7Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay taageersantahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda.

Nicholas, oo u waramay warbaahinta idaacadda Radio France International (RFI), ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay guulaystaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya. Ergayga oo la su’aalay bal in arrinta Somaliland ay caqabad ku noqon karto doorashooyin uu sheegay inay Somaliya ka dhici doonaan sannadka 2016, wuxuu yidhi, “Arrinta Somaliland way yara adagtahay. Waa run oo shacabka Somaliland waxa ay isu arkaan qaran madaxabanaan, laakiin ma jiro wadan keliya oo adduunka ka tirsan, xataa Afrika oo aqoonsani. “

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Markaas, waanu taageersanahay wada hadalka u socda Somaliland iyo Muqdisho. Waxa jira hanaan [wada hadal] ay maamulayso, oo ay fududaysay dawladda Turkiga, runtiina waxaanu donaynaa inuu nidaamkaasi  guulaysato.”

Hadalkan uu ergaygani ku dhawaaqayay ayay dadka qaarkii u fasireen inuu xambaarsanyahay ujeedo kale, waxaana suurtogal ah in weedhan diblomaasiyadeed uu ugu tallo galay inuu isku dayo inuu shacabka Somaliland xasuusiyo inaanay weli dunidu aqoonsan. Waxase aanu ogayn in dawlado badan iyo ururo caalami ahi ay hadalada noocan ah ku niyad jabin kari waayeen shacabka Somaliland oo 1991 go’aan ku gaadhay inay xorriyadoodii luntay 1960 dib ula soo noqdaan.

Mar la weydiiyay ammaanka dalka Somaliya, wuxuu sheegay inay xaaladda amnigu adagtahay, balse haddana ay dhaanto sidii ay ahayd laba sannadood ka hor.

Doorashooyin ayaa la weydiiyay Somaliya inay ka dhici karaan sannadka 2016, wuxuuna sheegay inay tahay istaraatajiyad la qorsheeyay oo muhiim u ah siyaasadda Somaliya.

 

Comments are closed.