Ergayga Qaramada Midoobay Oo Axada Beri Hargeysa Imanaya Iyo Farriimo Uu Madaxweynaha U Siddo

0
544

Hargeysa(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somaliya danjire Michael Keating, ayaa la filayaa inuu Axadda beri socdaal laba maalmood ah ku yimaado magaalada Hargeysa.

Danjire Michael Keating  oo aanu xafiiskiisu wax war ah ka soo saarin socdaalka uu ku imanayo magaalada Hargeysa, ayaa haddana warar uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in ergaygu u socdo dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin aafada abaaraha, doorashooyinka iyo dib u dhaca ku yimid iyo arrimo kale, waxaana la filayaa inuu kulan la yeesho si uu arrimahan ugala hadlo Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waxa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ergaygu Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhsiin doono farriin ka timid golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo la xidhiidha dib u dhaca dhawrka goor ku yimid doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland, iyadoo Qaramada Midoobay ka mid ah ururada caalamiga ah ee cambaareeyay dib u dhaca iyo muddo kordhinta madaxweyne Siilaanyo loo sameeyayba.