Ergadii Dawladda Somaliland Oo Xalay Turkiga U Dhoofay Iyo Dawladda Somaliya Oo Doorkan Xildhibaano U Xushay Wada Hadalka Labada Wadan

0
971

Picture8Hargeysa(Geeska)-Ergadii wada hadalka Somaliland iyo Somaliya u metelaysay dhinaca Somaliland ayaa xalay u dhoofay wadanka Turkiga oo uu qorshuhu yahay inay wada hadaladu maanta ka furmaan wadanka Turkiga.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii uu bishan horaanteedii shirku ka baaqday dhinaca Somaliya, waxa ay mar kale sheegtay in shirku furmi doono 15 January, kana dhici doono wadanka Turkiga, laakiin waxa haddana suurtogal ah inay wax isbedelaan. Dawladda Somaliya ayaa la soo werinayaa inay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya markii u horaysay u dirayso xubno ka socda Baarlamaankeeda, maadaama oo aan weli la dhisin xukuumadii bedeli lahayd xukuumadii hore, taas oo marka uu raysalwasaaruhu ku dhawaaqo haddana u baahan ansixinta Baarlamaanka Somaliya oo ay suurtogal tahay inay qaadato wakhti kale. Sidoo kale waxa suurtogal ah inay xildhibaanada ku soo darto hal wasiir oo ah ku sii sime.

Weftiga Somaliland oo markii hore ku deg degay safarka ay ugu baxeen wada hadalada ayaa la sheegayaa inay codsadeen inay Somaliya cid uun u soo dirto, maadaama oo uu wada hadalku dhawr goor dhinacooda ka baaqday, waana sababta keentay inuu Madaxweynaha Somaliya wefti xildhibaano u badan u diro, maadaama oo aanu hayn xukuumad kalsoonidii Baarlamaanka haysata.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay u muuqataa inay si sibiq ah u gashay wada hadalada ay la bilowday Somaliya oo aanay waxba ka soo naaso cadayn, maadaama oo aanay dawladda Somaliya hal qodob ka fulinin qodobadii lagu heshiiyay shirarkii hore.

Dhinaca Somaliland, waxa ka muuqda sal fudayd, marka laga hadlayo wada hadalada, waxaanay tiraba afar goor xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay inay wada hadaladu u baaqdeen codsi ka yimid dawladda Somaliya, waxase la isweydiinayaan halka ay ku dambaysay dawladii Turkiga ee labada wadan dhexdhexaadinaysay iyo goorta ay madaxda Somaliland go’aansadeen inay toos ula xidhiidhaan dhinacii ay wada hadlayeen oo ay isku hayaan qaddiyad culus,halka aan wax hadal ah laga haynin dhinacii saddexaad ee dhexdhexaadinta martigeliyay oo ah dawladda Turkiga.