Ereyo Iyo Xikmado Ummado Kala Duwani Jacaylka Ka Yidhaahdeen Oo Hal-Ku-Dheg Noqday (Qaybta: 2aad)

0
1195

– Jacaylku qofka caadiga gabayaa ayaa uu ka dhigaa, gabayaagana waa uu waalaa.

– Qofka wax jecel ma gaajoodo, qof gaajoodaana wax ma jeclaado.

– Qofka wax jecel, wax kasta waa uu rumaystaa, ama wax qudha ma rumaysto.

– Jacaylku waa ceel gun fog, wuxuun baa ku guulaysta ruuxa ka cabba isaga oo iska badbaadinaya in uu ku dhac.

– Qofka si xad dhaaf ah kuu jeclaadaa si fudud ayuu kuu nacaa.

– Jacaylku ma indho la'a ee meel fog ayuun buu wax ka arki karaa, (Aragtida dhow ayaa ka maqan), sidaa awgeed khaladkiisa ma garto illaa uu fogaado.

– Ruux Jacayl bartay murugo waa ay is huran yihiin, laakiin ruuxii jacayl waayaana qoomamo kama baxo.

– Jacaylku waa ciyaarta keliya ee laba qof wada ciyaaraan, ee labaduba ay guulaystaan ama wada dhacaan.

– Bilowga jacaylku waa dhammaadka caqliga iyo xasiloonida.

– Ruuxda qofka wax jeceli waxa ay ku dhex nooshay jidhka qofka uu jecel yahay.

– Marka aynu jacaylka rabno ma yimaaddo, marka uu yimaaddana ma rabno.

– Habeenka iyo jacaylkuba waxa ay qofka ka kaxeeyaan aragtida midabbada.

– Jacaylku waxa uu ku illawsiinayaa, karaamadaada, hinaasuhuna waxa uu ku illawsiiyaa jacaylka. Dhammaad