Erdogan Oo Dareenka Dadkiisa Mar keliya Qabsaday Kadib Markii Qof Kasta Uu Kala Hadlay Talefankiisa

0
925

Ankara (Geeska)- Dadka dalka Turkiga intooda adeegsata talefanka gacanta waxaa mar keliya dareenkooda soo wada jeedisay farriin cod ah oo madaxweynahooda Rajab Dayib Erdogan uu u soo diray, si uu uga hambalyeeyo guushii shacabka ee fashilinta isku-daygii afgembi ee dalkaas ka dhacay sannadkii hore.

Shirkadda isgaadhsiinta ee dalkaas ayaa iyada oo adeegsanaysa farsamo tiknoolajiyadeed waxa ay mar keliya wada beddeshay codka ay ku soo dhacaan dhammaan talefannada gacanta ee macaamiisheedu. Halkii awal codod iyo dhawaqyo kala duwan oo qof kastaa iskii u doortay uu talefanku ugu soo dhici jiray ayaa waxaa si isku mid ah dhammaan codadkii talefannadooda laga dhigay farriin cod ah oo uu madaxweyne Erdogan qof kasta ugu hambalyeynayo guusha maalintaas lagu fashiliyey shirqoolkii lagu ridayey dawladda rayidka ah.

Hal mar ayaa ay shirkadda isgaadhsiintu goor habeen badh ku dhow wada garaacday talefannada macaamiisheeda ay codkii talefanka ka beddeshay waxa aanu qof kasta oo talefankiisu habeenkaas shaqaynayey filanwaa ku noqotay talefankiisa oo uu ka dhex dhawaaqayo madaxweyne Erdogan oo leh, “Aniga oo ku hadlaya magacayga madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa aan kugu hambalyeynayaa munaasabadda maalinta dimuqraadiyadda iyo midnimada qaranka ee 15 Julaay, waxa aan sida oo kale naxariis ugu ducaynayaa shuhadadii maalintan iyo geesiyadii ku waxyeelloobay fashilinta afgembiga oo aan caafimaad iyo badhaadhe u rajaynayo”

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa intas ku daraya in isla codkan madaxweynaha ay shirkaddu ku beddeshay dawanka uu qofku maqlo marka uu talefan kale garaaco, taas oo qof kasta oo maalintaas qof kale talefanka kala xidhiidhaa uu farriintan dhegeysanayey inta talefanka laga qabanayo.

Maalintii ka dambaysay afgembigii fashilmay ee dalka Turkiga ayaa sidan oo kale macaamiisha talefannada gacanta ee dalkaas loo soo diray farriin ka timid madaxweynaha oo uu ku dejinayo xaaladdooda, laakiin markaas waxa ay ahayd farriin qoraal ah.

Isla habeenkaas ku beegnaa sannad guuradii koowaad ee fashilinta afgembiga ayaa 90 kun oo masjid oo ku yaalla dalka Turkiga waxaa habeen badhkii lagaga dhawaaqay ereyada takbiirta (Allaahu Akbar) iyo ducooyin loo ducaynayo dadkii ku waxyeelloobay iskudaygaas afgembi ee fashilmay.

Dalka Turkiga oo tirada dadkiisu ay in yar ka yar tahay 80 milyan ayaa la qiyaasayaa in tiro ka badan 63 Milyan oo qof ay haystaan, isticmaalaanna talefanka gacanta.