Eng. Maxamed Xaashi Oo Beeniyay In Madasha Xafiis Looga Furay Madaxtooyada

41
4157

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa beeniyay wararka sheegaya in madasha wada tashiga oo uu ka tirsanaa xafiis looga furay madaxtooyada.

Warar maalmahan u dambeeyay lagu baahinayay baraha bulshada oo ay qorayeen dad reer Somaliland ahi ayaa isweydiinayay halka ay ku dambaysay mucaaradadii adkayd ee dalladii ay ku bahoobeen Eng. Maxamed Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo la yidhaahdo Madasha Wada Tashiga ku hayeen Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay qoraaladaasi qaarkood sheegayaan siyaasiyiintuu madashu la taliyayaal u noqdeen Madaxweyne Biixi, xafiisna looga furay madaxtooyada.

Hase yeeshee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo uu Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay xafiiskan, ayaa wuxuu yidhi  “Xafiis na loo furay oo Madaxtooyada na looga furay ma jiro, waana waxba kama jiraan in Madasha xafiis looga furay Madaxtooyada.” Sidaas ayuu yidhi Eng. Xaashi, wuxuuna intaas raaciyay in wararkaasi yihiin waxba kama jiraan.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi mar uu baaq u diraayey labada beelood ee shalay dagaalku ku dhexmaray Gobolka Sanaag ayaa yidhi “ILLAAHAY ha inoo sahlo, wax walbana khayr ha inooga dhigo, hana kala qaboojiyo labadan reer ee is laayey, colaaduna khasaare mooye, wax faa’iido ah oo ay leedahay, ma jirto, ee mar walba nabada ha la ilaaliyo, hana laga fogaado wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri kara.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here