Eng. Faysal Oo Madaxweyne Siilaanyo Uga Digay Inuu Dalka Ku Celiyo Xaaladii 1991-1994

0
729

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga  mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada ku eedeeyay inay wado da’daalo dadka qabaa’il loogu kala qaybinaanyo, isla markaasna uu ka baqo qabo in rabshado qabyaaladeed ay dalka ka qarxaan.

Eng.Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumada ku dhaliilay inay doonayso inay dalka ku maamusho sidii hagbad oo kale.

Waxa uu arimahan kaga hadlay musharax Faysal Cali Waraabe waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC, waxaana isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay aragtidooda komishanka uu yidhi “Waxaan hanbalyaynayaa gudida doorashooyinka oo ilaa hadda hawshoodii si fiican u qabtay hawl fiican ayayna qabteen anaguna waxaanu doonaynaa inaanu is garab taagno oo dhamaystirno shaqadooda insha allaahu. Waxa ay ku xidhan tahay dadka rumaysnaantooda sida kuwa foodka bixinaaya,sida ay asxaabtu u macaamisho, aad ayaan uga warwar qabaa imika waxa Somaliland ka taagan siiba labadii maalmood ee ugu danbaysay shirka Burco ka dhacay ee qabaa’ilka ah ee ay salaadiintu yidhaahdeen haddaanu reer hebel iyo reer hebel nahay heshiis ayaanu galnay, sheekadu waxay ku tusayasaa in wadankii lagu celiyay 1994-kii qabaa’ilkii 1994 dagaalmayayna hadday asxaabtii ku kala fayleen taas baan war war weyn ka qabaa, laakiin waxaan ku kalsoonahay shacbiga reer Somaliland in aanay odayaashaas naftooda u shaqaysanaaya aanay maqlin ee ay asxaabta ku kala raacaan waxyaalaha ay bixin doonaan iyo kartidooda iyo akhlaaqdooda iyo siday wadanka u wadi lahaayeen.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”waxaan ka xumahay waliba shirka Burco waxa uu ahaa mid ay xukuumadu dabada ka wado oo qabaa’il ku salaysan in dadku nacaba inay Somaliland sii socoto. Mucaaradku waa uu la dagaalamayay laakiin waxa maanta quwada siiyay dawlada shirka ku qabatay Burco; Somaliland ka suurto galimayso inay laba reer ku heshiiyaan oo ay sidii hagbada isugu dhiidhibaan  oo ay yidhaahdaan maantana waa idinka, taasi wax suurto galaysa maaha, intaynu is dili lahayn waa inaynu duuduubnaa oo aynu Somaliya wax la qaybsanaa.”

Faysal oo la waydiiyay in aanu gudida doorashada ku kalsoonayan waxa uu yidhi”Gudidu maxay qaban kartaa hadii dawladii wax waday iyada qudhadeedii xumaantii ay gacanta ka wado oo ay qabaa’ilkii ay dhiirigalinayso oo intay faraha ka qaaday dawlada socodkeedii ay shirar ku qabnayso Burco. Doorashada anaga ayaa helayna insha allaahu tacaalaa waa ta aanu hadda u socono ee aanu dadka u sheegayno laakiin waxa weeye qaska la samaynaayo oo qabaa’il la heshiisiinaayo oo aanu leenahay reero aanu noqono oo jeegaan samaysano, waa wax dalka dhibaato u keenaya, waanu ka hortagaynaa. Doorashada waxii ka soo baxa waanu aqbalaynaa, hore waan u aqbali jiray laakiin waxaan arkayaa in doorashada horteedba uu qalalaase dhacaayo haddii qabaa’il la isticmaalo oo aan la isticmaalin siyaasad anaga ayaa dadka ugu baaqayna labadaas garab ee qabiilka raaciyay meesha lagu baxsan karaa ee dadka midayn karta ee aan qabiil dabada galin waa xisbigayaga iyo musharaxiintayada.

Musharax Faysal oo la su’aalay inuu xukuumada la wadaagay inay shirarka qabaa’ilka joojiso wax waxa uu yidhi”xoghayaha madaxweynaha Cali xalay (habeen hore ) ayaan u duubay waxaan idhi arintaas aad ku kacdeen waa mid xun, taasi waxay  keentay in maantaba abaabul la galo oo ka kacaay waa laynoo heshiiyay’ eey ay qoladii kalena bilowdo, waxaas oo dhan waxa ka masuul ah dawlada iyo xisbiga Kulmiye.”