Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Madaxtoyada Looga Hanjabay

52
1191

Picture2Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay isku ay dil oo lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ugu jira xisbigaasi.

Guddoomiyaha UCID, oo shalay hadal kooban siiyay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa ka sheekeeyay sida uu u dhacay isku dayga dil uu habeen hore ka badbaaday xildhibaan Qabile, waxaanu yidhi “Ninkan oo meel maraya (xildhibaan Qabile), ayuu nin u yeedhay waanu ku dhaqaaqay, dabadeedna saddex xabadood ayuu ku riday, waxan dhacdo kaliya maaha ee ninku waxa la sheegay inuu ahaa nin ka soo jeeda booliska (Booliska ayuu ahaa)”

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay ninka weeraray xildhibaanka la garanayo “Ninkan si cad ayuu u garanayaa, waa nin ay isku beel yihiin, waa Booliska ayuu yidhi, arintana waxay daba socotaa eedaymaha dawladda ee xildhibaanka, waayo xildhibaanku wuxuu ka mid yahay ragga aadka u dhaliila dawladda” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in isaga laftiisa loo hanjabay “Anniga qudhayda waa la ii hanjabay markii aan wareysiga siiyay Tv-ga Universal, markaa meesha waxa socda waa caga juglayn iyo hanjabaad, xaaladduna meel xun ayay maraysaa”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay cidda u hanjabtay ayaa ku jawaabay “Anniga waxa ii hanjabay rag Madaxtooyada ka soo jeeda, markaa waxaan imika ka baqayaa in wixii aanu ku soo tabcaynay meesha ka baxaan, dalkana wuxuu u baahan yahay badbaado iyo wadatashi qaran, dalkayagana ku daawan mayno inaanu riwaayad been ah dhigno, annaga oo xaqiiqada dalka og”

Guddoomiyaha UCID, oo la waydiiyay inuu hay’adaha amaanka ee Somaliland u gudbiyeen hanjabaada loo geystay ayaa sheegay in aanay dacwad rasmi ah u gudbin dawladda “Dacwad rasmiya maanaan qorin, laakiin waanu uga sheekaynay” ayuu yidhi.

Comments are closed.