Eedaysanayaasha Loo Haysto Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Mar Kale Shalay La Horkeenay Maxkamadda Gobalka Hargeysa

0
722

Picture6Hargeysa(Geeska)-Qoyska loo haysto dilkii foosha xumaa ee bishii March loo gaystay marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, ayaa shalay mar kale la horkeenay maxkamadda gobalka Hargeysa.

Qoyskaas oo ka kooban afar carruur ah iyo hooyadood oo lagu magacaabo Muna Maxamed Cabdilaahi, waxa shalay mar kale la dhagaystay kiiska dilka ah ee loo haysto. Fadhiga maxkamadda oo aan saxaafadda loo ogolayn, ayaa waxa la sheegay in la dhagaystay qaar ka mid ah carruurta oo ay haweenayda eedaysanaha koowaad ahi dhashay, kuwaas oo ka hadlay xogtii ay ka hayaan dilkaas oo noqday mid argagax ku abuuray shacabka reer Somaliland.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyska ayaa ku dooday inay maqnaayeen markii uu falkaas dilka ahi gurigooda ka dhacayay. Dadka maxkamadda la keenay ee eedaysanayaasha ah ayaa isugu jiray laba wiil iyo laba gabdhood iyo hooyadood Muuna Maxamed Cabdillaahi.

Maxkamadda ayaa markii ay dhagaystay kiiskan, waxa ay u muddaysay in isla bishan gudaheeda dib la isugu soo noqdo, markaas oo lagu dhawaaqi doono xukunka eedaysanayaasha.

Dilka loo gaystay marxuumad Ruqiya oo aanu noociisu hore dalka uga dhicin, ayaa ahaa mid fool xun oo bulshada ku reebay xasuus murugo leh.

Maydka marxuumadda ayaa laga helay god guriga dhexdiisa laga qoday oo maydkeeda lagu riday ka dib markii la dilay.Dadweynaha reer Somaliland ayaa isha ku haya kiiskan iyo xukunka lagu rido dadka dilka loo haysto.