Edna Aden Oo U Mahadcelisay Dawlada Australia, Cisbitaalka Wesley Iyo Dadkii Caawiyay Ayaan

0
479

Picture5Hargeysa(Geeska)-Marwo Edna Aden Ismaaciil, oo ah guddoomiyaha cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Edna Aden Maternity Hospital, ayaa dawladda Australia, cisbitaalka Wesley, dhakhaatiirta qaliinka iyo dadweyne kale uga mahadcelisay doorkii ay ka qaateen qaliinka guulaystay ee lagu sameeyay Ayaan Cismaan oo ah muwaadinad reer Somaliland oo ay miino ku qaraxday markii wadanka dib loogu soo noqday.

Cisbitaalka Wesley Hospital ee wadanka Australia ayaa wuxuu Ayaan ku sameeyay qaliin casri ah oo dib loogu hagaajiyay wejigeeda oo uu dhaawacaas soo gaadhay dhibaato u gaystay. Edna Aden ayaa door weyn ka qaadatay sidii Ayaan Cismaan loo gayn lahaa cisbitaalkaas oo ka mid ah kuwa dunida ugu casrisan oo qaliinka ku sameeyay lacag la’aan. “Anigoo ku hadlaya magaca cisbitaalka Edna Aden, waxaan mahadnaq u dirayaa cisbitaalka Wesley ee magalada Brisbane ee wadanka Australia, ururada haweenka ee Rotary Clubs ee Brisbane High-rise iyo Michelton Rotary club. Labadan naadi ee ay haweenka magaalooyinkani ku bahoobeen waxay qayb laxaad leh ka qaateen sidii Ayaan Cismaan loogu heli lahaa cisbitaalkaas iyo weliba helitaankii fiisaha Australia. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa dhakhaatiirta qaliinka samaysay ee kala ah Dr. John Arvier, Dr Chin oo ah labada dhakhtar ee hawsha ugu culus ka gaystay qaliinka lagu sameeyay Ayaan, waxa iyaguna mahadcelin taas la mid ah mudan dhammaan dhakhaatiirtii iyo kalkaaliyayaashii wakhtigooda u huray hawshan baaxadda leh.” Ayay tidhi marwo Edna Aden, waxaanay intaas raacisay, farriin mahadnaq ah oo ay u dirtay wasaaradda caafimaadka Australia oo iyadana ay xustay inay qayb muhiim ah ka ciyaartay sidii Ayaan ay u heli lahayd qaliinkaas guulaystay.

Edna Aden, waxa sidoo kale ay u mahadcelisay dad gaadhaya 40,000 (Afartan kun) oo reer Australia ah oo saxeexay ambiil ay dawladooda kaga dalbadeen in Ayaan loo ogolaado fiisaha dal ku galka, ka dib markii; markii koowaad loo diiday fiisaha. “Dadkaas gaadhaya afartanka kun ee ruux waa cududa sida weyn ugu gurmatay Ayaan Cismaan, waxaanan uga mahadcelinayaa codsiyadii ay saxeexeen ee ay dawladooda kaga dalbadeen in Ayaan loo ogolaado fiisaha, waanay arkeen midhaha dedaalkoodii.”

Ugu dambayn Marwo Edna Aden, waxa ay u mahadcelisay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, oo ay xustay inay taageero la garab taagnaayeen mudada ay ku jirtay hawshan, “Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo marwada koowaad Aamina-weris Maxamed Jirde, waxaan uga mahadcelinayaa dedaalkii iyo taageeradii ay ila garab taagnaayeen mudadii aan hawshan ku jiray, waxaanay igu garab istaageen taageero iyo niyad dhis, waanan u mahadcelinayaa guud ahaan dawladda Somaliland.” Ayay tidhi Edna Aden.

Ayaan Cismaan, ayaa laga soo saaray cisbitaalkii lagu qalay, mar haddii uu guulaystay qaliinku islamarkaana la hubiyay inay banaanka u bixi karto, waxaanay ku jirtaa xaalad caafimaad oo wanaagsan, iyadoo la filayo inay bishan gudaheeda dalka dib ugu soo noqoto.