Edna Aden Oo Taageertay Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka

0
495

Hargeysa(Geeska)-Marwo Edna Aden oo ah shakhsi caan ka ah Somaliland iyo dunidaba, ayaa soo dhawaysay saldhiga Berbera laga siiyay dawladda Imaaraadka Carabta.

Marwo Edna oo saxaafadda u warantay waxay sheegtay in heshiiskaasi uu faa’iido u yahay Somaliland oo  leh cadow badan.  “Alle ayaan ugu mahadnaqayaa in heshiiskaas la galay; in Alle Berbera u soo jiiday heshiiskaas 25 sannadood ayaynu ka soo go’nay cadowgii ina baabiyay, halkan [cisbitaalka Edna] waad garanaysaa wuxuu yahay markaas cadowgii I baabiiyay ee I duqeeyay ee goobtan ka dhigay meel dadka lagu dilo maanta ku farxi maayo dadkii aad laysay  hambadii ka hadhay ayaa iga madax fiiqnaanaysa ku farxi maayo cadawgaygu. Markuu leeyahay waxaan idiinka digayaa halista idiinka iman karta; oo shalay halistii iiga iman jirtay maraakiibtii iyo diyaaradihii aad igu duqaynaysay miyaanan markaaba u baahnayn inaad maatida ka naxdo.”

Iyadoo ka hadlaysa Itoobiya iyo saldhigan waxay tidhi “Itoobiiya way ogtahay wixii Somaliland dhib u gaystaa inay Itoobiya wax yeeleen, nabadgelyadeenu way isku xidhantahay, badbaadadeena inaynu wada ilaashano way u baahantahay, markaas Itoobiya meel lagaga duulo ama lagu waxyeeleeyo Somaliland inaanay yeelayn Itoobiya way ogtahay inaguna maynaan yeelnayn.”

Edna Aden waxay sheegtay in saldhigan ciidan ee Imaaraadku ilaalinayo badeecada soo maraysa dekedda Berbera oo u baahan feejigni dheeraad ah “Waxa taas ii raaca Berbera deked ayay weligeed ahayd; haddii Alle sida niyadeenu tahay inooga dhigo oo ay kobocdo oo la dhiso oo baayac-mushtar badani halkaas soo maro, waxay u baahanaysaa cadwgan badan ee maantaba doonaya inaanay deked noqon u yaraysan maayaan in shil ka dhaco way jeclaysan lahaayeen. Awood milatari oo aan iskaga celinana ma hayno oo diyaar inoo ah, tol adag oo ciidankooda inoo huraya oo aan is gaashaan buraysana maanta ma haysano waan samaysan doonaa maalin ay noqotaba, laakiin cidda alaabadoodu meeshan marayso xaq bay u leeyihiin inay waxooda ilaashadaan, waa ilaalin tujaaarad ilaalinaysa weeyaan, waa ciidan deked iyo isu socodka maraakiibta.”