Edna Aden Oo Ku Guulaysatay Inay Cisbitaalka Australia Ah Gayso Gabadh Reer Somalialnd Oo Ay Dhibaato Caafimaad Ku Habsatay

0
542

Hargeysa(Geeska)-Marwo Edna Aden Ismaaciil, mulkiilaha cisbitaalka iyo jaamacada Edna Eden University and hospital, ayaa ku guulaysatay inay cisbitaal ku yaala wadanka Australia qaliin u gayso gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo lagu magacaabo Ayaan Cismaan Maxamed.

Ayaan Cismaan, waxa ku qaraxday miino wakhtiyadii dalka dib loogu soo noqday, waxaana dalooshamay dhabankeeda, kaas oo gayaysiiyay dhaawac halis ah oo cisbitaalada guud ahaan qaaradda Afrika waxba lagaga qaban kari waayay. Hase yeeshe Drs. Edna Aden oo gabadhaas u gashay gurmad caalami ah ayaa dhawr isku day oo fashilmay ka dib waxa ay dhawaan Ms. Ayaan gaysay wadanka Australia oo ay uga heshay qaliin bilaash ah iyadoo wadankaas tagtay ka dib markii dhawr jeer loo diiday fiisada dal ku galka.

Ayaan iyo Edna Aden oo iska raacay magaalada Hargeysa, waxa si weyn madaarka ay ka degtay ee magaalada Brisbane ee wadanka Austuralia, ugu sugayay saxaafadda kala duwan ee wadankaas oo muddooyinkii u dambeeyay la socday qisada Ayaan, laakiin cisbitaalka qaabilay Ayaan iyo dadka kale ee reer Austuralia ee ka qayb qaatay tegiaankeeda ayaa go’aansaday inay saxaafadda ka qariyaan marka hore. Laakiin marwo Edna ayaa labadii cisho ee u dambeeyay saxaafadda uga waramaysay xaaladda Ayaan iyo marxaladaha uu soo maray tegitaankeeda wadanka Austuralia, waxaana xalay telefishanada Channel 7 iyo Channel 9 ee wadankaas laga daawaday waraysi ay Edna Aden kaga hadlaysay Ayaan, iyadoo ay Ayaana garab fadhiday. Sidoo kale wargeysyada wadankaas ayaa shalay iyo doraadba si weyn wax uga qoray arrintanas.

Ayaan waxa ay jimcaha saadambe galaysaa sida ay saxaafadda dalkaasi sheegtay qaliin ay ku galayso cisbitaalka Wesley Hospital, waana qaliin culus, waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen inay saxaafadda warbixin siin doonaan ugu horayn Salaasada, ka dib marka ay darsaan xaaladeeda qaliinka ka dib.

Ayaan ayaa ah 25 jir, waxaanay saxaafadda Australia  ku tilmaantay gabadh xishood badan, islamarkaana iyadoon ku hadal luuqadda Ingiriisida haddana dareemaysa in dadka la jooga oo dhami ay ka hadlayaan iyada uun.

Edna Aden, waxay u mahadcelisay dhammaan dadka kala duwan ee ka caawiyay inay Ayaan hesho fiisaha wadankaas, iyadoo sheegtay in dhawr goor loo diiday fiisada balse markii dambe loo ogolaaday. “Waa gabadh geesiyad ah.” Ayay tidhi Edna, iyadoo intaas raacisay, “Waxay dhibaatadan la noolayd muddo dheer.”

Ayaan marka ay Cisbitaalka ka baxdo, waxa ay gacan ka heli doontaa jaaliyadda Somaliland ee Austuralia oo xanaanayn doona mudada ay wadankaas joogto. Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika waxaanu Alle ka baryaynaa inuu Ayaan ku guuleeyo qaliinka culus ee ay galayso, dalkeedana uu ku soo nabadceliyo.