Duufaanta Harvey Ee Maraykanka Ku Dhufatay Oo Bannaanka U Soo Saartay Noole La Garan Waayey

0
950

Washington (Geeska)- Wargeyska The Sun ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegay in saynisyahanno u dhashay Maraykanku ay heleen xayawaan aad u weyn, muuqaal cabsi abuurayana leh oo isaga oo bakhti ah yaalla badda xeeligeeda, magaalada Texas ee dalka Maraykanka.

Xayawaankan oo sida muuqata ay bannaanka badda u soo tuurtay duufaantii loogu magac daray Harvey ee dhulkaas ka dhacday dabayaaqada bishii aynu ka soo gudubnay ee Ogos, ayaa ay saynisyahanno sheegeen in uu yahay aanay hore ugu arag noocyada xayawaan ee dunida ku nool ee illaa hadda diiwaangashan. Waxa ay sheegeen in xitaa nooca uu abuur ahaan yahay xayawaankani ay jaahwareer ku ridday saynisyahannadao o garan waayey tafiir ay la xidhiidhiyaan, iyada oo qaarkood ay sheegeen in uu u dhowyahay in uu la qoys yahay masaska oo uu aad ugu eeg yahay, kuna magaaaceeb mas badeed weyn.

Haweenay lagu magacaabo Bertie Desai oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bani’aadamnimada, ayaa ka mid ahaa dadka markii ugu horreeyey indhahooda ku arkay xayawaankan yaabka leh, mar ay warbaahinta arrintan uga sheekaysayna waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aan joogay xeebta magaalada Texas, oo aan u tegey in aan qiimeeyo dhaawaca duufaantii ka dhashay. Waxa aan goobtii ku arkay xayawaan mucjiso ah, kadib waxa aan markiiba u cararay dhankiisa si aan u arko waxa uu yahay” Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, intaas ku daray in saynisyahannada illaa hadda eegay xayawaankani ay aqoonsan kari waayeen isla markaana ay caddeeyeen in aanay noociisa hore ugu arag diiwaannada lagu ururiyo isirrada kala duwan ee xayawaanka.