Duruusta Nolosha: Halkudhegyo Hogotusaalayn Iyo Cibaaro Xikmad Badan U Ah Xidhiidhka Lammaanaha

0
21616

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo aynu ku soo qaadan doono hadallo xikmaddaysan oo taabanaya waayaha nolosha lammaanaha xidhiidhka guur iyo cilaaqaadka jacayl dhex marayaan iyo hogatusaaleyn cibaarooyin u noqon kara waayaha kala duwan ee noloshooda, waxa aynu ka soo xiganaynaa meelo kala duwan oo uu ugu horreeyo buugga ‘Mudakaraatu Shaabba qaadiba’ oo uu qoray qoraaga caanka ah ee Aniis Mansuur. Waxa aanay ku bilaabantay sidan:

– Jiil kasta waxa uu rumaysan yahay in intii ka horreysay uu ka fariidsan yahay, inta soo socotana ka caqli badan yahay.

– Qofku casriga uu nool yahay inta uu u eeg yaha yayaa ka badan inta uu waalidkii u ekaado.

– Qofka kaa weyn ‘Waxa fiican weydii’ qofka kula casriga ahna waxa ‘ku habboon weydii’

– Sida ay falsafaddu u tahay daraasaynta afkaarta dadka kale, ayaa ay taariikhduna u tahay daraasaynta qaladaadka dadka kale.

– Ruuxna awoowyadii ma sixi karo.

– Shakiga gabadha ayaa ka xoog badan hubaasha ninka.

– Shabeel gaajaysan iyo gabadh qiiraysan midna meel looga baxsado iyo si looga badbaado lama helo.

– Qaladka ugu weyn ee ninku guurka ka galaa waa in uu gabadha ku doorto in ay noqoto wehel laddifan.

– Gabadhu jacayl waxba kuma guursato, laakiin mabda’eeda ayaa ah in ay ninka ku qanciso in ay jeceshay.

– Dadku marka ay wax jeclaadaan waa ay indho beelaan, marka ay guursadaanna aragga u soo noqda.

– Guurku waxa uu I baray in aynu qaladaadkeenna ixtiraamno.

– Haddii nin gabadh kaa qaado uga tag, waayo ciqaabta ugu weyn ee aad kaga aarsan karto ayaa taas ah.

–  Marka ay indhaha gabadha ilmadu soo buuxiso ayaa uu ninku u qaataa in ay run u ooyeyso, taasina waxa ay caddayn u tahay in aanu wax badan si fiican u arki karin.

– Ninku ma yaqaan sida uu gabadha ugu yidhaahdo, ‘Nabadgelyo’ gabadhuna ma taqaan waqtiga ku habboon in ay tidhaahdo ‘Nabadgelyo’

– Waa ay adag tahay in aad jeclaato qof aad si fiican u wada taqaanno, waayo waxa la jeclaadaaba waa qofka intiisa qarsoon.

– Jacaylka kediska ahi waa ka ugu cimriga dheer.

– Gabadh kasta oo isku dayda in ay adduunyada ku aragto indhaha hooyadeed, ha ogaato in waxa ay arkaysaa aanu ahayn adduunyadii runta ahayd.

– Waa qalad in gabadhu ay u noolaato jacayl, waxa se ka sii qalad badan in ay jacayl la’aan noolaato.

– Haddii la yidhi ‘Calooshu waa jidka taga qalbiga ninka’ maxay ku kala duwan yihiin caloosha iyo qalbigu.

– Beenta ugu weyn ee ay raggu dunida maanta sameeyeen waa qodobka ay dastuurrada dawladaha ku dareen ee ah, ‘Ragga iyo dumarku waa ay simanyihiin”

– Dumarka inta murugo u qarsoon u dhimata ayaa ka badan ragga dagaallada ku dhinta.

– Gabadhu ninka jeclaada waa ay xaqirtaa, haddii aanay iyaduna jeclayn.