Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson Mandela: Geeska Afrika Staff Writer (Q:8aad)

0
70

Picture4Caqabadda keliya ee ugu weynayd ee naga hor imanaysay waxa ay ahayd in aanu gacan ka geysanno dhismaha nidaam bulsho oo xorriyadda shakhsiga ahi leedahay micnaheeda keliya ee ah xorriyad shakhsi ah. Waa in aanu dhisnaa ummad uu udub dhexaadkeedu yahay xorriyad, isla markaana damaanad qaad  haysata xorriyadda siyaasadda iyo xuquuqda aadamaha oo ay muwaadiniintu u siman yihiin” Waa ereyo kale oo ka mid ahaa khudbaddii ugu horreysay ee Mandela markii uu madaxweynaha noqday ka hor jeediyey baarlamankii ugu horreeyey ee dimuqraadi ah ee uu dalkiisu yeesho. Nelson Mandela waxa uu dalkiisa ka hirgeliyey xorriyad siyaasi ah, mid dhaqaale, iyo mid bulsho waxa uu fasaxay warbaahintii madax bannaanayd oo xorriyad buuxda u helay tebinta wararka, waxa aanu dalka Koonfur Afrika gaadhsiiyey heer dad badani ku naanaysaan in uu yahay dal reer Yurub ah oo ku dhex yaalla qaaradda Afrika ee aan looga baran dhowrista xoriyadda hadalka iyo xaq-dhowrista fikirka kaa soo horjeeda.

Haddaba ururkii SNM waxa ugu weyn ee seeska u ahaa halgankiisu waxa uu ahaa cadho ka dhalatay duudsigii xuquuqda muwaadiniinta iyo cabudhintii xorriyadda fikirka oo ay dadkii reer Somaliland u arkeen in aanay jirin si lagu eegan karo oo aan ahayn in halgan hubaysan lagala hor tago. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ururka SNM, taas oo macnaheedu yahay in uu u halgamayey sidii uu naftiisa iyo umaddiisaba uga xorayn lahaa taliska ku caan baxay cabudhinta iyo duudsiga xuquuqda aadamaha. Waa halgan uu u soo galay in dadkiisu ay helaan xorriyadaha ay xaqa u leeyihiin, halgankii kadibna, Somaliland muddadii dheerayd ee uu madaxweyne Siilaanyo mucaaradka hoggaaminayey waxa uu si adag uga hadli jiray cabudhinta saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, waxa aanu marar badan nidar ku maray in uu xuquuqdooda u soo dhicin doono. Maxaase dhacay markii uu talada qabtay?!! Durbadiiba waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dadaalay in uu laalo xeerkii saxaafadda ee madaxweynihii uu cabudhinta xorriyadda hadalka ku canaananayey dhaqan geliyey, waxa aanay xukuumaddiisu ka soo shaqaysay xeer saxaafadeed weli qabyo-qoraal ah oo laga soo min guuriyey xeerka saxaafadda ee dal ka mid ah dalalka cabudhinta ugu darani ka jirto dunida oo dhan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka shaqeeyey baarlamankana ka ansixiyey xeerka sirdoonka Qaranka oo ay ku jiraan qodobbo badan oo lagu durayo in ay cabudhinayaan saxaafadda iyo xorriyadda dastuuriga ah ee muwaadinka, waxa ay xukuumaddiisu noqotay tii abid ugu darnayd ee soo martay Somaliland ee dagaalkii ugu adkaa ku qaadda saxaafadda. Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxa ay xabsiga dhigtay saxafiyiintii ugu tirada badnayd ee intii ay Somaliland jirtay xabsiga loo taxaabo. Hay’ado warbaahineed ayaa xoog ciidan lagaga joojiyey shaqada, waxaa xabsiyada loo taxaabay muwaadiniin caadiya oo aragtidooda ku baahiyey warbaahinta, waxaa xoog inta caadiga ah ka badan loo adeegsaday kala dareerinta mudaharaaddo silmiya oo marar kala duwan dhacay, muwaadiniin badan ayaana naftooda ku waayey iyaga oo doonayey in ay si nabadgelyo ah cabashadooda u gaadhsiiyaan dowladda,  sidoo kale sababo aan xujo cad ku dhisnayd awgeed ayaa xisbiyada mucaaradka looga hor joogsaday dibad-baxyo silmi ahaa oo ay taageerayaashooda isugu yeedhi lahaayeen, hoggaamiyeyaal mucaaradka ka tirsanna waxaa si aan sharciga waafaqsanayn looga joojiyey safaro ay ku tegeyeen deegaanno dalka ka mid ah, arrinta ka sii daranina waa masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ku andacooday inay ahayd in masuuliyiintan mucaaradku booqashada horteed soo war geliyaan.

Intaas oo dhami waxa ay dhabar jab ku yihiin xuquuqda iyo xorriyadaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, waxa aanay god dheer ku rideen rajadii laga qabay in uu madaxweyne Siilaanyo wax ka beddeli doono nidaamkii cabudhinta iyo cadaadiska ahaa ee uu ka dagaalamay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka baaqsaday in uu wax ka barto taariikhda halgankii Somaliland, oo cimrigiisa oo dhan ku dhereran, waxaa sidoo kale seegtay duruus aad u muhiim ah oo ku jirta taariikhda hoggaamineed ee halyeeygii reer Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Dersiga 8aad: Muddo xilliyeedka madaxnimad:

Faraq weyn oo dhinaca da’da ah ayaa u dhexeeyey hoggaamiyihii geeriyooday ee Koonfur Afrika Nelson Mandela iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo. Mandela waxa uu dhashay 1918kii, madaxweyne Siilaanyana waxa uu dhashay 18 sano kadib oo ah sannadkii 1936kii. Laakiin haddana waxa ay isku soo gaadheen siyaasadda oo ay labaduba muddo dheer ku soo jireen da’ aad u weyna ku gaadheen.

Labadan hoggaamiye waxa ay xilka madaxnimada ee dalalkooda qabteen iyaga oo da’ ah, halgan aad u dheerna ay u soo mareen. Mandela waxa uu madaxweyne noqday isaga oo ah 76 jir muddo 27 sano ahna ku soo jiray xabsi iyo halgan adag oo ka horreeyey. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilka qabtay isaga oo ah 74 jir muddo 27 sano ah ku soo jiray halgan uu kala hor yimi nidaamkii askartu xukumaysay ee ku amar-ku-taaglayn jiray Soomaaliyadii hore iyo dowladdii UDUB. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay, labadan madaxweyne haddii ay dhamaystaan labada muddo xilliyeed ee uu dastuurka dalkoodu u ogol yahay in ay xilka ka degi lahaayeen iyaga oo isku da’ ah, tusaale ahaan dalka Koonfur Afrika muddada xil-haynta madaxweynuhu waa afar sano, sidaa awgeed Mandela haddii uu dhamaysan lahaa labada muddo xilliyeed ee uu dastuurku u ogol yahay waxa uu xilka ka degi laha isaga oo 84 jir ah, marka Somaliland la eegana muddada madaxweynuhu xilka haynayaa waa Shan sano, tas oo noqonaysa, haddii madaxweyne Siilaanyo mar kale xilkan isu soo taago oo la doorto in uu xilka ka degi doono isaga oo 84 jir ah.

Waxa aynu aragnay Mandela oo isla maalintii uu xilka la wareegay markii uu sii joogista shaqada ku boorinayey madaxii baratakoolka madaxtooyada u sheegaya in qorshihiisu yahay in uu xilli keliya oo afar sano ah hayo madaxnimada dalka. Sidii ayaanay u dhacday oo markii uu xilligii koowaad dhammaaday sannadkii 1998kii Mandela waxa uu diiday in uu xilka madaxweynaha ee dalkaas mar labaad isu soo sharraxo. In kasta oo shacbiyaddiisa sarraysay awgeed ay guushiisu hubaal ahayd haddii uu Mandela mar labaad isa soo sharraxo, haddana waxa uu jeclaystay in halgan dheer iyo midhihii halgankaas oo uu afar sano ka shaqaynayey kadib, maadaama oo uu haatan da’ yahay uu nasasho dheer qaato oo uu gurigiisa gaarka ah iyo noloshii caadiga ahayd ee muwaadinnimada ku raaxaysto.

Waa tallaabo aanay cidina ka filayn hoggaamiye xataa kuwa dunida horumartay ah, kuwa dunida saddexaad ee kursiga haddii ay gaadhaan ku tiriya hantidooda gaarka ah ee ay tahay in laga dhaxlo iyaga hadalkoodaba iska daa. Masuuliyiinta sare iyo hal-doorka xisbiga ANC waxa ay aad u doonayeen in hoggaamiyahoodu mar labaad isa soo sharraxo, laakiin si adag ayaa uu u diiday, waxa aanu u sheegay in maanta kadib uu door bidayo in uu noqdo oday qaran, iyo in inta cimrigiisa ka hadhay uu ka shaqeeyo arrimaha samofalka iyo la dagaalanka faqriga, HIV/AIDS ka iyo hawlaha la midka ah, taladii xisbiga iyo murashaxnimadii waxa uu ku wareejiyey ku xigeenkiisii oo ahaa Thabo Mbeki.

Tallaabadaa uu qaaday hoggaamiyaha reer Koonfur Afrika, dadka siyaasadda faaqidaa waxa ay u arkaan in ay ka mid tahay sababaha ugu muhiimsan ee sumcadda aadka u weyn uu ku kasbaday Mandela, dadkiisu waxa ay u arkeen nin halgankiisu ahaa danta guud ee dadkiisa oo aanu lahayn ujeedo dan shakhsi ah iyo in uu mansab helo, dunida badankeeduna sidaas oo kale ayaa ay u aragtaa, sidoo kale waxaa loo arkay, nin caqli badan oo og xaqiiqada ah in da’da uu joogaa aanay ahayn tii ku habboonayd in ay intaa kadib dal casri ah sii hoggaamiso, oo ay qurux badan tahay in ay kaalintiisu ku koobnaato talo iyo tusmayn iyo in uu mus-dambeed u noqdo raggiisa xilka uga dambayn doona. 

Hadallo ka soo baxay xilligii uu socday kulannkii Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye sannadkii 2008da ku yeeshay magaalada Burco ayaa sheegayey in madaxweyne Siilaanyo siyaasiyiin xisbiga ka tirsan oo mansabka mudan ee dalka hunguri ka hayey uu u caddeeyey in uu xilka madaxweynaha haynayo hal xilli oo keliya. In kasta oo aanu hadal rasmi ah iyo qoraal la arkay midna ku oollin ballan qaadkaasi, haddana dad badan ayaa wararkaa la isla dhex marayey rumaystay.

Dadka tirooyinka ka faashada, isu-ku-beegnaantooda, isku ekaanta lambarradana wax ka saadaaliya ayaa bilowgiiba aaminsanaa in madaxweyne Siilaanyo uu si la mid ah Mandela xilka madaxweyne ee dalkiisa hayn doono hal xilli oo keliya. Dadkan oo malaha maskaxda ku haya da’da isku midka ah ee ay labada hoggaamiye talada dalkooda ku qabsadeen iyo taariikhda halganka ee ay wadaagaan, ayaa ku fikirayey in madaxweynaha Somaliland uu noqon doono hoggaamiyihii dib-u-curashada Somaliland, laakiin taasi illaa hadda ma’ay dhicin, saadaasheeduna ma muuqato. Sidoo kale ifafaalaha illaa hadda muuqdaa waxa uu iftiiminayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu damac ka hayo in uu mar labaad isu soo sharraxo xilka madaxnimada Somaliland oo uu dastuurku u ogolaanayo, haddii ay sidaas u dhacdana waa dersi kale oo Md. Siilaanyo ku seegay taariikhda hoggaamineed ee Mandela, waxaana hubaal ah in haddii uu mar kale isa soo sharraxo oo uu ku guulaysto aanu xilka madaxnimada ka tegi doonin isaga oo leh shacbiyad la mid ah tii uu lahaa markii uu yimi. Dhammaad.