Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson Mandela: Geeska Afrika Staff Writer (Q:5aad)

0
1385

Picture5Garsoorka:

Nelson Mandela waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa halgamaagii ugu weynaa qarnigii labaatanaad ee ka dhiidhiyey caddaaladdarro iyo eex sharci, waxa uu dhadhamiyey xanuunka ka dhasha garsoor xumada oo uu muddo 27 ah u xidhnaa, casharka ugu weyn ee uu ka bartayna uu noqday in sharciga iyo garsoorku ay yihiin sababta keenta horumarka ama dib u dhaca bulsho. Mandela waxa uu xabsiga ka soo baxay isaga oo maankiisa uu ku jiro hal-ku-dhegga ah, “Cid kastaa waxa ay xaq u leedahay in caddaalad hesho”

Nelson Mandela markii uu xilka hoggaaminta dalkiisa qabtay, sida aynu hore uga soo warannay waxa uu u hawlgalay wanaajinta iyo dib u habaynta shuruucda iyo dastuurka, waayo waxa uu rumaysnaa xaqiiqada ah in aanu garsoorku hagaagi karin, haddii aanay shuruucda garsoor iyo cadaaladdu hagaagin; iyo in aanu horumarka iyo dhismaha qaran suurtogal noqon karin haddii aan la dhisin garsoor madax bannaan oo awood sharci leh, cadaaladdana dhowra, “Waxa aanu garawsannahay in dib-u-heshiisiinta iyo qaran-dhiska aanu ku baaqaynaa aanay xaqiiqo noqon karin, haddii aan laga horreysiin dadaal midaysan oo xididdada si dhab ah loogu siibayo, khilaafaadkii hore u soo jiray iyo caddaalad darradii” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Nelson Mandela ku cabbiray sida uu ugu heellan yahay wanaajinta garsoorka dalkiisa.

Markii uu hawshaa shuruucda ka soo faraxashayba waxa uu u jeestay in uu garsoorka dalkiisa ka dhigo mid ay ka hawlgalaan dad aqoon u leh shuruucda, daacadnimo ku beeran tahay, ka madax bannaan farogelinta xukuumadda, iyo cid kasta oo cadaadis saari karta, isla markaana hela dhaqaale ku filan oo ay kaga maarmaan gacmo soo farogeliya, si caddaaladdu u suganto.

Madaxweyne Nelson Mandela isla sannadkii koowaad ee muddo xilliyeedkiisaba waxa uu qaaday tallaabooyin uu dib ugu habaynayo Garsoorka iyo nidaamka garsoor ee dalka Koonfur Afrika. Tusaale ahaan, bishii Labaad ee sannadkii 1995kii oo uu sagaal bilood oo keliya xilka hayey waxa uu magacaabay garsoorayaal xul ah oo sida uu dhigayo dastuurka dalkaasi noqda garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah, waxa aanu siiyey awood sharci oo ay dib ugu eegaan hannaanka shaqada, shuruucda iyo guud ahaanba nidaamka caddaaladeed ee maxkamadaha kala heerarka duwan ee dalka. Sidoo kale waxa uu Mandela qabtay kulan ay isugu yimaaddeen hal-doorka iyo sharciyaqaannada xisbigiisa ANC iyo guud ahaanba reer Koonfur Afrika oo lagu qiimaynayo heerka caddaaladeed ee dalka iyo dib u habaynta loo baahan yahay, wax yaabihii ka soo baxay oo markiiba uu Mandela dhaqan geliyeyna waxaa ka mid ahaa, in garsoorayaasha lagu soo xulo aqoon iyo shakhsiyad wanaag iyo in la siiyo madax bannaanida dastuurku u ballan qaaday si ay xor ugu noqdaan xukunnada ay qaadayaan. Nidaamkaas ayaanu Mandela dalka Koonfur Afrika kaga dhigay dal heerka garsoorkiisa iyo nidaamkiisa caddaaladeed uu gaadhsiisan yahay heerka caalamiga ah ee hal-beegga garsoor wanaagga.

Somaliland kama ay dhicin caddaalad darro iyo garsoor xumo la mid ah tii ka jirtay dalka Koonfur Afrika xilligii uu midab-takoorku ka jiray, laakiin haddana intii ay jirtay oo dhan waxaa jiray caddaalad darro iyo garsoor xumo ku baahday dhammaan maxkamadaha darajooyinka kala duwan ah ee dalka, taas oo dhulka dhigtay kalsoonidii ay dadku ku qabeen in ay maxkamadda ka heli karaan caddaaald ay xaqooda ku helaan, waana sababta ugu weyn ee keenta in maxkamaddu ay noqotay meesha ugu dambaysa ee ay muwaadiniintu ku kala baxaan, ama in labada ruux ee maxkamadda dacwaddoodu la gasho loo arko kuwo cadow isu ah oo iska baal maray siyaabo kale oo badan oo ay ku kala bixi karayeen. Bollaal dacwadood oo aan dhaafsiisnayn hal jago ayaa ay maxkamadaha dalku gartooda naqaan Toban sano iyo ka badan, waxaa faafay laaluushkii garsoorka lagu iibsanayey, waxaana tiro beelay dacwadaha laga gaadhayo go’aanno cadaaladda ka fog. Madaxweynayaashii Somaliland soo marayna dhammaantood waxa ay ku celcelinayeen in ay wax ka qabanayaan caddaalad darradaas cudurka ku noqotay garsoorkii dalka.

Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu macaaradka adag ahaa waxa uu habeen iyo dharaarba farta ku fiiqayey xaqiiqada caddaalad darro ee dalka ka jirtay, waxa aanu eeddeeda saarayey madaxweyne Rayaale iyo raggii la shaqaynayey, oo ay runtii ahayd in ay waxba ka qaban waayeen. 3 bilood oo keliya ayaa ay guushii doorashada ee madaxweyne Siilaanyo ka horreysay markii khudbad uu taageerayaashiisa u jeedinayo uu ku lahaa, “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan” Sidoo kale barnaamijkii siyaasadeed ee uu madaxweyne Siilaanyo doorashada ku galay waxaa ka mid ahaa, “Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in caddaladdu tahay aasaaska nabadda, barwaaqada, midnimada iyo horumarka ummadda. Sidaa darteed, wuxuu ku tallaabsan doonaa sidii caddaaladdu u noqon lahayd mid ummadda wada deeqda.…”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballan qaaday in dib u eegis uu ku samayn doono dastuurka dalka si loo xaqiijiyo madax bannaanida garsoorka. In garsoorku u badax-bannaanaado qorshaynta iyo maamulidda miisaaniyaddiisa lagana fogeeyo waaxda fulinta inay ku yeelato awood ay waxay doonto ugu qori karto ama ugu oggolaan karto;

In dastuurku dammaanad qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawl-gabeed oo munaasib ah.

Madaxweyne Siilaanyo hal sano kadib markii xilka loo doortay oo uu ka hadlay kulan ballaadhan oo ay dowladdiisu soo diyaarisay laguna magacaabay Shirkweynaha caddaaladda Somaliland ayaa uu mar kale ka qiray in Somaliland ay ka jirto cadddaalad darro baahsan oo gaadhsiisan heer laga damqado, waxa aanu ku calaacalay, “Manaan filanayn inay Somaliland gudaheeda caddaalad-daro intaa le’egi ka jirto”

Nasiib darro; madaxweyne Siilaanyo illaa hadda lagama hayo dib u habayntaas iyo wanaajintaas garsoorka iyo cadaaladda dalka. Weli maxkamadihii hoose sidii ayaa ay dadka u rafaadiyaan, cadaaladduna ugu xidhan tahay ninka jeebka roon, maxkamaddii sarana weli sidii ayaa ay ugu adeegtaa danaha xukuumadda, waxa ay ku dhex milantaa murannada siyaasadda waxa aanay dubbaheeda garsoor la soo kacdaa marka ay xukuumadda cid is hayaan. Haddii laga tegi waayo hawsha ugu badan ee ay qabtaa waa ka garnaqista jagooyinka iyo xukunnada madaniga ah oo aan iyagana cadaalad badan laga sheegan. Dadka reer Somaliland ee is-beddelka u codeeyeyna weli madaxweyne Siilaanyo waa ay ka sugayaan in uu cadaaladda iyo garsoorka dalka wanaajiyo. Dib u habaynta Garsoorku waa dersi kale oo madaxweyne Siilaanyo ku seegay taariikhda hoggaamineed ee Nelson Mandela.

Dersiga 4aad: Laab xaadhnaanta siyaasiga ah iyo waayo-aragnimo wadaagga: