Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson MandelaAfrika. Staff Writer (Q:3aad)

Published on Dec 28 2013 // Editorial/Staff Writer, Warar

Hargeysa (Geeska)- Nasiib darro dersigaas muhiimka ah ee laga baranayo habkii uu Mandela ku mideeyey qarankii qaybsanaa ee taladiisa uu qabtay, waa uu seegay hoggaamiyaha Somaliland.

Muddo 8 sano ku siman ayaa uu xisbiga Kulmiye ee uu hoggaaminayey Md. Siilaanyo ku jiray ol’ole ciPicture1ddiyo ku dagaalan ah oo dhaliil kasta bannaanka uu soo dhigay, tallaabo kasta oo ay xukuumaddii ka horreysay qaadana ku tilmaamayo in ay tahay waxba kama jiraan iyo biyo col dhaanshay. Dad badan ayaa ku doodaya in qaabkii mucaaradnimo ee Kulmiye, iyo hannaankii uu u abaabulnaa, oo ay is biirsadeen xukuumaddii Md. Rayaale oo si aan qurux badnayn iyaduna uga hortagtay mucaaradaddaasi ay sabab u noqdeen in bulshada reer Somaliland ay si weyn u qaybsanto qabyaalad iyo fikir ahaan labadaba.

Qaybsanaanta dadka reer Koonfur Afrika iyo Umadda Somaliland ka jirtay waxa ay ka caddayd tirada codadkii ay Mandela iyo Siilaanyo ka heleen doorashadii ay kursiga madaxnimada ku yimaaddeen. Mandela waxa uu helay boqolkiiba 62 tiradii codadka la bixiyey, taas macnaheeduna waa in aanu helin kalsoonida boqolkiiba 38 ka mid ah muwaadiniinta reer Koonfur Afrika. Madaxweyne Siilaanyo isaguna waa uu kaba sii shacbiyad hooseeyey, oo boqolkiiba 49.59 ayaa uu ka helay codadkii muwaadiniintii reer Somaliland ee codkooda dhiibtay, taas oo iyadana uu macnaheedu noqonayo in bulshada reer Somaliland ay u qaybsanayd laba is le’eg, dadka diiddanaa in uu madaxweyne Siilaanyo xilka qabto wadartooduna ahayd boqolkiiba 50.41 oo ka badan inta inta doonaysay in uu dalka hoggaamiyo. Marka ay sidaas tahayna waxa soo baxaysa baahida weyn ee loo qabay in uu madaxweyne Siilaanyo dhiggiisii Koonfur Afrika Nelson Mandela kaga deydo midayntii iyo isu keenistii umadda, isla markaana uu dib u raadsado kalsoonida inta tirada badan ee saluugsanayd.

Haddii Nelson Mandela markii uu talada la wareegayba uu si cad uga hor yimi doonistii iyo damacii dadkii madowga ahaa oo doonayey in gacan bir ah lagu qabto qof kasta oo maalin uun laga uriyey neef la haysa nidaamkii hore, isla markaana uu dhadhab ka dhigay riyadii dad badan oo madow ahi qabeen ee ahayd in marka ay talada qabato dowladdoodu ay si toos ah ula wareegi doonaan shaqooyinka iyo ilaha dhaqaale ee ay hadda hayaan dadka caddaanka ah ama kuwa madowga ah ee lagu tirinayey in ay taliskii midab-takoorka la shaqaynayeen. Madaxweyne Siilaanyo sidaa ma’ uu yeelin; Bilowgii guushiisii doorashadaba waxaa soo baxay in uu xakamayn kari waayey damaca taageerayaashiisii iyo dad badan oo qabiilkiisa ka soo jeeda, oo qasab kaga dhigayey in shaqooyin laga siiyo hay’adihii kala duwanaa ee dowladda, iyaga oo weliba qaarkood ku siganayey ama kuba tallaabsaday ficillo si aan haboonayn ay shaqooyinka iyo ilaha dhaqaale ee muhiimka ah uga riixanayaan intii hore u sii haysay!!! Waxaa markiiba bulshada ku dhex faafay dacaayado ay ka mid yihiin in xisbiga Kulmiye taageerayaashiisa u fasaxay in uu qofku soo deydaydo mansab uu hayo qof xisbigii hore ahaa si loogu beddelo.

Mandela oo arrintan kaga hadlaya buuggiisa caanka ah ee “Jidkii dheeraa ee xorriyadda” ayaa yidhi, “Waan ogaa in dadku ay iga filayeen, cadho iyo cuqdad badan in aan u qaado dadka caddaanka ah, laakiin marka aan xaqiiqada taabto, haba yaraato ee waxba caloosha uguma aan haynin. Intii aan xabsiga ku jiray ayaa ay aad hoos ugu dhacday cadhadii aan u qabay dadka caddaanka ah, waxa aanan dareenkayga ku ekeysiiyey in aan u cadhoodo, colaadaydana aan ku jeediyo nidaamka iyo dowladda midab-takoorka oo keliya… waxa aan mar kasta ku dadaalayey in Koonfur Afrika aan baro in aan xataa cadowgayga jecelahay, oo cidda keliya ee aan necebahay ay tahay maamulka cadaawadda dhex dhigtay muwaadiniinta”

Siyaasaddaa quruxda badan ee uu Mandela jeexay waxa ay sabab u noqotay in caddaankii iyo dadkii kale ee ka soo horjeeday doorashadiisa oo ay ku jireen kuwo la isir ahi, ay mar kale xisaabtooda dib ugu noqdaan kana fikiraan sidii ay u garan istaagi lahaayeen hoggaamiyahan doonaya in uu muwaadinnimo loo siman yahay ku mideeyo. Waa dersi muhiim u ah qaran kasta oo cusub oo doonaya in uu yagleelo dowladnimo tixgelinaysa muwaadiniintu in ay u siman yihiin dhibta iyo dheefta Qaranka.

Nasiib darro dowladda madaxweyne Siilaanyo wax yaabaha lagaga cawdo waxaa ka mid ah bixinta qandaraasyada qaranka, iyo saami qaybsiga beelaha oo labaduba noqday waran sii damqay caabuqii hore u kala fogeeyey bulshada, nidaamka qandaraasyada dowladdu u bixiso ayaa u badan in lala door bido dadka abaalka ku lahaa halgankii kursi doonka ahaa ee madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale qaabka uu madaxweyne Siilaanyo beelaha ugu qaybiyey mansabyada muhiimka ah ayaa lagaga cawdaa in dheelli badani ku jiro.

2. Sida caadiga ah cabasho kasta oo maamul waxaa uu xididkeedu ku arooraa sharciyadda iyo nidaamka xeer dhowriseed ee dowladda ama hay’adaha maamul ee jira. Tusaale ahaan arrimaha dunida saddexaad ka qatan tahay ee mar kasta cabashadu ka jirto waxaa ka mid ah muwaadiniinta oo waaya, xorriyadaha aas-aasiga ah, maamul xumo, maamulka dhaqaalaha oo qaldama iyo musuqmaasuqa oo la xakamayn waayo, nidaamka iyo kala dambaynta oo adkaata, talo wadaagga iyo xukun isu dhiibista oo la dafiro. Cabasho kasta oo arrintan la xidhiidha oo ka jirta dunida saddexaad marka hoos loogu dhaadhacana waxaa muuqanaysa in halka ay sartu ka qudhunsan tahay ay tahay shuruucda dalkaas, ka soo bilow dastuurrada oo ay inta badan samaystaan maamulayaal iyagu ku danaysta, illaa laga soo gaadho sharciyada ugu hooseeya ee madaniga ah. Dhammaantood laaxin ayaa ku jira, waxa aanay u baahan yihiin dib u habayn iyo cilmiyeyn.

Dalka Koonfur Afrika isagu dhibtaas guud ee uu dunida saddexaad la wadaagayey waxaa u dheeraa nidaamka dowladnimo ee ahaa in caddaanka faro-ku-tiriska ahi ay ku amar ku taagleeyaan jamaahiirta madowga ah ee dalka ay wadaagaan, sidaa awgeed sharci iyo xeer kasta oo la dejinayo waxaa shardi u ahayd in uu dan u yahay sii jiritaanka nidaamkan midab-takoorka iyo badhaadhaha ninka cad.

Somaliland qudheeduna kama fayo qabto dhibtaas dhinaca shuruucda oo bilowgii dastuurka Somaliland ba waxaa soo baxay laaxin iyo cabasho illaa halka u sarraysa ka imanaysay oo la xidhiidhay in aanu baahiyihii jiray ee maamul sidooda u daboolayn, waxaa ku sii biiray xeerarkii oo badankoodu u muuqdaan in hadba dowladda jirtaa ay samayso xeerar iyada u dan ah, mar kastana cidda inkaartu ku dhacdaa waa muwaadiniinta caadiga ah iyo xisbiyada mucaaradka oo qaylada ugu badani ka soo yeedho.

Haddii xisbiga ANC ee Mandela dadka reer Koonfur Afrika cod kaga raadsaday in uu dib u habayn ku samaynayo shuruucda dalka, kana dhigayo kuwa si siman muwaadiniinta madax iyo minjaba u adeegaya, xisbiga madaxweyne Siilaanyo qudhiisuna taas oo kale ayaa uu sameeyey oo waxa uu meel kasta kaga dhawaaqay in dastuurka iyo guud ahaan xeerarkaba uu ku samaynayo dib u habayn togan. Laakiin Mandela tallaabadaas dhankiisa waa uu ka soo baxay, markiiba waxa uu dhisay guddi heer qaran ah oo doorasho dadweyne ku imanaysa. Guddidaas oo dhammaan muwaadiniintu si siman caddaan iyo madowba isugu soo sharraxeen waajibaadkeeda shaqo waxa uu ahaa in ay dib u habayn iyo curin ku samayso shuruucda dalka; waxa ay diyaarinaysay wax-ka-beddelka dastuurka iyo xeerarka dalka lagu dhaqayo, shuruucdaas oo weliba guddidu ay u samaysay nidaam garsoor oo madax bannaan oo dhaqan gelinta sharciyadaas hubiya, madaxweyne Siilaanyo qudhiisuna waa uu ku ol’oleeyey, laakiin maxaa qaldamay.

La soco…

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!