Duruufaha uu soo maray koobka kubbadda cagta adduunki, Waayitaan, xatooyo iyo Ciyaaraha oo dagaalo hakiyaan

51
4130

Moosko (Geeska)- Saddex toddobaad iyo maalmo yar ka hor oo ay ciyaaraha koobka kubada cagta adduunku ka socdeen dalka Ruushka, waxa ay wararkeedu ahaayeen qodobbada u horreeya uguna muhiimsan wararka iyo faallooyinka warbaahinta afafka kala duwan ku baxda ee dunida oo dhan. Laakiin inta badan, waxa ay wararkaasi ku kooban yihiin, dadkuna aad ula socdaan waa dhacdooyinka taagan ee koobka iyo hadba sida loo kala calafqaado ciyaaraha maalintaas dhaca. Waxa aynu maanta si kooban isugu deyi doonnaa in aynu in yar dib ugu noqonno bilowgii koobkan iyo marxaladihii uu soo maray, gaar ahaan dhacdooyinka xiisaha leh ee koobka la kala helayo laftigiisa ku gadaaman.

Sannadkii 1930 kii ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee la qabto tartanka kubadda cagta adduunka. Waxaa martigeliyey dalka Uruguay ee koonfurta qaaradda Ameerika. Ciyaaraha koobkaasi waxa ay socdeen 13 kii illaa 30 kii bishii juun ee sannadkaas, waxa aanu ahaa koobka keliya illaa ee aanay dalalka ka qaybgalay ku soo bixin ciyaaro is-reeb-reeb ah oo ka horreeyey. Waxaa lagu casuumay dhammaan xulalkii qaramadoodu markaas xubnaha ka ahaayeen xidhiidhka kubadda adduunka ee FIFA, waxa se ka qaybgalay 13 xul. Sababta xulalku u yaraadeen waxaa lagu sheegaa dalka lagu qabtay ee Uruguay oo aad uga fog dunida, marka laga reebo Ameerika. Maadaama oo gaadiidka iyo imkaaniyaadka kalaba adkaayeenna ay taasi keentay in dalalka badankoodu iman kari waayaan sababo waqtiga ama awoodaha kale, sida dhaqaalaha la xidhiidha awgood. Labadii kooxood ee ugu horreeyey ciyaarahaas ee guulaystaa waxa ay ahaayeen Faransiiska oo 4-1 kaga badiyey Mexico iyo Maraykanka oo Belgium 1-0 kaga adkaaday. Ciyaartii u dambaysayna Uruguay ayaa 4-2 kaga adkaatay Argentina, waxa aanay sidaas ku noqotay in koobkii adduunka ugu horreeyey ee kubadda cagta uu qaaday dalka Uruguay.

Koobkii labaad oo ahaa 1934 waxaa lagu qabtay dalka Talyaaniga, waxa uu ahaa koobkii ugu horreeyey ee is-reeb-reeb ay xulalka qaramada dunidu ku yimaaddeen, waxaana ka qaybgalay 16 dal. Ciyaartii u dambaysay waxaa isugu yimi Talyaaniga iyo Czechoslovakia, waxa aana guulaystay Talyaaniga oo 2 iyo 1 koobka ku qaaday.

Koobkii saddexaad oo ahaa sannadkii 1938 kii waxaa lagu qabtay dalka Faransiiska. Dalalka Uruguay iyo Argentina ayaa diiday in ay ka soo qaybgalaan iyaga oo ka cadhaysan in laba xilli oo isku xiga lagu qabto Qaaradda Yurub, kuna doodaya in labadooda qaaradood ee Yurub iyo Ameerika ay ku kaltamaan martigelinta koobka. Koobkaasi waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee la soo saaray sharciga ah in dalka martigelinayaa uu toos ciyaaraha uga qaybgalo isaga oo aan soo marin is reeb-reeb, Talyaaniga ayaana mar labaad koobkaas qaaday.

Markii uu qarxay dagaalkii labaad ee adduunka, waxaa baaqday koobkii kubadda cagta adduunka ee dhici lahaa 1942 kii, waxana laba xilli hakaday geeddii ciyaaraha kubadda cagta adduunka, oo dib u bilowday sannadkii 1950-kii.

Marka laga yimaaddo dagaalladaas hakiyey koobka adduunka, waxaa xiise leh in uu koobka adduunku marar kale ay la soo darseen dhacdooyin haddii dib loo xasuusto maadays u ekaada; waxaa ka mid ahaa xatooyo iyo in la waayo koobkaba lagu tartamayaba.

Dagaalkii labaad ee adduunku waxa uu qarxay sannadkii 1938 kii iyada oo uu Talyaanigu haysto koobka adduunka oo isla sannadkaas dhacay. Waxaa dhacday in aad looga baqay in ciidamadii Naasiga ee Jarmalka, oo si xawli ah u fidayey ay qabsadaan Talyaaniga. Guddoomiyihii xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee xilligaas Ottorina Barassi, ayaa si dhuumasho ah ku galay bangi uu khasnaddiisa ku jiray koobkii xulka qaranka Talyaanigu soo qaatay, kaddibna inta uu ka saaray ayaa uu la tegey gurigiisa oo uu ku qariyey sanduuq u hoos yaallay sariirtiisa. Ottorina Barassi oo ka taxaddaraya in Naasigu ka daba yimaaddo oo uu koobka ka qaado ayaa qariyey warka ah in uu isagu hayo koobkii, waxa aanu sheekadii u ekeysiiyey in koobkii la xaday, sidaasna lagu waayey. 12 sano kaddib oo ahayd markii 1950 kii la ciyaaray ciyaartii koobka kubbadda cagta adduunka ee ugu horreysay dagaalka kaddib, ayaanu koobkii dib u soo saaray.

Sannadkii 1966 kii, ayaa mar labaad la xaday koobkii kubadda cagta adduunka, laakiin markan waxa ay ka dhacday xatooyadu magaalada London ee dalka Ingiriiska. Maalmo uu booliisku si adag u raadinayey koobka la xaday kaddib, ayaa ey booliisku lahaa oo lagu magacaabi jiray Pickles uu koobkan dahabka ah ka helay duleedka London, meel qashinqub ah, oo waraaqo wargeyso laga baxay lagu hoos qariyey. Koobka soo helistiisu waxa ay eygii ka dhigtay geesi kaalin kaga jira taariikhda koobka adduunka. Koobkaas oo uu booliisku ku fashilmay in uu ogaado cidda xadday, waxaa tuuggii la ogaaday 52 sano kaddib oo ahayd, bishii shanaad ee sannadkan 2018 ka, kaddib markii nin lagu magacaabo Gary uu booliiska u sheegay in koobka cidda xadday ay ahayd adeerkii Sidney Cugullere, oo uu kalkaalinayey walaalkiisii yaraa ee Reg, oo isagu aabo u ah ninkan imika sheegay xatooyada. Gary waxa uu ku andacooday in sababta xatooyada ku kalliftay adeerkii iyo aabihiisa caawiyey aanay ahayn tuugo dhaqaale raadis ah, balse farxadda koobkii adduunka ee Ingiriisku helay ay madax martay, kaddibna isaga oo macrad London yaalla lagu soo bandhigayo ay xadeen.

Mar saddexaad ayaa koobka kubadda cagta adduunka la xaday, laakiin markan dib looma helin oo illaa hadda waa baadi maqan. Kaddib waxaa la ikhtiraacay nashqaddii labaad ee koobka kubadda cagta adduunka oo ah kan aynu illaa maanta aragno. Koobka cusub, waxa lagu bilaabay ciyaarihii sannadkii 1974 kii. Laakiin markan waxaa la beddelay sharcigii hore ee ahaa in koobka adduunku uu ahaado mid keliya oo dahab ah, kaasna ay qaataan hadba xulka qaran ee koobka qaadaa, hayaanna illaa laga gaadhayo ciyaarta dambe oo haddii uu dal kale koobka qaado lagala wareegi jiray.

Inkasta oo koobkan dibadda loo soo saaro oo warbaahinta la tuso, haddana waxaa xeerkiisa laga dhigay in koobka adduunka ee rasmiga ahi uu ahaado mid keliya oo dahabi ah oo ay hayso FIFA, dal kasta oo ciyaaraha kubadda cagta adduunka qaadana la siiyo koob loo ekeysiiyey koobka rasmiga ah, oo aan laga soo celin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here