Dunnida Oo Marqudha Ka Warheshay Mo Farah Oo Kubada Cagta Safanaya + Muuqaalka Goolkii Uu Dhaliyey

Published on Sep 03 2017 // Maqaalo, Warar

Orodyahanka reer Somaliland una orda wadanka Ingiriiska ee Mo Farah ayaa markii ugu horaysay shaashadaha caalamku qabteen isagoo ku jira saaxada kubada cagta safanayana ciyaar kubada cagta ah.  Hore laacibkan ayaa ku caan ahaa inuu ordo kaliya, bilado badana gurtay, balse waxa uu soo galay garoon kubadeed isagoo ku  labisan dharka ciyaaraha loogu talo galay. Arintani waxay sii yaab noqotay kadib markii Mo Farah uu shabaqa ku ruxay kubada, islamarkana gool aad u qurux badnaa oo shuut ah dhaliyey, dabaaldegiisii caanka ku ahaana sameeyey.  Ciyaarta uu kamid ahaa ayaa waxaa caawimaad loogu ururinayey dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Towerka Grenfell, waxaana ka qayb galay xidigo magac wayn ku lahaa dunida Sportska gaar ahaana kubada cagta.

Xidigaha kasoo gayb galay kulankan ayaa waxaa kamid ahaa f Les Ferdinand, David Seaman, Trevor Sinclair, Alan Shearer, Andy Sinton, Jody Morris, Ally McCoist and Paul Merson iyo Jose Mourinho.

 

 

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA GOOLKA UU DHALIYEY MO FARAH

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!