Dunidu Waa Qayb Ay Cunto Badnidu Caafimaad Darro Ku Keentay Iyo Qaybta Kale Oo Gaajo Cudur Ku Noqotay

Published on Nov 08 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Adduunyada maantu waxa ay u qaybsantahay waax ay dadkeeda haystaan dhibaatooyin caafimaad xumo oo ka dhashay buurnida ka timaadda cunto badnida iyo waaxda kale oo la tiicaya nafaqo darro ka dhalatay cunto yaraan.

Cilmibaadhis baallaadhan oo ay natiijadeedu soo baxday sabtidii toddobaadkan ayaa daaha ka rogtay in dhammaan dawladaha dunida maanta ka jira ay haystaan dhibaatooyin caafimaad darro oo ka dhashay cuntada oo lagu talaxtago cunisteeda kadibna miisaanku kordho iyo cunto xumo keenta nafaqo la’aan iyo caatow cudur ah.

Cilmibaadhayaasha diyaariyey warbixintan caafimaad ee uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa sheegay sahamin iyo tijaabooyin caafimaad oo ay sameeyeen dad ku kala dhaqan 140 dawladood ku ogaaday in dhibaatooyinka caafimaad ee si guudba maanta caqabad ugu ah horumarka aadamuhu ay tahay cuntada badata ama yaraata, taas ayaana dunida oo dhan khatar caafimaad ku haysa.

In kasta oo tirokoobyada ugu dambeeyey muujiyeen in ay hoos u dhacday nafaqo darradii dunidu, haddana waxa ay warbixintani caddaysay in heerka hoosudhacu uu yahay mid aan ku socon xawaarihii caawin kari lahaa in dunidu ay gaadho horumar sii jiri kara, si loo gaadho halbeeggii dunidu dhigatay ee ahaa in sannadka 2030ka dunida laga xoreeyo cunto yaraanta.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in carruur tiradoodu ka badan tahay 155 milyan oo ka yar Shan jir ay haysato dhibaata korid la’aanta ee loo yaqaanno cullaanka, sababtuna ay tahay cunto xumo, halka 52 milyan oo carruur ahina ay qabaan cudurka ‘Cachexia’ oo ah caatow qofka gaadhsiiya heer ay awood beelaan muruqyadu, jidhkiisuna talaxgabo. Taas oo macnaheedu yahay in miisaankoodu aad uga hooseeyo intii ku habboonayd dhererkooda.

Dhianca kalana waxaa tirokoobyadu ay muujinayaan in ku talaxtagga cunista cunitada awgeed ay dhibaatooyin waaweyn oo caafimaad ka soo gaadheen dadka dunida. Warbixintan waxaa lagu sheegay in Laba Bilyan oo qof oo ka mid ah 7 da Bilyan ee dunida ku dhaqani ay qabaan miisaan korodh iyo baruurta oo jidhkooda ku badata. Woqooyiga Ameerika oo keliya ayaa ragga ku dhaqan saddex meelood meel miisaankoodu aad uga sarreeyaa intii saxda ahayd.

Daafaha dunida oo dhanna 41 Milyan oo ah carruur ka yar da’da Shan jirka ayaa uu miisaankoodu ka weyn yahay intii saxda caafimaad ahaan ahayd.  Qaaradda Afrika oo keliya ayaa ay tirokoobyadu sheegeen in ay ku nool yihiin ku dhowaad 10 Milyan oo carruur ah oo miisaankoodu saayid yahay.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!