Dunida Saddexaadna Wey Ka Dhacdaa: Raysalwasaare Markii Uu Xilka Ka Degey Dawladda Ku Wareejiyey Qasrigii Uu Deggenaa Iyo Hadyadihii La Siiyey Intii Uu Xilka Hayey

0
667

ddddddddAnkara (Geeska)- Xafiiska raysalwasaarihii dhowaan xilka laga beddelay ee dalka Turkiga Axmed Daa’uud Ooglo ayaa xaqiijiyey in uu dawladda ku wareejiyey dhammaan hadyadihii iyo hibooyinkii kala duwanaa ee la siiyey muddadii uu xilka qaranka hayey.

War uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey wargeyska Daily Sabbaax ayaa lagu sheegay in xafiiska Daa’uud Ooglo uu 29kii Bishii tagtay ee May soo saaray warmurtiyeed xaqiijinaya, in dhammaan hadyadahaas uu Daa’uud Ooglo helay muddadii uu xilka hayey iyo sidoo kale hadyadaha qoyskiisa ay cid uun siisay intii uu xilka hayey, dib loogu celiyey dawladda, gaar ahaan xafiiska raysalwasaaraha Turkiga si ay uga mid noqdaan hantida gaarka ah ee uu leeyahay xafiiska raysalwasaaraha Turkigu. Waxa uu warku sheegay in hantidan la celiyey si rasmi ah loo diiwaangeliyey, sawirro xusuus ah oo taariikhda la gelayana laga reebay, iyada oo kuwa qaaliga ahna la dhigi doona qasriga Tashankaya ee raysalwasaarayaasha Turkigu ka arrimiyaan si dadka booqashada ku yimaaddaa ay u daawadaan.

Dhinaca kalana warar dheeraad ah oo warbaahinta Turkigu baahisay ayaa sheegaya in guriga uu raysalwasaare Axmed Daa’uud Ooglo ku jiray oo ka mid ahaa guryaha dawladda uu ka baxay si dawladdu milkiyaddiisa u sii lahaato, isaga oo Isniintii ina soo dhaaftay laga bilaabana ku noolaa guri kiro ah oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Guriga uu degi doono raysalwasaaraha hore ayaa ka kooban 6 qol iyo fadhi, dhulka uu ku fadhiyaana dhan yahay 400 oo mitir, iyada oo qiimaha kirada gurigan uu ka bixin doono Axmed Ooglo uu yahay lacag u dhiganta, 35 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Sida uu Geeska Afrika ogaaday Daa’uud Ooglo oo dalka Turkiga Raysalwasaare ka ahaa laba sano, ka hor intii aanu 24 Bishii May xilka iska casilin. Horena muddo 5 sano ah, soo hayey xilka wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, waa nin dadka yaqaannaa ay ku tilmaamaan nin maskax furan, mutacallin sare ah, aadna ugu fiican ku dhaqanka diinta Islaamka. In kasta oo madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ay muddo aad u dheer saaxiibbo iyo jaal siyaasadeed wada ahaayeen haddana isfahmi waa soo dhex galay muddooyinkii u dambeeyey ayaa ku dhammaaday in Axamed Daa’uud Oogle xilka raysalwasaarenimo iyo xoghayaha guud ee xisbiga talada hayaba laga nasiyo.