Dumarku Waxa Ay Aaminsan Yihiin Ninka Aan Gadhka Wada Xiirin In Uu Noqdo Aabo Fiican, Qoyskiisana Dhisa

0
852

Picture8London (Geeska)- Daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda New South Wales ee dalka Ingiriiska ayaa saahfurtay in dumarku ay ragga gadhka isku jooga ee khafiifka ah la hadha ay si nafiya u aaminsan yihiin in uu ka qurux iyo soo jiidasho badan yahay ninka dhiggiisa ah ee isagu gadhka wada xiira. Natiijada cilmi baadhistan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Joornaalka International Journal of Behavioral Development ayaa sheegaysa in gabadhu ay aaminsan tahay in ninka gadhkiisu isku joogo ee qiyaas ahaan uu jidhka ka soo baxsan yahay in u dhiganta in aanu toban maalmood xiirin uu noqdo aabo fiican oo awood iyo karti badan u leh daryeelka iyo ilaalinta qoyskiisa iyo in uu isagu hoggaanka u qabto nolosha iyo duruufaheeda oo uu hal-adayg iyo ragannimo kaga gudbo mushkiladaha nolosha, iyo weliba tan ugu sii muhiimsan oo ah in uu naftiisa u huro ilaalinta xasiloonida iyo is-faham ku dhisnaanta qoyskiisa.

Daraasaddu waxa ay muujisay in ragga iyo dumarku ay ka siman yihiin caadada ah in ay quruxda wejiga ninka ku qiimeeyaan xaddiga timaha gadhka ee ku yaalla tusaale ahaan marka uu gadhka iska wada xiiro iyo marka ay uu kaga tago qayb. In kasta oo ay raggu aaminsan yihiin in gadhka oo la wada xiiraa ay ka fiican tahay in badh laga tago ama in yar lagu daayo, waxa ay cilmi-baadhistani muujisay in dumarku taas ragga kaga fikir duwan yihiin oo ay iyaga badankoodu ay aaminsan yihiin in gabadha oo timaha laga dhammeeyo oo jidhku xariir noqdaa aanay lahay qurux iyo soo jiidasho gaar ah oo muujinaysa ragannimada ruuxa. Cilmi baadhis kale oo iyadana mar sii horreysay la sameeyey ayaa daahfurtay in gabadhu uu ninka u sameeyo muuqaal ah hal-adayg iyo ragannimo badnaan, dumarkana uu ku beero shucuur nafsiya oo ah in uu yahay wehel la isku hallayn karo, awoodna u yeelan kara dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku lammaan xidhiidhka jacayl iyo qoysnimo labadaba, gaar ahaan in uu nafta u huri karo badbaadinta dhismaha qoyskiisa.

Culimada cilmi nafsiguna waxa ay sheegayaan in gadhka oo la xiiraa uu gabadha ku beero dareen ah in ay aaminto in ninkan gadhkiisa timaha ka ilaalinayaa uu yahay nin ilaalinta naftiisa iyo muuqaalkisia aad ugu mashquulsan, taas oo marar badan daliil u noqon karta in aanu awoodin in uu gabadha siiyo muhiimadda iyo fiirada ay mudan tahay ama aanu danaheeda iyo daryeelkooda isku hawli doonin oo mar kasta oo naftiisa ka horumarin doono, halka gadhka aan xiirnayn  ay astaan u tahay mashquul iyo in uu qofkani muhiimadda siinayo arrin kaga weyn muuqaalka naftiisa oo ay ka mid tahay in uu himiladiisa dhabeeyo iyo in uu qoyskiisa mustaqbal u dhiso.