Dumar Dareenka Jacayl Ee Ay Raggooda Iyo Diintooda U Qabaan Ku Muujiya Qaysaraano Ay La Dhacaan Ninka

32
3797

Delhi (Geeska)- Boqollaal dumar ah ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla degmada Barsaana ee woqooyiga Hindiya si ay ugu dambaashaadaan munaabad sannad leh ah oo lagu magacaabo Hawli. Munaasabaddaas oo ka soo jeedda caadooyinka guunka ah ee dadka aaminsan diinta Hinduuska waxaa la qabtaa bilowga xilliga gu’ga, waxa aanay u taagan tahay in bulshadu ay soo bandhigto qiyamkeeda fiican ee dhinaca is cafinta, dib u cusboonaysiinta saaxibtinimada iyo in khayrka looga gargaaro sharka.

Sida caadado ay tahay, ragga ayaa fagaaraha maalintan oo kale la isugu yimaaddo, isu soo baxaya, waxa aanay qaadayaan heeso iyo tixo ay ku ilaaqayaan dumarka oo iyaguna ugu sii diyaar ahaa dagaal, mid kastaana sidato qaysaraan xoogbadan. Raggan ayaa iyaga oo wada heesihii iyo  ereyadii daandaansiga ahaa, laakiin aan diyaar u ahayn wax dagaal ah ayaa waxaa ka hor imanaya dumarka oo diyaar la sii ahaa budhadh, isla marka ay soo gaadhaanna waxa ay ku garaacayaan budhadhkaas.

Dumarka ayaa marka ay raggan daandaansiga ugu yimid garaacaan, raggu aanay wax jawaab ah ka bixinayn, xitaa iska caabbinayn ama iska qabanayn nabarrada, waxa aanay taas beddelkeeda markaba isu dhiibayaan dumarkan, oo inta ay dhulka kadaloob u fadhiistaan madaxa hoos u foorarinaya, gacmahana dusha saaranaya si ay madaxdooda uga ilaaliyaan in uu nabar ka soo gaadho.

Munaasabaddan sannadlaha ah oo teedii sannadkani ay qabsoontay sabtidii toddobaadkii hore ayaa si isa soo taraysa dunida uga soo shaac baxaysa, waxa aana sii kordhaya dalxiiseyaasha sannad kasta marka waqtiga munaasabaddan la gaadho u safraya dalka Hindiya si ay u soo daawadaan munaasabaddan.

Gabadh ka mid ah dadkii sannadkan ka qayb qaatay munaasabaddan oo lagu magacaabo Faarshaa ayaa mar wax laga weydiiyey in arrintani ay noqon karto ciqaab loo geysanayo ragga waxa ay ku jawaabtay, in aanay u arkayn in ay ciqaab tahay, balse ay aaminsan yihiin in ay tahay hab dumarka lo’ raacatada ahi jacaylkooda ugu cabbirayaan ilaaha ay caabudaan hinduusku.

Waa munaasabad sannad kasta ay dadka aragtidan aaminsani isugu soo baxaan in ay qaabkan u cabbiraan jacaylkooda, oo ay aaminsan yihiin in ragga oo ay dumarku garaacaan uu macnaheedu yahay jacayl ay u qabaan ragga iyo ilaahay ay caabudaan labadaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here