Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka (Q: 4aad)

0
841

7. Wakiilka madaxweynaha ee arrimaha haweenka: In kasta oo aanu ahayn xil rasmi ah oo sharciga dalka Maraykanku siinayo, haddana waxaa caan ah in marwada koowaad ee dalkaasi ay qabato arrimaha la xidhiidha haweenka iyo qoyska, iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumadda odaygeedu ugu talogashay. Sidaas oo ay tahay, laakiin markan xaalku waa uu ka duwan yahay oo marwada koowaad ee Maraykanka Melanie Trump waxaa hawshaas ka hororsatay inanta curad ee madaxweynuhu ee Ivanka Trump.

Ivanka waa ergeyga madaxtooyada Maraykanka u metala arrimaha la xidhiidha haweenka. Iyada ayaa markii uu aabaheed xilka la wareegayba waxa ay talefanka kala xidhiidhay guddoomiyaha kutladda xildhibaannada xisbiga dimuqraaddigu ku leeyahay golaha wakiilladda ee Maraykanka Nancy Pelosi, si ay ugala sheekaysato guud ahaan arrimaha haweenka iyo qaabka ay isaga kaashan karaan wax u qabashadooda.

25kii Abriil 2017 Ivanka Trump iyada oo ka wakiil ah Guriga Cad ee Maraykanka waxa ay safar ku tagtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka si ay uga qaybgasho shirmadaxeedka Baarlin ee dumarka adduunka. Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen tiro dumar masuuliyiin ka ah dalalkooda oo ay ka mid tahay haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel iyo guddoomiyaha Sanduuqa lacagta adduunka Christine Lagarde.

Booqashadaas ay Ivanka ku tagtay Jarmalka iyo ka qaybgalka shirkaas waxa ay kala kulantay dhalleecayn badan oo ay ku mutaysatay hadalladii aan quruxda badnayn ee uu aabaheed hore uga yidhi dumarka, gaar ahaan xilliyadii uu ol’olaha ku jiray, taas oo ku kalliftay Ivanka in ay waqti badan ku qaadato difaacidda aabaheed. In kasta oo hadalladeedaa difaaca aabaheed iyo xitaa hadallada ay jeedisay ee ay kaga hadlaysay wax-u-qabadka dumarka aanay dad badani dheg u dhigin iyaga oo ku doodaya in ay yihiin hadallo iyo afkaar aanu aabaheed la qabin.

8. Kulamada madaxda caalamiga ah: Dad badan ayaa ku dooda in Ivanka Trump ay xitaa ka sii gudubtay talomaroorsigii ay ku samaysay marwada koowaad ee Maraykanka oo ay xitaa xukunka aabaheed loo igmaday si toos ah uga dhex muuqato, taas oo aan hore inta badan looga baran marwooyinka koowaad ee Maraykanka. dooddani waxa ay xoogaysatay markii la arkay Ivanka Trump oo ku dadaalaysay in ay ka dhex muuqato dhammaan kulamada caalamiga ah ee aabaheed ku yeelanayo Guriga Cad ee Maraykanka iyo inta badan kulamadiisa ka baxsan Guriga Cad.

Ivanka Trump waxa ay qaabishay masuuliyiin iyo madaxweyneyaal dawladeed, oo weliba booqashada ay Maraykanka ku joogaan ay rasmi tahay, iyada oo sida caadi ahaan loo bartayna ay tahay in madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha ee booqashada ku yimaadda Maraykanka ay la kulmaan uun masuuliyiinta rasmiga ah ee dawladda Maraykanka, ama dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka saamaynta la og yahay ku leh. Waxa taas ka sii xiise badan in si rasmi ah loo faafiyo kulamadaas Ivanka iyo madaxdaas booqashada ku jooga Maraykanka. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan ayaa ay Ivanka haddana weli ku adkaysataa in ay tahay oo keliya inantii madaxweynaha, oo aan shaqo rasmi ah ka haynin dalka.

Madaxda ay Ivanka Trump la kulantay ee doodda badan kulankoodu dhaliyey waxaa ka mid ah, raysalwasaaraha dalka Jabbaan Shinzo Abe. Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyey ee Ivanka la arko iyada oo hoggaamiye dawladeed la kulmaysa. Arrintaas oo aan Maraykanka oo keliya dood ka dhalin balse dadka Jabbaan qudhoodu tilmaameen in ay arrin aan caadi ahayn tahay in la arko qofka qoyska madaxweynaha Maraykanka ka mid ah oo madaxweynaha kala qaybgalaya kulamada uu la yeelanayo madaxda dunida.

Ivanka Trump waxa kale oo ay la kulantay raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ay kala qaybgashay kulan rasmi ah oo uu la yeelanayey madaxweynaha Maraykanka.

Waxaa xusid mudan in kulankaas warbaahinta Maraykanku si aad ah u faallaysay, warbixinno aanay dacaayadi ka madhnayna laga sameeyey qaabkii raysalwasaaraha 45 jirka ahi uu u eegayey inanta madaxweyne Trump ee uu Tobanka gu’ ka weyn yahay. Waxaa iyadana si aad ah loo faalleeyey goobta ay Ivanka ka fadhiisatay kulankaas oo aad ugu dhoweyd dhinaca raysalwasaare Trudeau iyo dhowr jeer oo ay kamaraduhu qabteen iyada oo si dareenka soo jiidanaysa u eegaysa, illaa heer dad badani ku tilmaameen, ‘Deymo kalgacal’ arrintaasina waxa ay sii hadalhayn badatay markii Ivanka ay Trudeau u raacday badhig masraxiyadeed oo hoggaamiyaha Kanada uu kaga qayb galay Kanada.