Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka (Q: 1aad)

0
622

Hargeysa (Geeska)- Waxa ay si muuqata oo awood leh uga qayb qaadataa talada iyo go’aanqaadashada siyaasadaha Guriga Cad ee Maraykanka, waxa ay meteshaa arrimaha haweenka ee dalka Maraykanka. Waa Ivanka Trump oo uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo buug ay bishii ina dhaaftay ee Meey labadeedii soo saartay lacagta ka soo baxday iibkiisa kala badh ugu deeqday hawlaha samofalka. Buuggan oo gorfaynaya habka ay u guulaysan karaan dumarka shaqeeya ee Maraykan; waxa uu calaamad cad u noqotay kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka kaga jirto siyaasadda aabaheed ku maamulo Maraykanka.

In kasta oo Ivanka Trump mar la weydiiyey bal in iyadu sida hore loogu arkay madaxweynayaal soo maray Maraykanka ay noqon doonto inanta madaxweynaha oo ku jirta kaalinta Marwada Koowaad ayaa waxa ay si kooban u tidhi, “Maya, sida inan iyo aabaheed ayuun baanu ahaan doonnaa” In kasta oo ay sidaa cad warfidiyeenkii su’aashan weydiiyey ugu deedifaysay sheegashada ah in ay kalian muuqata ka ciyaari doonto talada aabaheed ee dalka Maraykanka, oo weliba ay sheegtay in aanu wax hunguri ahi ka haynin guriga cad iyo xukuumadda aabaheed midna, sida keliya ee ay u dhaqmi doontaana yahay inan iyo aabaheed oo kale, haddana markiiba warkaas su’aalo muhiim ah ayaa ka soo noqday.

Waa run in Ivanka aanay xil rasmi ah ka haynin xukuumadda madaxweyne Turmp, laakiin run ma’aha in aanay saamayn ku lahayn talada aabaheed, dadka aad ugu dhuun daloola Guriga Cadna waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay la’taliyaha koowaad ee Donald Trump aanu la’aanteed go’aamada muhiimka ah qaadan.

Warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo uu Geeska Afrika akhriyey ayaa ka warrantay ra’yi-ururin lagu sameeyey shacbiyadda iyo magaca ay madaxda sare ee xukuumadda madaxweyne Trump ku dhex leeyihiin Aqalka Cad.

Sahamin ay samaysay shirkadda cilmibaadhista ee Politico/Morning ayaa muujisay in Ivanka Trump ay tahay ruuxa ugu shacbiyadda badan shaqaalaha Guriga Cad ee Maraykanka, halka odaygeeda asalkiisu Yuhuudiga yahay ee Jared Kushner uu isaguna ka noqday qofka afaraad ee Siddeeda qof ee ugu shacbiyadda badan masuuliyiinta ka tirsan Guriga Cad ee Maraykanka. Ivanka wax shaqo ah kama hayso guriga cad, waa se la’taliye aan mushahar ka qaadan dawladda oo kelmad muhiim ah ku leh maamulka aabaheed.

Arrinta xiisaha leh ee rayiururintan ka muuqatay ayaa ah in Ivanka ay ka shacbiyad badato xitaa masuuliyiinta kale ee la ya qaanno ee guriga Cad ee Maraykanka, halka boqolkiiba 46 dadkii wax la weydiiyey ka mid ahi ay si weyn u taageereen Ivanka Trump, halka Kellyanne Conway oo ah shakhsiga ku magacaaban lataliyaha rasmiga ah ee madaxweyne Trump ay ka heshay shacbiyad dhan boqolkiiba 30 keliya, Sean Spicer oo ah isu-duwana warbaahinta ee madaxweyne Trump iyo xoghayaha warbaahinta ee Guriga Cad isagu uu ka noqday qofka saddexaad oo helay boqolkiiba 28 keliya. La soco…