Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka: Ivanka Inantii Aayadeed Beddeshay

0
722

Kamaal A. Cali

Waxa ay si muuqata oo awood leh uga qayb qaadataa talada iyo go’aanqaadashada siyaasadaha Guriga Cad ee Maraykanka, waxaana loo daba fadhiistaa arrimaha haweenka iyo mashaariicda bulshada la xidhiidha ee ay qorshaynayso xukuumadda aabaheed. Waa Ivanka Trump oo uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

In ruux ka mid ah qoyska madaxweynaha, boqorka ama hoggaamiyaha dalka lagu arko isaga oo faraha kula jira talada dalku waa arrin aad uga dhacda inta badan dunida saddexaad. Laakiin dalalka dhismay waa ay ku yartahay, ama waxa aynu ku tilmaami karnaa mar la arag, dhifdhif uun soo marta. Xubnaha aad looga warramo ee talada hoggaamiyaha saamaynta ku yeeshaa waxa ay u badan yihiin dumarka, gaar ahaan marwada koowaad oo dabcan iyadu ah qofka ugu dhow hoggaamiyaha, waqtiyada ugu fiican iyo firaaqada ugu badanna u hesha in ay u sheegto ama ka dhammayso arrin ay doonayso. Waxa se xiise leh in marwada koowaad lafteedana marar badan kaalintaas laga riixdo oo mid ka mid ah hablaha uu dhalay hoggaamiyuhu ay noqoto ruuxa saamaynta ugu badan ku leh talada aabaheed, tusaalayaasha dumarkaas ayaanay Ivanka Trump ka mid tahay.

Buug ay bishii ina dhaaftay ee Meey labadeedii soo saartay kala badh lacagta ka soo baxday iibkiisa ayaa ay ugu deeqday hawlaha samofalka. Buuggan oo gorfaynaya habka ay u guulaysan karaan dumarka shaqeeya ee Maraykan; ayaa la rumaysan yahay in qoristiisa iyo ku deeqista lacagtiisuba ay tahay calaamad cad oo muujinaysa kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka Trump doonayso in ay kaga jirto siyaasadda aabaheed ku maamulo Maraykanka iyo u diyaargarow ay ugu jirto in ay shacbiyad cusub samaysato.

Ivanka Trump mar la weydiiyey in sida hore looga arkay qaar ka mid ah madaxweynayaashii soo maray Maraykanka ay noqon doonto inanta madaxweynaha oo ku jirta kaalinta Marwada Koowaad?

Waxa ay si kooban u tidhi, “Maya, sida inan iyo aabaheed ayuun baanu ahaan doonnaa” Laakiin, in kasta oo ay sidaas cad warfidiyeenkii su’aashan weydiiyey ugu deedifaysay sheegashada ah in ay kaalin muuqata ka ciyaari doonto talada aabaheed ee dalka Maraykanka, oo weliba ay sheegtay in aanu wax hunguri ahi ka haynin guriga cad iyo xukuumadda aabaheed midna, haddana markiiba jawaabteedaas su’aalo muhiim ah ayaa ka soo noqday.

Waa run in Ivanka aanay xil rasmi ah ka haynin xukuumadda madaxweyne Turmp, laakiin run ma’aha in aanay saamayn ku lahayn talada aabaheed, dadka aad ugu dhuun daloola Guriga Cadna waxa ay ku tilmaamaan in ay tahay lataliyaha koowaad ee Donald Trump aanu la’aanteed go’aamada muhiimka ah qaadan.

Warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo ka warrantay ra’yi-ururin lagu sameeyey shacbiyadda iyo magaca ay madaxda sare ee xukuumadda madaxweyne Trump ku dhex leeyihiin Aqalka Cad, ayaa muujisay xaqiiqada awoodaha daahsoon ee ay Ivanka ku dhex leedahay xukuumadda Maraykanka.

Sahamin ay samaysay shirkadda cilmibaadhista ee Politico/Morning ayaa muujisay in Ivanka Trump ay tahay ruuxa ugu shacbiyadda badan shaqaalaha Guriga Cad ee Maraykanka, halka odaygeeda asalkiisu Yuhuudiga yahay ee Jared Kushner uu isaguna ka noqday qofka afaraad ee Siddeeda qof ee ugu shacbiyadda badan masuuliyiinta Guriga Cad ee Maraykanka. Ivanka wax shaqo ah kama hayso guriga cad, waa se lataliye aan mushahar ka qaadan dawladda oo kelmad muhiim ah ku leh maamulka aabaheed.

Arrinta xiisaha leh ee rayiururintan ka muuqatay ayaa ah in Ivanka ay ka shacbiyad badato xitaa masuuliyiinta kale ee magaca leh. Halka boqolkiiba 46 dadkii wax la weydiiyey ka mid ahi ay si weyn u taageereen Ivanka Trump, ayaa Kellyanne Conway oo ah shakhsiga ku magacaaban lataliyaha rasmiga ah ee madaxweyne Trump ay ka heshay shacbiyad dhan boqolkiiba 30 keliya, Sean Spicer oo ah xoghayaha warbaahinta ee Guriga Cad uu isagu ka noqday qofka saddexaad, waxa aanu helay boqolkiiba 28 keliya.

Awoodaha la dareensan yahay in ay Ivanka Trump taabka ku dhigtay waxaa ka mid ah:

  1. Shaqadii Marwada Koowaad

Ivanka Trump markii aabaheed xilka la wareegay waxa ay fasax dheer oo bilaa mushahar ah ka qaadatay shirkadaha aabaheed ee ay maamuli jirtay, waxa aanay u soo guurtay Guriga Cad ee Maraykanka, oo ay aabaheed u noqotay lataliye awooddiisu furan tahay oo haddana aan si rasmi ah dawladda ugu shaqayn. Halkaas kuma ay joogsan ee Ivanka waxa ay awoodahaas ku sii darsatay awooddii iyo shaqooyinkii caadi ahaan lagu yaqaannay marwooyinka koowaad ee Maraykanka. Waxa aanay u guurtay xafiiskii Guriga Cad looga qoondeeyey marwada Koowaad oo weliba ay dalbatay in wax ka beddel iyo qurxin loogu sameeyey qaabka uu u dhisan yahay iyo qalabka yaalla labadaba.

In kasta oo Ivanka bilowgii xilka aabaheed ay  beenisay in ay xilka Marwada Koowaad isku waddo, mar ay warbaahintu wax ka weydiisay. Haddana markii dambe xitaa in ay xafiiskaas Marwada Koowaad qabsato oo keliya kuma ay koobnaan ee waxa ay sida oo kale xafiiska ka beddeshay magaciisii hore ee ahaa xafiiska ‘Marwada Koowaad’ waxa aanay ka dhigtay, ‘Xafiiska qoyska koowaad’.

Ivanka waxa ay fursado badan ka heshay maqnaanshiyihii ay bilowgii hore marwada Koowaad ee Maraykanka, Melanie Trump ka maqnayd Guriga Cad iyada oo muddo ku sii negayd gurigooda magaalada New York si ay u sugto imtixaanaadka dugsiga wiilkeeda Baron Trump oo ku xidhnaa in beddelka dugsiga ee Washington la siiyo. Laakiin xitaa markii dambe ee ay Melanie u soo guurtay Guriga Cad, xaalku isma uu beddelin, illaa imikana saamayn siyaasi ah kuma ay yeelan odaygeeda, soo muuqashada ay ka soo muuqato kamaradaha warbaahintuna waxa ay u eegtahay uun mid looga jeedo in muuqaal ahaan dadka loo tuso in qoysku dhisan yahay, marwada koowaadna ay ku jirto kaalintii dhiggeeda lagu yaqaannay dhiggeedii Guriga Cad horteed soo maray.

2. Xilka Ivanka

Ivanka waxa ay ka mid tahay gacanyareyaasha rasmiga ah ee aabaheeda madaxweynaha ah Donald Trump. Kelideedna ma’aha ee waxa ay isagana gacanyareyaasha aabaheed ku soo dartay saygeeda Jared Koshner oo isagu ah lataliye rasmi ah oo uu magacaabay madaxweyne Trump.

Dalka Maraykanka waxaa ka jira xeer lagu dhaqmayey tan iyo sannadkii 1967-kii oo masuul kasta oo xil qaran haya ka mamnuucayey in qof qaraabadiisa ama xididkiisa ka mid ah uu u magacaabo xil dawladeed. Sidaa awgeed markii uu Donald Trump si rasmi ah lataliye ugu magacaabay wiilka uu sodogga u yahay, waxaa cirka isku shareeray dood iyo dhalleecayn adag oo xisbiga Dimuqraaddiga iyo dadka kale ee mucaaradka ahaaba arrintan ugu jeedinayaan Trump, xitaa xubno xisbigiisa ka mid ah ayaa ka xumaaday. Si kastaba ha ahaato ee arrintaas maamulka Trump waa uu deedafeeyey, wasaaradda garsoorka ee Maraykanka ayaana soo saartay warmurtiyeed ay ku sharraxayso in xeerkaas aan loogu talogelin in lagu dabbaqo hawlwadeennada gudaha Guriga Cad balse uu ka hadlayo xukuumadda iyo maamulka guud ee dalka.

3. Kaalinta ay ku lahayd dhismihii maamulka Trump

Waxaa jira ku dhowaad 4 kun oo shaqooyinka xukuumadda ka mid ah oo Afartii sanaba mar dadkooda la beddelo, madaxweyne cusub oo la soo doortay ama madaxweyne hore oo dib loo doortay, mid kasta oo uu yahay madaxweynaha cusub ee Maraykan marka uu muddo xileedka bilaabo waxaa laga filayaa in uu dib u magacaabo dadkii qaban lahaa Afartaas kun ee jago.

Maadaama oo shaqooyinka madaxweynaha sugayaa ay aad u badan yihiin, sidaa awgeedna aanu waqti buuxa u wada heli karin soo xulashada masuuliyiintaas cusub, waxa uu madaxweynuhu sameeyaa koox lataliyeyaal ah oo ka caawiya soo xulashada masuuliyiintaas. Kooxdii Donald Trump ka caawinaysay arrintan oo lagu magacaabi jiray, “Kooxda ku meelgaadhka ah” waxa ay ka koobnaayeen 100 lataliyeyaal ah oo ku xeeldheeraa arrimaha siyaasadda iyo guud ahaan maamulka dawladnimada, kuwaas oo ay ku jireen ruug-caddaayo hore siyaasadda ugu soo jiray ayaa loo diray in ay madaxweynaha u soo bandhigaan magacyada dadka ay ku talinayaan in xilalka bannaan ee dawladda Federaalka lagu buuxiyo.

Haddaba markii ay socotay hawshaas lagu soo magacaabayo masuuliyiinta sare ee maamulka Trump waxaa dad badan u qaadan waa ku noqotay in gabadha uu Trump dhalay ee Ivanka ay ka mid tahay kooxda lataliyeyaasha ah, oo weliba laga dhex dareemayey in ay kaalin aad u muhiim ah ku dhex lahayd. Waxa aanay dad badani tan ka qaateen fahamka ah in Ivanka ay noqon doonto shakhsi awood ku leh Guriga Cad ee Maraykanka, dareenkaas oo markii dambe rumoobay.

4. Waxa ay taageere muhiim ah u ahayd weerarkii Maraykanku ku qaaday Suuriya

Wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa faafiyey in weerarkii Maraykanku uu ku qaaday garoonka Milateri ee Suuriya ku yaallay, kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Suuriya dad maato ah ku xasuuqeen magaalada Khaan Shaykhuun ee dalkaas, ay inanta uu dhalay madaxweyne Trump ee Ivanka ahayd shakhsigii ku adkaystay in gantaallo lagu duqeeyo saldhigga Shucayraat ee ay ka soo kaceen diyaaradaha Suuriya ee dadka xasuuqay.

Ivanka oo shaqo ahaan aanay hawlaheeda ku jirin in ay arrimaha milateriga ee dalkaas ka arrimiso ayaa haddana ka qaybgashay shir lagaga tashanayey tallaabada ku habboon ee weerarkaas lagaga jawaabi karo, waxa aana laga dareemayey in ay si aad ah uga calool xumaatay sawirrada warbaahintu ka soo qaadday dadkii magaaladaas ee sunta kiimikada ah lagu rusheeyey.

Ivanka maba ay qarsan in ay hawshan ku luglahayd oo mar ay ka hadashay waxa ay qiratay in ay run tahay in aabaheed ay u sheegtay rayigeeda khuseeya duqayntaas. Laakiin waxa ay diidday in ay qirato in iyadu ay dalbatay weerarkaas jawaabta ahaa. Waxa aanay ku celcelisay in aabaheed Trump uu ahaa qofka go’aankaas qaatay, iyada hadalkeeduna ahaa uun rayi caadi ah oo ay u sheegtay.

Markii warkani si aad ah dibadda ugu soo baxay ayaa Guriga Cad ee Maraykanka oo sida muuqata diidaya in rayulcaamku qaato in Ivanka ay awood ku leedahay talada dalka, waxa uu soo saaray war uu ku diidayo in ay iyadu dalbatay weerarkaas, waxa se uu qiray in Ivanka ay rayigeeda arrintaas ku waajahan sheegtay, si la mid ah masuuliyiinta kale ee Guriga Cad.

Arrinta kale ee iyaduna saamaynta Ivanka muujinaysa ayaa ah muhiimadda weyn ee laga dareemay in ay siinayso qaxoontiga reer Suuriya. Waxa aanay marar kala duwan u sheegtay in arrintaasi ay tahay arrin muhiim ah oo in la baadho mudan. “Dunidu waxaa soo foodsaartay masiibo bani’aadamnimo oo caalamiya, sidaa awgeed waa in aynu xal u raadinteeda ka shaqaynaa” ayaa ay caddaysa Ivanka, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in fikirkeedaasi uu gebi ahaanab ka soo horjeedo fikirka uu aabaheeda madaxweynaha ahi sheegi jiray xilligii uu ol’olaha ku jiray.

Mar la sii weydiiyey in ay suurtogal tahay in Maraykanku uu qaado qaxoontiga Suuriyana waxa ay bixisay jawaab aan diidmo iyo ogolaanshiyo midna ahayn, balse waxa ay tilmaamtay in ay tahay arrin u baahan in dood ballaadhan laga yeesho. Taas oo mar kale khilaafsan aragtida aabaheed ee aan marnaba waxa xaajoodka ka ogolayn qaxoonti Maraykanka la keeno guud ahaan iyo kuwa Suuriya si gaar ah.

5. Shaqo iyo shaqaale u gaar ah

Kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka ku leedahay talada aabaheed loo igmaday waxaa marag u ah muhiimada ay ku dhex leedahay lataliyeyaasha madaxweyne Trump iyo weliba ogolaanshiyaha uu Guriga Cad ogolaaday in Ivanka ay yeelato hawlwadeenno iyada u gaar ah oo gacanyareyaal u noqda, waxa ay sida oo kale leedahay lataliye gaar ah oo ka mid ah shaqaalaha Guriga Cad. Dina Xabiib oo isir ahaan Masar ka soo jeedda, horena gacanyare ugu ahaan jirtay madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush ayaa ah lataliyaha koowaad ee Ivanka Trump.

Sida oo kale Ivanka waxa ay magacowday agaasime madax u noqda hawlwadeennada iyada u shaqeeya ee Guriga Cad.

6. Ivanka waxa ay ka shaqaynaysaa in la dejiyo xeerar u gaar ah daryeelka ubadka

Awoodaha yaabka leh ee Ivanka ku leedahay talada Guriga Cad wax yaabaha tirada badan ee muujinaya waxaa ka mid ah sida iyada oo aan xildhibaan ka ahayn golaha Kongareeska Maraykanka, ay haddana uga shaqaysay in ay samayso xeer cusub oo ku aaddaan dib u habaynta cashuuraha, gaar ahaan wax laga jaro cashuurta laga rabo waxyaabaha lagu daryeelo ubadka, arrintaas oo dad badani ay saadaalinayaan in ay ku adkaan doonto Ivanka in ay taageero uga hesho golaha Kongareeska, maadaama oo ay doonayso in muddo 10 sano ah lacag dhan 500 oo Bilyan oo doolar la geliyo ubadka, haddana waxaa ka muuqata in ay doonayso in ay marto jid kasta oo u suurtogelinaya ansixinta sharcigan.

Ivanka waxa ay Guriga Cad shir kula qaadatay xildhibaannada ugu badan Kongareeska iyo golaha odayaasha ee Maraykanka, si ay dood io aragti is-dhaafsi ugala yeelato arrintan. Waxaa dad badan ka yaabiyey awoodda Ivanka ee keentay in shirkaasi aanu ka dhicin sida caadiga ah golaha Kongareeska ee uu ka dhacay Guriga Cad oo ay iyadu ugu yeedhay xildhibaannada. Waana marag cad oo muujinaya sida awoodda badan ee ay Ivanka u saamaysay siyaasadda Maraykanka.

Ivanka ayaa xilligii uu aabaheed ol’olaha doorashada ku jiray waxa ay ballanqaaday in aabaheed uu daryeelka ubadka ka dhigi doono bilaa lacag, waana taas ay hadda ka hawlgashay hirgelinteeda, waxa se xiise leh in markaas ay dad badani la yaabbanaayeen sida ay ugu dhiirratay in ay ballanqaad sidaa u culus samayso iyada oo aanu aabaheedii murashaxa ahaa mar keliya ka hadlinba wax khuseeya daryeelka ubadka, laakiin waxaa hadda muuqata in ay tahay gabadh hubta inay ereygeeda socodsiin karto, xitaa haddii aanu aabaheed aad ula dhacsanayn ficilka ka dhalanaya ereygaas.

7. Wakiilka madaxweynaha ee arrimaha haweenka

In kasta oo aanu ahayn xil rasmi ah oo sharciga dalka Maraykanku siinayo, haddana waxaa caan ah in marwada koowaad ee dalkaasi ay qabato arrimaha la xidhiidha haweenka iyo qoyska, iyo in ay saamayn ku yeelato fulinta mashaariicda horumarineed ee xukuumadda odaygeedu ugu talogashay haweenka iyo guud ahaan qoyska. Sidaas oo ay tahay, markan xaalku waa uu ka duwan yahay oo marwada koowaad ee Maraykanka Melanie Trump waxaa hawshaas ka hororsatay inanta curad ee madaxweynaha, Ivanka Trump.

Ivanka waa ergeyga madaxtooyada Maraykanka u metala arrimaha la xidhiidha haweenka. Iyada ayaa markii uu aabaheed xilka la wareegayba waxa ay talefanka kala xidhiidhay guddoomiyaha kutladda xildhibaannada xisbiga dimuqraaddigu ku leeyahay golaha wakiilladda ee Maraykanka Nancy Pelosi, si ay ugala sheekaysato guud ahaan arrimaha haweenka iyo qaabka ay isaga kaashan karaan wax u qabashadooda, xusuusnowna in Pelosi xisbigeedu uu yahay ka mucaaradka ku ah madaxweyne Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga.

25kii Abriil 2017 Ivanka Trump iyada oo ka wakiil ah Guriga Cad ee Maraykanka waxa ay safar ku tagtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka si ay uga qaybgasho shir-madaxeedka Baarlin ee dumarka adduunka. Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen tiro dumar masuuliyiin ka ah dalalkooda oo ay ka mid tahay haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel iyo guddoomiyaha Sanduuqa lacagta adduunka Christine Lagarde.

Booqashadaas ay Ivanka ku tagtay Jarmalka iyo ka qaybgalka shirkaas waxa ay kala kulantay dhalleecayn badan oo ay ku mutaysatay hadalladii aan quruxda badnayn ee uu aabaheed hore uga yidhi dumarka, gaar ahaan xilliyadii uu ol’olaha ku jiray, taas oo ku kalliftay Ivanka in ay waqti badan ku qaadato difaacidda aabaheed. In kasta oo hadalladeedaa difaaca aabaheed iyo xitaa hadallada ay jeedisay ee ay kaga hadlaysay wax-u-qabadka dumarka aanay dad badani dheg u dhigin iyaga oo ku doodaya in ay yihiin hadallo iyo afkaar aanu aabaheed la qabin.

8. Kulamada madaxda caalamiga ah

Dad badan ayaa ku dooda in Ivanka Trump ay ka sii gudubtay talo-maroorsigii ay ku samaysay marwada koowaad ee Maraykanka oo ay xitaa xukunka aabaheed loo igmaday si toos ah uga dhex muuqato, taas oo aan hore inta badan looga baran marwooyinka koowaad ee Maraykanka. dooddani waxa ay xoogaysatay markii la arkay Ivanka Trump oo ku dadaalaysay in ay ka dhex muuqato dhammaan kulamada caalamiga ah ee aabaheed ku yeelanayo Guriga Cad ee Maraykanka iyo inta badan kulamadiisa ka baxsan Guriga Cad.

Ivanka Trump waxa ay qaabishay masuuliyiin iyo madaxweyneyaal dawladeed, oo weliba booqashada ay Maraykanka ku joogaan ay rasmi tahay, iyada oo sida caadi ahaan loo bartayna ay tahay in madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha dawladaha ee booqashada ku yimaadda Maraykanka ay la kulmaan uun masuuliyiinta rasmiga ah ee dawladda Maraykanka, ama dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka saamaynta la ogyahay ku leh. Waxa taas ka sii xiise badan in si rasmi ah loo faafiyo kulamadaas Ivanka iyo madaxdaas booqashada ku jooga Maraykanka. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan ayaa ay Ivanka haddana weli ku adkaysataa in ay tahay oo keliya inantii madaxweynaha, oo aan shaqo rasmi ah ka haynin dalka.

Madaxda ay Ivanka Trump la kulantay ee doodda badan kulankoodu dhaliyey waxaa ka mid ah, raysalwasaaraha dalka Jabbaan Shinzo Abe. Waxa uu ahaa kulankii ugu horreeyey ee Ivanka la arko iyada oo hoggaamiye dawladeed la kulmaysa. Arrintaas oo aan Maraykanka oo keliya dood ka dhalin balse dadka Jabbaan qudhoodu tilmaameen in ay arrin aan caadi ahayn tahay in la arko qof qoyska madaxweynaha Maraykanka ka mid ah oo madaxweynaha kala qaybgalaya kulamada uu la yeelanayo madaxda dunida.

Ivanka Trump waxa kale oo ay la kulantay raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ay kala qaybgashay kulan rasmi ah oo uu la yeelanayey madaxweynaha Maraykanka.

Waxaa xusid mudan in kulankaas dambe ay warbaahinta Maraykanku si aad ah u faallaysay, warbixinno aanay dacaayadi ka madhnayna laga sameeyey qaabkii raysalwasaaraha 45 jirka ah ay isu eegayeen inanta madaxweyne Trump ee uu Tobanka gu’ ka weyn yahay. Waxaa iyadana si aad ah loo faalleeyey goobta ay Ivanka ka fadhiisatay kulankaas oo aad ugu dhoweyd dhinaca raysalwasaare Trudeau iyo dhowr jeer oo ay kamaraduhu qabteen iyada oo si dareenka soo jiidanaysa u eegaysa, illaa heer dad badani ku tilmaameen, ‘Deymo kalgacal’ arrintaasina waxa ay sii hadalhayn badatay markii Ivanka ay Trudeau u raacday bandhig masraxiyadeed oo hoggaamiyaha Kanada uu kaga qayb galay Maraykanka intii uu booqashada ku jiray.

***

Awoodaha maalinba maalinta ka dambaysa soo shaacbaxaya ee ay Ivanka ku leedahay talada aabaheed loo igmaday intaas aynu soo sheegnay kuma koobna, balse waxa ay gaadhsiisan illaa heer mararka qaarkood loo qaadan karo in ay tahay shakhsi leh awood ka madaxbannaan aabaheed, oo laga yaabo in aragtidiisa ay ka soo horjeeddo. Waxaa xusid mudan mawqifkii dad badan ka yaabiyey ee ay qaadatay mar ay arrimaha isbeddelka cimilada iyo wasakhowga hawada kala hadlaysay madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka ee xilligii Bill Clinton, Mudane Al Gore oo hadda u dhaqdhaqaaq arrimaha cilmilada iyo deegaanka.

Ivanka Trump waxa ay Al Gore la qaadatay shir ay aad uga wada xaajoodeen arrimaha isbeddelka cimilada. Al Gore kulankaas aad ayaa uu uga helay, waxa aanu warbaahinta u sheegay in uu ahaa kulan uu aad ugu faraxsan yahay oo uu ogaaday in Ivanka Trump ay waxyaabo badan oo dhinaca deegaanka iyo cimilada ah isku waafaqsan yihiin.

Mar uu Al Gore ka hadlayey kulankan waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay oo kulan guulaystay uu ahaa iyo in uu aad uga helay sida ay Ivanka Trump u danaynayso qadiyadda isbeddelka cimilada. Marka ay Ivanka sida uu madaxweyne ku xigeenkan hore sheegay taageerayso wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada waxaa muuqanaysa in ay aaminsan tahay fikir ka duwan ka aabaheed oo ah in dadaallada wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada adduunku ay yihiin kuwo dalkiisa lagu khiyaamaynayo.

Waa ay sii socdaan calaamadaha iyo tusaalayaasha ina tusaya in Ivanka aanay ahayn inantii madaxweynaha oo keliya, balse ay awoodo ku leedahay Guriga Cad, waa aynu markanna xusi karnaa sheekadii talefanka ku dhex martay Ivanka oo Guriga Cad ee Maraykanka ku sugan iyo madaxweynaha dalka Argentina.

Waxaa dhowaan Barkulannada bulshada ee dalka Maraykanka aad uga dhex muuqday doodo iyo buuq badan oo ka dhashay hadal uu madaxweynaha Argentina Mauricio Macri ku sheegay in uu talefanka kala hadlay inanta uu dhalay madaxweynaha Maraykanku, isaga oo xusay in ‘Uu yaqaannay illaa carruurnimadeedii iyo in uu aad uga helo’

Waa ay jirtaa in Guriga Cad ee Maraykanka ay soo mareen hablo ay madaxweyneyaal dhaleen oo saamayn aad u ballaadhan oo taariikhda galay ku yeeshay siyaasadda dalka Maraykanka, waxaa ka mid ahayd Eles Roosevelt iyo Maureen Reagan, laakiin illaa hadda waxaa muuqata in Ivanka ay tahay inantii aabaheed madaxweyne Maraykan yahay ee ugu saamaynta badnayd siyaasadihiisa uu dalka ku hoggaaminayo.