Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka: Daariqa Nuur-Suldaan

0
703

Waa mar kale iyo taxanihii aynu kaga warramaynay awoodaha ay dumar aan marwada koowaad ahayni ku yeesheen xukunka aabahood uu dalkooda u hayey. Tanina waa qormo kale oo aynu kaga warramayno saamaynta ay Daariqa oo uu dhalay madaxweynaha dalka Kazakhstan ay ku yeelatay xukunka dalka iyo sida ay uga faa’idaysatay awoodihii dawladnimo ee aabaheed lagu ogaa.

Kazakhastan                                  

Inta aynaan ka warramin qisada Daariqa oo uu dhalay madaxweynaha dalka Qazakhistan iyo qaabka ay farogelinta iyo saamaynta muuqata ugu yeelatay taladii dalka ee aabaheed dastuurku saaray. Aynu in yar dul istaagno dalka Kazakhstan iyo hoggaamiyihiisa dhalay gabadhan. Rasmi ahaan waxaa lagu magacaabaa Jamhuuriyadda Kazakhstan oo Afsoomaali ahaan u akhrismaysa Qasakhistaan, waa dal ah nooca juqraafi ahaan afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Transcontinental’ oo looga jeedo in dalka dhulkiisu qaarado isaga gudbo ama ku dhaco dhul ka tirsan laba qaarood iyo ka badan.  Waxa uu xuduud la wadaagaa Ruushka oo ay Midowgii Soofiyati ku wada jiri jireen, Shiinaha, Qiriqistaan (Kyrgyzstan), Turkmenistaan iyo Usbekistaan. Waxa aanay ahayd jamhuuriyaddii ugu dambaysay jamhuuriyadihii Midowga Soofiyati ee ku dhawaaqda madaxbannaanideeda iyo in ay ka furatay midowgii Soofiyat sannadkii 1991.

Kazakhstan oo macne ahaan noqonaya ‘Dhulkii Cajaayibka’ waxa ay ku taallaa Badhtamaha woqooyi ee Qaaradda Eeshiya iyo Bariga Qaaradda Yurub. Waa dalka dalalka badhtamaha Eeshiya ugu xooggan dhaqaale ahaan, waxa aanu soo saaraa boqolkiiba 60 wax-soo-saarka dalalka gobalkaas oo la isku daray, kaas oo u badan dhinaca Gaasta, shidaalka iyo macdano kale.

Dalka Kazakhstan oo ah dal dhaqanno kala duwani ku kulmaan caasimaddiisu waa Astaana waxaana dadkiisa lagu qiyaasaa 18 Milyan oo badankoodu dhaqan ahaan ka soo jeedaan qabiilooyin taariikhi ah oo reer guuraa ahaa, balse wixii qarnigii 13naad ka dambeeyey isbeddel weyn oo dhinaca magaalowga ahi ku dhacay noloshooda, gaar ahaan intii ka dambaysay markii uu dhulkaas Qabsaday hoggaamiyihii caanka ahaa ee Jankiis Khaan oo uu ku daray Imbaraadooriyaddii Mongooliyaanka.

Kazakhstan dadka deggen isir ahaan waxa ay boqolkiiba 63 ka soo jeedaan qawmiyadda Kasakha ee dalku magacooda sito, isla markaana afkoodu yahay ka rasmiga ah ee qaranka in kasta oo afka Ruushkuna yahay afka labaad ee qaranka oo si siman uga barbar shaqeeya afka Kasakha. Dadka inta soo hadhay isir ahaan waxa ay isugu jiraan Ruush, Tataar, dad asalkoodu Jarmal yahay iyo dad ku isir leh jamhuuriyadaha kale ee Midowga Soofiyati ka tirsanaan jiray. boqolkiiba 70 dadka dalku waa muslimiin, kiristaankuna waa boqolkiiba 26. Dalkana waxaa ka jira nidaam diimaha xor ka dhigaya laakiin haddana il gaar ah ku eega dhaqdhaqaaqa wadaaddada isla markaana cabudhiya kuwa loo arko in ay xukuumadda caaridayaan ama xitaa arrimaha siyaasadda xiise u qabaan.

Madaxweyne Nuur Suldaan

Nuur Suldaan Nasaar-bayeef waa 77 sano jir dalka Kazakhstan hoggaaminayey 28 sano oo ka soo bilowday 1989kii illaa maanta.

Waxa uu ahaa xoghayihii koowaad (Masuulkii ugu sarreeyey gobalka) ee dawladdii Midowga Soofiyati u magacowday hoggaaminta Kazakh, markii uu dalku ka baxay gobalnimadii ee uu noqday jamhuuriyad ka tirsan midowga Soofiyati sannadkii 1990-kii isla isaga ayuun baa hoggaanka loo doortay, sannadkii 1991-kii markii Jamhuuriyadda Kazakhstan si buuxda madaxbannaanida u qaadatayna waxa uu noqday madaxweynihii u horreeyey ee dalkan loo doorto. Waxa uu xilkiisa u bixiyey, ‘Hoggaamiyaha ummadda’ isaga oo mar labaad doorasho lagu sheegay boqolkiiba 98 in ay u codeeyeen isugu caleemo saaray hoggaaminta dalka.

Nuur Suldaan waxa uu ka soo jeedaa qoys reer guuraa ahaa oo ku noolaa miyigi magaalada ugu weyn dalkaas oo la yidhaahdo Almaty, aabihii waxa uu ahaa muruqmaal aad u faqiir ah oo beerta u qodi jiray reer ay isku deegaan ahaayeen, laakiin shaqo la’aan ku dhacay markii beertii ay la wareegtay dawladdu xilligii Hantiwadaagga la dhaqan gelinayey oo ahayd Soddomaadkii qarnigii hore. Markaas ayaa uu aabihii go’aansaday in uu nolosha miyiga ah si rasmi ah ugu noolaado waxa anau qoyskiisa u raray miyiga fog ee buuralayda ah.

Dagaalkii labaad ee adduunka kadib ayaa Nuur Suldaan oo carruur ah magaalada la soo geliyey waxa aanu bilaabay waxbarasho uu ka bilaabay barashada Afka Ruushka. Maadaama oo uu aad ugu fiicnaa waxbarashada waxa uu helay deeqihii waxbarasho ee dawladda. 20 jirkiisii waxa uu bilaabay shaqo aad u dhib badan oo ahayd warshad birta dib u dhalaalisa, isaga oo si gaar ah uga shaqaynayey qaybta ugu khatarta badan nolosha qofka oo ah qarax birtan lagu dhalaaliyo, shaqadaas oo uu gunno aan xumayn ayaa uu ka qaadan jiray.

Nuur Suldaan sannadkii 1962 waxa uu ku biiray xisbigii ka talinayey midowaga Soofiyati ee Shuuciga ahaa, isaga oo noqday xubin magac ku dhex leh garabka dhalinyarada, waqtigiisa oo dhanna xisbiga shaqadiisa geliya, in kasta oo uu dhinaca kalana ka waday waxbarashadii maxadka farsamada gacanta ee Karagandy. Firfircoonidiisa iyo waqtiga uu u huray xisbiga ayaa uu ku kasbaday in muddo gaaban gudaheed loo magacaabo xoghayaha guud ee guddida xisbiga hantiwadaagga ee degaanka Karaganda, taas oo noqotay jaranjarradii uu ka bilaabay maamulka xisbiga oo uu meel fiican dhaqso uga gaadhay.

Sannadkii 1984 kii ayaa uu Nuur Suldaan noqday guddoomiyaha golaha wasiirrada heer gobal ee Kazakhstan oo markaas ahayd gobal ka tirsan jamhuuriyadda Ruushka, xilkaas oo u dhigmayey raysalwasaare, sannadkii 1989 kiina waxaa loo magacaabay madaxa xisbiga hantiwadaagga ee Kazakhstan.

Bishii Abriil 1990-kii ayaa golaha sare ee Midowga Soofiyati uu Nuur Suldaan u magacaabay madaxweynaha Kazakhstan. Sannadkii 1991-kii markii iskuday afgembi ka dhacay Raashiya waxa uu taageeray madaxweynihii la rabay in la rido oo ahaa Boris Yeltsin, isku daygaas afgembigi wixii ka dambeeyey midowgii jamhuuriyadihii Ruushku mar kale ayaa uu sii burburay, Nuur Suldaan waxa uu sii haystay xilkiisii madaxnimada Kazakhstan waxa aanu si aad ah u ilaaliyey jiritaanka iyo sii adkaanta xidhiidhkii uu la’ lahaa Raashiya isaga oo qaddarinayey xidhiidhkia dhaqaale ee u dhexeeyey Raashiya iyo Kasakhistaan.

Doorashadii ugu horreysay ee ka dhacday Kazakhstan burburkii midowga Soofiyati kadib waxa uu noqday murashaxa keliya ee tartamay waxa aanu ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 91 codadkii. Labaatan maalmood kadibna waxa uu saxeexay heshiis dhigayey in Kazakhstan ay noqoto dal madaxbannaan. Sannadkii 1995 kii ayaa afti dhacday waxaa xilkii madaxweyne illaa 2000 loo kordhiyey Nuur Suldaan, markii la gaadhay 1999 kii ayaa uu qabtay doorasho, mar kale ayaanu ku guulaystay madaxnimo illaa 2005 tii ah. Haddana doorasho dhacday sannadkii 2005 ayaa uu ku sii haystay xilka madaxweynenimo ee dalkiisa.

Sannadkii 2007 baarlamanka dalka Kazakhstan ayaa meel mariyey wax-ka-beddel dastuur oo dhigayey in madaxweynaha xilka hayey (Nuur Suldaan) uu xilka sii hayo muddo aan xaddidnayn oo Shantii sanaba mar loo cusboonaysiiyo. Laakiin haddana waxa uu isla qodobkaasi dhigayaa in cidda ka faa’idaysanaysaa ay tahay madaxweyne Nuur Suldaan oo keliya, taas oo macnaheedu yahay in madaxweyne kasta oo isaga ka dambeeyaa uu ku dhaqmayo qodobkii hore ee dastuurka ee dhigayey in madaxweynuhu xilka hayn karo laba xilli oo midkiiba 5 sano yahay oo keliya.

Nuur Suldaan muddadaas uu dalka Kaasakhistaan hoggaaminayey waxa uu sameeyey horumar badan oo dhinacyada dhaqaalaha ah, tusaale ahaan waxa uu casriyeyn iyo horumar ballaadhan ku sameeyey beeraha, waxa aanu kor u qaaday dhoofinta wax-soo-saarka beeraha iyo wax soo-saarka xoolaha sida caanaha, suufka xoolaha, subagga, saanta iyo hilibka. Muddadii uu dalkiisu madaxbannaanida buuxda qaatay Nuur Suldaan waxa uu horumariyey ugaadha iyo dalxiiska. Waxa aanu dhaqaale aad u badan ka sameeyey khayraadka dabiiciga ah oo shidaalka, gaasta iyo macdanaha kaleba ka mid yihiin. Waxa aanu kala soo dabbaashay duruufo aad u adkaa oo dalalkii ay isku midka ahaayeen qaar badan oo ka mid ah ragaadiyey, waxa uu aad u horumariyey waxbarashada iyo adeegyada bulshada, waxa uu sameeyey jidad casri ah iyo dhabbayaasha tareennada oo casri oo isku xidha magaalooyinka muhiimka ah ee dalka.

Xuquuqda aadamaha iyo Musuqmaasuqa

Muddadaas dheer ee uu Nuur Suldaan hoggaaminayey dalka Kaasakhistaan waxaa jiray dhibaato marba marka ka dambaysa sii kordhaysa oo la xidhiidha heerka xuquuqda aadamaha oo hoos u dhacaysa. Waxa ay dawladdu xakamaysay xorriyaddii hadalka, waxa ay mamnuuc ka dhigtay kulamo in ay dadku isugu yimaaddaan, waxa ay xayiraad saartay diinta iyo cibaadooyinka, waxa aanay dawladdu marar kala duwan xadhig iyo ganaax ku ciqaabtay dad arrimo cibaado isugu yimid. Waxa ay xidhay wargeysyadii madaxa bannaanaa, warfidiyeenkana xadhig iyo ganaax joogto ah ayaa lagu ciqaabaa, waxaa dadka loo diiday in ay isu soo baxyo sameeyaan, iyada oo ay xabsiyadana buux dhaafiyey dadka u xidhan arrimaha siyaasadda.

Waxaa lagu tiriyaa in dalka Kaasakhistaan uu ka mid yahay dalalka dunida ugu musuqmaasuqa badan. Waxa aana la aaminsan yahay in musuqa ay ku kacaan masuuliyiinta xukuumadda iyo dadka ka agdhowi uu sabab u noqday in horumarka dhaqaalaha dalku uu ku socon waayo xawaarihii uu ku socon kari lahaa.

Qoyska Nuur Suldaan

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nuur-Suldaan waxa uu dhalay saddex hablood oo lagu kala magacaabo Daariqa oo ah gabadha ugu weyn ee aynu qisadeeda uga cinwaan dhignay qormadan si aynu u soo bandhigno qaabka ay awoodaha dalka saamaynta ugu leedahay. Waxaa ku xigta Diinaara Nuur Suldaan oo ilmaha labaad iyo guridambaysta oo ah Caaliya Nuur Suldaan.

Guud ahaan qoyska madaxweyne Nuur Suldaan waxa ay farogelin weyn ku leeyihiin siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha waxaana aad loogu eedeeyaa in ay khayraadka dalka siyaabo sharciga baal marsan uga faa’idaystaan, kana samaysteen ganacsiyo ay aad uga taajireen.

Caaliya

Gabadha ugu yar oo ah Caaliya Nuur Suldaan waxa ay dhalatay sannadkii 1980-kii, dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ay waxbarashadeeda ku qaadatay, waxa aanay baratay sharciga. Caaliya waxa ay si fiican ugu hadashaa afafka Ingiriisiga, Ruushka iyo Jarmalka. Caliya oo dalkeeda ka ah ganacsato maalqabeen caana ah.

Bishii Toddobaad ee sannadkii 1998kii waxa ay BBC daabacday warbixin ay ku sheegtay in madaxweyne Nuur Suldaan uu inantiisa ugu yar hablaha ee Caaliya u guuriyey wiil uu dhalay hoggaamiyihii dalka ay derjiska yihiin dalkiisa ee Kyrgyztan oo xukunka dalkaas laga tuuray sannadkii 2005-ta oo uu dalka hoggaaminayey 15 sano oo gacan bir ah uu ku hayey.

 

 

Diinaara

Ilmaha kor uga weyn Caaliya ee uu madaxweyne Nuur Suldaan dhalay waa Dinaara oo iyadu dhalatay sannadkii 1967-kii. Iyaduna mar kale waa ganacsade maalqabeen caana ah oo ah qofka afaraad ee ugu qanisan dalka Kazakhstan.

Dinaara waxa ay u dhaxday Taymuur Kulibayeef oo isaguna dhankiisa u ah ganacsade caan ah, ahna maalqabeenka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan dalka Kasakhistaan iyo qofka 894 ee dunida oo dhan ugu jeebka roon. Taymuur waxa uu xilal muhiim ah ka soo qabtay shirkadaha dawladda ee maamulka khayraadka dabiiciga ah ee dalka Kazakhstan. Waxaa lagu tilmaamaa ganacsadaha ugu muhiimsan dalka Kazakhstan.

Daariqa Nuur Suldaan

Daariq waa ilmaha ugu weyn carruurta madaxweyne Nuur Suldaan, waxa ay dhalatay sannadkii 1963-kii, waa gabadha ugu awoodda badan dalka Kaasakhistaan iyada oo sannadkii u dhexeeyey 2015 illaa 2016 uu aabaheed ka dhigay raysalwasaare ku xigeenka dalka.

Waxa ay madax ka noqotay wakaaladda wararka ‘Khabar’ oo lahaanshiyaheeda siyaabo kala duwan loo sheego. Khabar waxa ay maamushaa idaacadda, talefishanka wargeysyada ku hadla afka dawladda, waana wakaaladda wareed ee ugu ballaadhan dalkaas. Marka hore waxaa aasaaskeeda lahayd Daariqa oo isla markaana madax ka ahayd, laakiin mar dambe ayaa ay dawladdu sheegtay in wakaaladdu ay tahay shuraako ay dawladdu leedahay boqolkiiba 51.

Sannadkii 2004 ayaa uu madaxweyne Nuur Suldaan markii ugu horreysay ogolaaday in dalka ay ka jiri karaan xisbiyo kala duwan oo doorashooyinka u tartama, gaar ahaan doorashada baarlamanka maadaama oo ta madaxnimada uu isaga sharciga dalku u xidhay. Waxa se xiise gaar ah yeelatay in doorashadii ugu horreysay ee xisbiyo badani ka qaybgalaan oo ahayd tii baarlamanka ee sannadkaas 2004 ay ka qaybgaleen xisbiyo isla madaxweynuhu leeyahay oo laakiin sheeganaya mucaarad. Waxaa isna ka qaybgalay xisbi muran badan la geliyey xaqiiqada lahaanshiyihiisa oo lagu magacsaabo ASAR, waxaa aasaastay Daariqa Nuur-Suldaan iyada oo sheeganaysa mucaarad. Aasar oo erey afka Kasakha ku jira oo macnihiisu noqonayo ‘Wada-jir’. Xisbiga ASAR oo jaal la’ ahaa xisbiga OTAN ee madaxweyne Nuur-suldaan waxa uu noqday xisbiga labaad ee ugu awoodda badan baarlamanka dalka.

In badan oo ka mid ah xeeldheerayaasha gorfeeya siyaasadaha dalka Kaasakhistaan ayaa aaminsan in madaxweyne Nuur Suldaan uu ka shaqaynayo sidii ay inantiisu kursiga uga dhaxli lahayd marka uu hawlgabo ama geeriyoodo. In kasta oo ay warbixinaha qaar sheegaan in xidhiidhka ay aabaheed la’ leedahay uu muddooyinkii dambe xumaaday, gaar ahaan markii ay bilowday in ay mararka qaarkood maamulka aabaheed u jeediso dhalleecayn.

Nuur Suldaan waxa saygeeda ahaan jiray Rakhat Caliyeef oo isaguna ahaa siyaasi iyo maalqabeen ay muddo dheer isku dhowaayeen madaxweynaha. Laakiin waxa ay kala tageen sannadkii 2007-da, waxa aanu isagu sheegay in furniinka ka kaxeeyey xaaskiisu uu ahaa mid aanu isagu waafaqsanayn oo siyaasadaysnaa, cidda dabada ka riixaysayna ahayd madaxweynaha laftiisa.

Awoodaha siyaasiga ah iyo saamaynta Daariqa

Marka la eego habdhaqanka Daariqa, awoodaha siyaasiga ah ee ay dalka ku leedahay iyo saamaynteeda ballaadhan waxa markaba la rumaysanayaa xogaha la isla dhex maro ee sheegaya in aabaheed Nuur-suldaan uu qorshaynayo sidii uu inantiisa curad xukunka u dhaxalsiin lahaa dabadii.

Bishii Abriil sannadkii 2014 Daariqa waxaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha sharci dejinta ee dalka Kasakhistaan. Golahan oo afka dalkaas lagu yidhaahdo, ‘Mazhjilis oo u akhrismaysa Majilis waa aqalka hoose labada gole ee sharcidejinta dalkaasi ka kooban tahay, waxa aana xildhibaannada aqalkan lagu soo doortaa shan sano.

Sannad iyo badh gudihii ayaa madaxweynaha 75 jirka ah ee hore tumaalka u ahaan jiray waxa uu inantiisa Daariqa u magacaabay raysalwasaare ku xigeenka dalka, sannad kadib oo ahayd bishii Sagaalaad 2016 kiina waxaa haddana loo magacaabay xubin ka tirsan golaha odayaasha oo ah aqalka sare baarlamanka dalka Kasakhistaan, iyada oo si gaar ah madax uga noqotay guddida golaha odayaasha u qaabilsan arrimaha dibadda, difaaca iyo amniga.

Dhagar siyaasiya oo lagu xidhiidhiyey Daariqa

Bishii labaad ee 2006 waxaa meel duleedka magaalada caasimaadda ah laga helay maydka hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ahaa oo lagu magacaabi jiray Altynbek Sarsenbaev iyo laba gacanyareyaashiisa ka mid ahaa oo jidhkooda ay xabbado ku yaallaan. Dilka hoggaamiyahan siyaasadeed ee caanka ahaa waxaa saddex bilood oo keliya ka horreeyey dilka hoggaamiye kale oo mucaarad ahaa oo isagana maydkiisa oo rasaasi ku taallo laga helay guriga uu deggenaa ee magaalada Almaty.

Labada xaaladoodba waxa ay mucaaradku sheegeen in dilku uu ahaa mid siyaasi ah, iyaga oo duraya xukuumada ayaanay dalbadeen in baadhis madaxbannaan lagu sameeyo. Dawladdu waxa ay dilkan ku xidhiidhisay agaasimaha maamulka ee golaha odayaasha Erzhan, iyada oo ku andacoonaysa in ay cadaawad hore ka dhexeysay hoggaamiyaha hore ee xisbiga mucaaradka ahaa oo lagu magacaabi jiray Sarsenbaev, xabsiga ayaanay u taxaabtay agaasimaha iyo saraakiil ka tirsan guddida nabadgeylada qaranka ee dalka oo lagu eedeeyey in ay wax ka ogaayeen. Laakiin warbixinaha warbaahintu waxa ay sheegeen suurtogalnimada in dilkan ay ku lug lahaayeen xubno ka tirsan qoyska madaxweyne Nuur Suldaan. Waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen madaxweynaha curaddiisa Daariqa iyo odaygeeda Rakhat.

Araat Narmanbetov oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsan sirdoonka dalka Kasakhistaan ayaa warfidiyeenka u sheegay in wiilka uu madaxweyne Nuur Suldaan soddoga u yahay ee Rakhat uu bixiyey amarka lagu dilay hoggaamiyaha mucaaradka. Rakhat Caliyeef waxa uu markan ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka, waxa aanu dacwad ku soo oogay sarkaalka sirdoonka ee warkan sheegay oo markan ahaa hawlgab, kaas oo lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

In kasta oo ay dad badani hore iyo haddaba aaminsan yihiin in Daariqa ay tahay qofka ugu awoodda badan dawladda aabaheed hoggaamiyo ee dalka Kaasakhistaan, kuna malo weyn yihiin in uu madaxweyne Nuur Suldaan ka shaqaynayo in uu inantiisa curad xilka dhaxal u siiyo, haddii ay tiisa noqoto, haddana waxaa jira dad badan oo mararka qaarkood xujooyin muuqda haysta oo sheegaya in ficillada foosha xun iyo dhagaraha siyaasiga ah ee Daariqa iyo odaygeedu faraha la galaan ay sahaydeen in badan oo ka mid ah kalgacalkii aabaheed ku qabay.

Dad badan oo siyaasadda dalka u dhuun daloola ayaa iyagu ku doodaya in inkasta oo Daariqa iyo aabaheed kala yara fogaadeen, haddana aanay ku kala tegi doonin siyaasadda oo uu aad ula dhacsan yahay awooddeeda hoggaamineed, sidaa awgeed ay u dhowdahay in ay dib u soo ceshan doonto kalsoonidiisa, aabaheedna mar kale soo noolayn doono damaciisii ahaa in uu inantiisa kursiga dhaxalsiiyo.

Hore ayaa uu madaxweyne Nuur-suldaan u shegay in uu doonayo in uu isagu caleemo saaro ruuxa kursiga uga dambayn doona, taas oo baalmarsan nidaamka dalkaas ee dhigaya in madaxweynuhu noqdo ruux cod dadweyne lagu soo doortay. Si kastaba ha ahaato ee marnaba ma’ uu sheegin ruuxa uu niyadda ku hayo, in kasta oo ficilladiisa iyo hab-dhaqankiisa siyaasiga ah ee arrintan la xidhiidhaa ay si cad u muujinayaan in aanu ka madhnayn damaca ah in uu inantiisa kursiga siiyo.

Caqabadaha Daariqa hor yaalla

Madaxweyne Nuur-suldaan oo markii u dambaysay ee xilka loo doortay, muddada uu joogayaa ay noqotay tan iyo sannadka 2020 ka, ayaa aan la hubin in uu markaas oo ay da’diisu 80 sano buuxsan doonto, in uu mar kale dalban doono in toddoba sano oo dambe la doorto, waxa se aad isu soo taraya in haddii uu u arko in inantiisa Daariqa ay ka iibsamayso dadka reer Kasakhistaan in uu iyada u diyaarin doono madaxweynaha labaad ee dalkaas in ay noqoto, haddii uu arko in mucaaradadu sida hadda la filayo u sii adkaan doontana uu mar kale xilka cusboonaysiisan doono si uu u joogo illaa 87 jirkiisa.

Daariqa oo 52 sano jir ah, ayaa shakhsiyadda aabaheed dhinacyo badan ka sidato, waxa aana suurtogal ah in ay taasi ka mid tahay sababaha madaxweyne Nuur-suldaan uu u xisaynayo in uu inantiisa kursiga dhaxalsiiyo.

24 kii sano ee u dambeeyey Daariqa waxa ay ku guulaysatay in ay jebiso derbigii dhaqanka qabiil ahaa ee dalka ka jiray, waxa aanay u muuqataa in dad badani garowsadeen in aanay gabadhnimadeedu ka hor istaagi karin in ay yeelato tamar iyo karti ay dalka ku hoggaamiso.

Sannadkii 2007 ayaa uu khilaaf siyaasi ah oo dano ganacsina aanay ka madhnayn uu ka dhex qarxay Daariqa iyo odaygeedii Rakhat Caliyeef oo dhan ah iyo aabaheed iyo xubno kale oo qoyska ah oo dhanka kale ah. Rakhat Caliyeef waxaa ganacsiga u dheeraa in uu ahaan jiray sarkaal sirdoon oo aad u awood badan. khilaafkan ayaa keenay in Daariqa uu qoysku qasab kaga dhigo in ay iska casisho xubinnimada baarlamanka iyo in ay iska furto saygeeda oo isagu markan dalka dibaddiisa u baxsaday. Labadaa arrimoodba waa ay fulisay Daariqa oo xildhibaannimadii waa ay ka tagtay sida oo kale waxa ay iska furtay Rakhat oo baxsi ku tegey dalka Usteri. Rakhat aakhirkii waa la soo qabtay waxa aana lagu maxkamadeeyey dacwado la xidhiidha dil khaarajin ah iyo afduub. Aakhirkiina isaga oo dembiyadaas ciqaabtoodii xabsiga ugu jira ayaa uu geeriyooday, kadib markii sida ay xukuumaddu sheegtay uu is dilay.

Mar kale ayaa ay Daariqa dib ugu soo noqotay golaha baarlamanka oo ay noqotay guddoomiye ku xigeenka baarlamanka sannadkii 2012-ka. Daariqa waqtigan dambe ee ay siyaasadda ku soo noqotay aad ayaa ay uga duwanayd qofka ay ahayd markii hore, tusaale ahaan sidii hore wax kasta oo xukuumadda aabaheed hoggaamiyaa fuliso uma ay ammaani jirin, hadallo ay marar kala duwan jeedisayna waxaa si cad looga arkayey in ay ahaayeen kuwo ay dawladda ku naqdiyeyso, gaar ahaan waxyaabaha ay uu maamulka aabaheed ka qabto arrimaha bulshada.

Dadka aaminsan in Daariqa aanay aabaheed kursiga ka dhaxli karin waxa ay xujo u soo qaataan isbeddelkan siyaasiga ah ee ka muuqda aragtideeda siyaasadda dalka, oo caddaynaya in ay aad u sii kala fogaadeen aabaheed iyo arrinta kale ee muhiimka ah oo ah in dhaqanka dalka Kasaakhistaan oo ah mid ku salaysan nidaam soo jireen ahaa oo qabiiliya, uu inta badan mudnaanta siiyo ragga, taasina ay sababayso in ay ku adkaan doonto Daariqa in ay dalka hoggaankiisa qabato.

Daariqa waa tusaaleyaasha ugu caansan ee loo soo qaato kaalinta ay inanta uu hoggaamiyuhu dhalay ka ciyaari karto nolosha siyaasiga ah ee dalkeeda, iyo sida ay marar badan u dhacdo in inanta hoggaamiyuhu dhalay ay yeelato awood siyaasi ah oo ay si toos ah ama dadban awoodda aabaheed ugu takri fali karto, ama danaheeda ugaga faa’idaysan karto. Iyo weliba sida ay u dhacdo in inanta hoggaamiyuhu dhalay ay horseed u noqon karto in odaygeeduna uu farogelin ku yeesho siyaasadda dalka uu soddoggii hoggaamiyo. Waa se marka uu hoggaamiyuhu arrintaas si ku talogal ah u fasaxo ama uu gaadho marxalad aanu ka tahli karin in uu awoodda dalka isagu gacantiisa ku urursado oo xubnaha qoyskiisa ka fogeeyo. Indhaha dunida oo dhamina waxa ay eegayaan bal hadda sida uu ku dambayn doono xaalka dalka Kaasakhistaan madaxweyne Nuur Suldaan dabadii iyo in inantiisa imikaba isa sii diyaarisay ee xitaa magaciisa la baxday ay hungurayn doonto ama isagu jid ay talada ku qabato u sii jeexi doono.