Dugsiyada Sare Ee Salaama Oo Guulo Ka Soo Hooyey Imtaxanaadkii Shahaadiga Ahaa Ee Somaliland

0
807

Hargeysa(Geeska)-Dugsiyada sare ee Salaama ayaa guul ka soo hooyey Imtaxaankii shahaadiga ahaa ee Dalka islamarkaana kaalmo ka galey Imtaxaankii shahaadiga ahaa ee Fasalka Afrad ee Dugsiyada sare,

Dugsiga Salaama Secondary School ayaa hantey kaalmaha 5aad ee Hablaha iyo 6aad ee Inama’da ee Imtaxaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2016-2017ka oo Maalintii shaley aheyd si rasmi ah loo shaaaciyey.

Cabdirasaaq Ibraahin Faarax Xuseen oo galey kaalinta 6aad ee Inama’da iyo Xafsa Maxamed Xuseen Da’ud oo iyana gashey kaalinta 5aad ee Hablaha  ayaa ahaa kuwo ku guuleysta  guul balaadhan  oo Dugsiyada Sare ee Salaama ka soo hooyey Imtaxanadkii shahadiga ahaa ee sanadkani , Sidoo kalena guud ahaanba Ardeyda u faadhisatey Imtaxaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Salaama oo tiradoodu dhameyd 264 Ardey ayaa guud ahaanba galey kaalmo fiican iyagoo natiijadooda Imtaxaanku muujineyso dadaalka wax ku oolka ah ee ey u galeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiyada Salaama sidii ay ardeydan oo aheyd dufcadii 4aad ee ka qalinjabisa dugsiyada sare ee salaama waxbarsho tayo sare leh u heli laheyd.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada  Salaama Jaamac Biixi Muuse ayaa isna ka dareen celiyey labada kaalmood ee ay ku guuleysten ardeyda Wax ka baratey Dugsiyada Salaama waxanu hanbalyey ardeyda kaalmaha gashey iyo guud ahaanba ardeyda ka qalinjabisey Dugsiyada sare ee Salaama Jaamac Biixi Muuse Maamulaha guud ee Dugsiyada  Salaama oo arrintani ka hadlaya ayaa yidhi { Dugsiga Salaama waxa u galey Imtaxaanadka shahaadiga ah 264 Ardey (Laba Boqol iyo Afar iyo Lixdan) Dugsiga Sare ah , Dugsiga Hoose/Dhaxena ee Salaama waxa u galey Imtaxaanka Shahaadiga ah 133 Ardey ( Boqol iyo Saddex iyo soddan Ardey)  Alxamdulilaah Dugsiga Sare ee  Salaama waxa uu galey Kalinta Top-tanka ee Inama’da wuxuu Kaalinta Lixaad ayuu galey , Kaalinta 5aad ee top-tanka ee hablaha ayuu iyadana sidoo kale galey dusiga sare ee Salaama}.

Maamulaha Guud  ee Dugsiyada Salaama Jaamac Biixi Muuse isagoo Hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi { Runtii waxa weeyan Dugsiga Salaama Halkii uu ahaan jirey wuu ka ruqaansadey , waxaanu u mahad celineynaa Macalimiintii runtii ku tabcey Ardeyda , Waxaanu runtii u mahad celineynaa Waalidiintii ku tabcey ardeydaas Dugsiga Sare ee Salaama ka qalin-jabisey , Waxaanu u mahad celineynaa laftigooda Ardeyda iyaguna dedaaley, waxaanu hanbalyeeyneynaa  oo kale Shaqalihii Dugsiga iyo Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Somaliland }

Dhanka kalena Maamulaha Guud  ee Dugsiyada Salaama ayaa ka warbxiyey dufacadani ka qalinjabisey dugsiga sare ee Salaama Isagoona Mar kale arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  { Runtii waxaa noo farxad ah in dufcadii Afaraad ee ka baxeysa Dugsiga sare ee Salaama oo afartaa dufacadood ee ka baxdey dugsiga sare ee Salaama iney eey galeen top-tanka waliba eey galeen kaalmaha 2aad, 3aad , 4 aad iyo 5aad macalaa Hablaha iyo Inam’daba waxa weeyan in aanu mar naba ka  dhicin top-tanka, waxa kaloo xusid mudan in dhamaanba  Dugsiyada Gobolka Maroodi-jeex aanu sanadkan anaga iyo dugsi kaleba galneyba guud ahaanba top-tanka dalka oo dhan taasina iyana waa hanbalyo gaar ah waanan hanbalyeeynayaa guud ahaanba dugsiyada iyaguna top-tanku galey oo dhanba}.

Dugsiyada Salaama ayaa guud ahaanba Muddadii uu ka qeyb galayey Imtaxaanadka Shahaadiga ah ee Dalka ku guuleystey kaalmo kala duwan isagoo jirey muddo yar balse dedaalka badan ee ay u galeen Maamulka iyo Macalimiita Dugsiyada Sare ee Salaama sidii eey u heli lahayeen waxbarasho tayo sare leh Ardeydu  Taasina waa ta u saamaxdey in Dhamaanba dufacadihii kala duwanaa ee Dugsiyada sare ee Salaama ka baxdey eey ku guuleysteen Natiijooyin wax ku ool ah.