Dugsiyada Nuuradiin Oo Isku Darsaday Ardayga Ugu Sareeya Somaliland iyo 7 Ka Mid Ah Tobanka Hablood Ee Dalka Ugu Sareeya

0
1018

Hargeysa(Geeska)-Dugsiyada Nuuradiin ayaa markii ugu horaysay toddoba kaalmood  ka galay tobanka arday ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ugu sareeya hablaha, sida oo kale kaalinta koowaad ayay ka galeen dugsiyada gaarka loo leeyahay dhanka wiilasha.

Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahin Maxamed ayaa si heersare ah u hanbalyeeyay ardayda  dugsigiisa ee kaalmaha hore ee dalka guusha ka gaadhay, waxa uu sida oo kale Mahad hanbalyo u diray guud ahaan ardayda imtaxaanaadka Shahaadiga ah ee dalka ku guulaystay.

Khaalid Maxamed Odawaa Tukaale ayaa noqday ardayga dugsiga sare ee Nuuradiin ka midka ahaa ee kaalinta koowaad u galay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland waxaanu keenay 924 dhibcood, wiilkan ayaa dhimay imtaxaankii guud ee loo fadhiistay 76 dhibcood oo kaliyaata, waxaana  dhibcaha kooban ee uu wiilkaasi dhimay isagoon wax qish ah samaynin ku faanay wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Habane oo warbaahinta u sheegay in ardaygaasi uu dedaal sameeyay.

Markii lagu dhawaaqay natiijada tobanka hablood ee kaalmaha hore qaatay dugsiyada sare ee Somaliland waxa kaalinta koowaad gashay Asma Yuusuf Aadam oo dugsiyada Nuuradiin ah  Amaal Maxamed Xasan Jamac oo kaalinta labaad gashay, Samda Mustafe X. Askar oo kaalinta saddexaad gashay , Hibaaq Jamac Cumar Axmed oo kaalinta toddobaad gashay, Raxma Abokor  Cabdiraxmaan oo kaalinta sideedaad gashay, Istahil Aadan Xuseen Axmed Oo kaalinta tobnaad gashay. Hablahan toddobada kaalmood  cidhiidhsaday ayaa dhamaantood ah dugsiyada Nuuradiin.

Asma Yuusuf Aadan oo dareenkeeda cabiraysa kadib markii kaalinta koowaad ee hablaha dugsiyada gaarka ah ay gashay ayaa si kooban halkaas uga tidhi”Mahad oo dhan waxa iska leh Allaha noo suurto galiyay inaan guul iyo farxad ku soo dhamayno geedigii waxbarasho oo soo taxnaa 12 sanadood, waxaan u mahadnaqayaa waalidkay hooyaday macaan oo garabkayga fadhida, aabahay iyo walaalahay, sida oo kale waxa aan aad ugu mahadnaqayaa macalimiintaydii iyo maamulkaygii mar kasta hiil iyo hooba isla garab taagnaa, runtii waan ka xishoonayaa inaan mahadsanidin kaliyaata ku idhaahdo uma qalmaan ee Alle ha ka yeelo abaalkooda janada fardawsa, waxaan u hanbalyaynayaa dhamaan ardayda dalka ee heshay natiijada imtaxaanaadka qaranka waxaan leeyahay hore u socda dhamaantiin mustaqbal wanaagsan ayaan idiin rajaynayaa,si gaar ah waxaan u hanbalyaynayaa ardayda ka baxday dugsiyada Nuuradiin.”

Sida oo kale kaalinta labaad ee imtaxaanaadka shahaadiga ah ee dugsiga sare qaybta wiilasha waxa galay isla arday ka socda dugsiyada Nuuradiin Yaxye Cabdi Gaaxnuug, kaalinta shanaad waxa galay Xamse Cabdilaahi Muxumed oo isla dugsiyada Nuuradiin ah, halka kaalinta sagaalaadana uu soo cidhiidhsaday Guuleed Muxumed Jaamac.

Ardayda dugsiyada hoose dhexe fasalka sideedaad u fadhiistay ee Nuuradiin ayaa iyagna sida oo kale qaatay qaar ka mid ah kaalmaha mudan, waxaana xusid mudan in dugsiyada Nuuradiin ay ahaayeen muddo dheer haatan kuwo kaalmaha sare ee dalka ku tartama.