Dugsiyada Ingiriiska Oo Ardaydooda Muslimiinta Ah Kula Taliyey In Aanay Soomin Bisha Soonka Ee Sannadkan

0
540

London (Geeska)- Boqollaal ka mid ah dugsiyada England, Wales iyo Ireland ta woqooyi oo ah saddexda qaybood ee ay ka kooban tahay boqortooyada Ingiriisku ayaa waalidiinta dalkaas ugu baaqay in ay ubadkooda ardayda ah u ogolaadaan in aanay soomin bisha soonka inta lagu gudo jiro, iyaga oo ku sababaynaya in ay ku soo beegantay xilligii ay ardaydu gelayeen imtixaanaadka sannadka dhammaadka, sidaa awgeed uu dhaawici karo heerkoodii iyo hawlgudashadoodii waxbarashada.

War uu Geeska Afrika soo turjumay oo ay faafisay Shabakadda Aljazeera ayaa intaas ku daray in Dalladda hoggaamiyeyaasha/maamullada dugsiyada iyo jaamacadaha ee dalka Ingiriisku ay sannadkan horraantiisii soo saartay talo ay ku sheegayso muhiimadda ay leedahay in ardayda muslimiinta ahi aanay soomin Ramadaanka, iskana jiraan salaadda habeenkii la tukado xilliga Ramadaanta (Taraawiixda) “Si looga fogaado daal iyo hurdo xumo ilmaha ku dhacda” ayaa ay ku yidhaahdeen hadalkoodaas.

Sida uu wargeyska Daily Telegraph ku warramayana Dalladdani intii aanay taladan soo saarin waxa ay la tashatay masuuliyiiinta dugsiyada iyo culimada Muslimiinta ee Ingiriiska. Waxa aanay taladooda gaadhsiiyeen in ka badan 3kun oo dugsi oo Ingiriiska ku yaalla.

Toddobaadka soo socda ayaa ay imtixaanaadkii sannad-dhammaadku ka bilaabanayaan dalka Ingiriiska, waana markii ugu horreysay muddo 20 sano ah ee isku beegmaan bisha Ramadaan.

Wargeyska Daily Telegraph waxa uu sheegayaa in dugsiyadu ay waalidiinta kala hadleen arrintan, iyaga oo weliba u sheegay in natiijada imtixaanka uu ardaygu keenayaa aanay muhiim u ahayn naftiisa oo keliya, balse ay sidoo kale saamayn ku yeelanayso darajada uu dugsigu kaga jiro liiska dugsiyada dalku sida ay waxbarashada ugu kala sarreeyaan.

Malcolm Tropez oo ah xoghayaha guud ee Daladda hoggaanka dugsiyada iyo jaamacadaha ayaa isna sheegay in muddada imtixaanku ay tahay waqti adag oo ardaygu marayo, maadaama oo sannadkan ay ramadaan ku hagaagtayna ay la tashadeen culimada fiqiga ee Muslimiinta, una gudbiyeen talada iyaga la habboon.