Dugsiga Young Muslim Academy Oo Lacag, Raashin, Iyo Dhar Ku Wareejiyay Guddiga Abaaraha

0
949

Hargeysa (Geeska)- Dugsiga Young Muslim Academy ee magaalada Hargeysa ayaa lacag , raashin iyo maryo ay iska soo ururiyeen Ardayda dhigata, waxay ku wareejiyeen Guddida taakulaynta Abaaraha Somaliland.

Munaasibadii uu Dugsiga Young Muslim Academy  ku wareejinayey Lacagta, Raashinka iyo Agabka Guddida Abaaraha ee uu ugu kaga qayb qaadanayo Gurmadka Abaaraha, ayaa shalay ka dhacday Xarunta Hay’adda Shaqalaha.

Munaasibadan oo si balaadhan loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Khaliil Ibraahim Xawaadle Madar, oo ka mid ah Guddida Waalidiinta ee Dugsiga  Young Muslim Academy, kuna hadlaayey magaca Dugsiga, ayaa isagoo ugu horeyn ka waramaya lacagta, iyo Raashinka ay bixiyeen wuxuu  yidhi “Waxaanu Guddida Abaaraha Somaliland oo masuuliyiin ka mid ah halkan inala joogaan waxaanu ku wareejinaynaa Lacag, Raashin iyo Dhar ay iska soo ururiyeen Ardayda Dugsiga Young Muslim Academy,lacagtu waxay iskugu jirtaa Doolar iyo Kaash, Doolarku waa 1427 doolar, kaashkuna waa  (Milyan, afar boqol iyo lixdan kun), waxay kala oo ay Ardaydu iska soo ururisay Gaadhigan oo buuxa oo ay ku jiraan Raashin, Hu’, Dhar, Raashinku wuxuu ka kooban yahay Bariis, Daqiiq, Sonkor, Baasto, Saliid, Caano-boodhe, Timir,Bustayaal, Cawo, Dhar noocyo badan iskugu jira, waxaana iska soo ururiyey Ardayda Dugsiga  Young Muslim Academy, markani maaha markii ugu horeeysay ee ay gurmadka abaaraha ka qayb qaatan Ardaydani, ee hore ayey uga soo qayb qaateen, waana talaabo ku dayasho mudan, madaama ay aad uga naxeen dadkooda dhibaataysan ee abaartu sida xun u gashay”.

Sakariye Daahir Cige, oo ka mid ah Guddida Abaaraha, isla markaana ah la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka, oo isna munaasibadaas ka hadlay,ayaa mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyey Dugsiga  Young Muslim Academy, waxaanu si gaar ah u amaanay Ardayda iska soo ururiyey lacagta,raashinka iyo waxyaabaha kala duwan ee ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha, waxaanu sheegay inuu aad ugu mahadnaqayo Ardayda,Waalidiinta Maamulka iyo Macalimiinta Dugsigan oo uu sheegay inay talaabo fiican oo ku dayasho mudan horseed ka noqdeen, waxaanu sidoo kale guud ahaan Bulshada ugu baaqay inay ku daydaan Dugsigan oo ay iyana ka qayb qaatan gurmadka abaaraha.

Suldaan Axmed Xasan Jaamac, oo isna ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, isla markaana ka tirsan Guddida Gurmadka  Abaaraha Somaliland, ayaa isna dhankiisa wuxuu mahadnaq iyo hambalyo u soo jeediyey Dugsiga Young Muslim Academy, gaar ahaan Ardayda oo uu sheegay inay amaan iyo sharaf mudan yihiin madaama ay garteen inay ka qayb qaatan gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu hayaan, waxa uu sidoo kale u mahadnaqay Macalimiinta, Maamulka iyo Waalidka Ardayda Dugsigan oo uu sheegay inay si fiican ay u wax u bareen una tarbiyadeeyeen.