Dugsiga Sare Ee Salaama Oo Dhismaha Waddooyinka Dalka Lacag Uu Ugu Deeqay Ku Wareejiyay Wasiirka Waxbarashada

0
623

Hargeysa (Geeska)- Dusgsiga Sare ee Salaama Secondary School oo ka mid ah Dugsiyada ugu horeeya ee Caasimadda Hargeysa ayaa maalintii Shalay lacag ay kaga qeyb-qaadanayaan Dhismaha waddooyinka  ku Wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Xaflad qurux baddan oo lagu qabtay Barxadda weyn ee Dugsiga Salaama Secondary School ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda, Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Salaama Secondary School, waxaana Maamulka Dugsiga Salaama ay kaga dhawaaqeen inay dhismaha Wadooyinka kaga qeyb-qaadan doonaan lacag qadarkeedu yahay $ 2731 oo dollar (laba kun toddoba boqol iyo koow iyo soddon dollar.)

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Salaama Secondary School Nuur Cumar Iidaan, waxaana uu xusay inay ka Dugsi ahaan ay go’aansadeen inay ka qeyb-qaataan tabarucaadka Waddadan oo muhiim ah in la dhiso, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horeyn waxaan mahadnaq balaadhan iska leh Allaha Subxaana Watacaala inoo suurto-geliyay inaynu halkan iskugu nimaadno, marka labaad waxaan runtii halkan mahadnaq balaadhan uga soo jeedin lahaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre ee Jamhuuriyada Somaliland Marwso Samsam Cabdi Aadan oo runtii wakhtigeeda qaaliga ah  inoo soo hurtay iyadoo hawl qaran haysa oo Maanta {Shalay} jeclaatay inay ina soo ajiibto oo ay noo timaado oo ay inagala qeyb qaadato hawshan waanan uga mahad-ceinaynaa, runtii waxaa sharaf weyn noo ah haddii aanu nahay Dugsiyadda Salaama Schools gaar ahaan Dugsiga Sarre ee Salaama Secondary School in Marwo Samsam Cabdi Aadan ay halkan marti inoogu tahay, waxa aynu wada ogsoonahay Deeq loogu uruurinayay lacag oo ay ka wada qeyb-qaadanayeen Somaliland oo dhan oo ahayd in lagu dhiso wadooyinka Wasiir waraaqdaadi ahayd inaanu hawshaas galno maamul ahaa, macalimiin ahaan iyo arday ahaanba waanu ka jawaabnay waanu ku guddoonsiin doonaa imika, aniga oo aah hadalka dheerayn waxaan halkan kugu guddoonsiin doonaa lacag qadarkeedu dhan tahay $2731 (Laba Kun Toddoba Boqol iyo Kaw iyo Soddon Dollar) oo aanu kaga qeyb-qaadan doono Dhismaha Waddooyinka Dalka haddii aanu nahay Dugsiga Salaama Secondary School” ayuu hadalkiisi ku soo koobay Maamulaha Salaama Secondary School Nuur Cumar Iimaan.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo maamulka Salaama Secondary ka guddoontay lacagta Deeqda ah ee ay ugu talo-galeen dhismaha Waddooyinka dalka, waxaana ay uga mahad-celisay sida wanaagsan ee Maamulka iyo Ardaydu u soo dhaweeyeen, iyadoo sidoo kale xustay in Dugsiyada kalena ay ku dhiiradaan oo ay ku daydaan talaabada wadanimadda leh ee Dugsiga Salaama Secondary School uu la yimid. Ugu dambeyn Ardayda Salaama Secondary School gaar ahaan Hablaha ayaa Shahaado Sharaf iyo Hadyad ku maamuusay Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyagoo sidoo kale Geeraar ay ku soo bandhigeen dedaalka iyo waxqabadka ay Marwadu la timid halkaasi ka tiriyay.